|
|
Madaxweyne ku-xigeenka oo magacaabay guddi soo baadha eedaymo loo jeediyay laba Xubnood oo Komishanka ka tirsan & UCID oo ku gacan-saydhay
Isniin, 22 June 2009 (HOL): Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa la sheegay in uu magacaabay Guddi soo baadha eedaymo loo jeediyay laba xubnood oo ka tirsan Komishanka Doorashooyinka Qarnaka, kuwaas oo xubnaha kale ee Komishanku soo jeediyeen in Xilka laga qaado. Waxaana arrintaa jawaab ka bixiyay Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo sheegay in aanu ku kalsoonayn. Madaxweyne-ku-xigeenka Axmed Yuusuf ayaa la sheegay in shalay uu magacaabay Guddi soo baadha eedaymo loo jeediyay laba xubnood oo ka mid ah Guddida Doorashooyinka Qaranka, kuwaas oo eedaymahaas loo cuskaday xil-ka-qaadis lagu soo oogay oo lagu doonayo in xilka lagaga qaado, ka dib markii sida la sheegay ay Guddida arrimaha gudaha ee Golaha Wakiiladu dib ugu celiyeen Madaxtooyada qoraal soo-jeedin ahayd oo ay ku doonayeen in lagu ansixiyo soo-jeedinta xil-ka-qaadista labada Xubnood ee Komishanka, taas oo ay guddida arrimaha gudaha ee Golaha Wakiiladu ay u cuskadeen celintooda in sharciyan ay tahay in ka hor inta aan Golaha loo gudbin soo-jeedintan, la magacaabo guddi soo baadha eedaymaha loo jeediyo xubnahan. Guddoomiyaha Guddida joogtada ah ee Golaha Wakiilada Xil. Siciid Cilmi Rooble oo ka hadlay arrinta keentay in ay dib u celiyaan soo-jeedintan, ayaa sheegay in Madaxweyne-ku-xigeenku ka hor intii aanu shalay Madaxweynuhu dalka ku soo laaban uu magacaabay guddi soo baadha eedaymaha lagu oogay labada xubnood ee Komishanka. “Dastuurku wuu u bannaynayaa (guddida baadhiseed), Madaxweynuhu ma joogine, sida aanu warka ku helnay Madaxweyne-ku-xigeenka oo markii horeba soo gudbiyay Qoraalkan (soo-jeedinta xil-ka-qaadista labada Xubnood ee Komishanka), ayuu maanta (shalay) guddidii magacaabay, waanay ku jirtaa hawshoodii.” Ayuu yidhi Xil. Siciid Cilmi Rooble. Mar Xil. Siciid la waydiiyay in Gole ahaan lala soo socodsiiyay xubnahan guddida baadhista ee la magacaabay iyo in kale, ayaa wuxuu ku jawaabay, “Anagu xaq uma lihin oo Madaxweynaha ayaa saaraya oo sida uu ugu qanco ayuu u magacaabayaa sharciyan, Warbixinta-na Anaga waa naloo soo gudbinayaa oo Waraaqda waa naloogu soo lifaaqaa. Markaa anaga oo aan Xeerka dhaafayn oo markii horeba guddida baadhiseed ee aan la magacaabin ayaanu ugu celinay. Balse, waxaan filayaa markay dhammaato in dib naloogu soo celinayo” Sidoo kale, mar guddoomiyaha guddida arrimaha gudaha la waydiiyay in xubnaha la magacaabay ee baadhista ay yihiin xubno Xukuumadda ka tirsan iyo in ay Gole ahaan qayb ka yihiin, ayaa wuxuu ku jawaabay, “Maya ee Goluhu qayb kama aha ee isaga ayuu Xeerku awoodda siinayaa oo guddi baadhiseed ayuun buu tilmaamayaa. Isaga (Madaxweynaha) ayuun baanay taasi u taalaa ee Anagu Gole Wakiilo ahaan kuma lihin wax door ah oo Xeerku ma siinayo. Dhinaca kale, Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa Warsaxaafadeed uu soo saaray maanta ku sheegay in aanay kalsooni ku qabin Guddida uu Madaxweyne-xigeenka Somaliland u magacaabay baadhista eedaymaha loo jeediyay Xubnaha Komishanka Doorashooyinka. Warsaxaafadeedkaas oo uu ku saxeexnaa ku-simaha Guddomiyaha UCID, ahna guddoomiye-xigeenka 1aad ee Xisbigaas oo nuqul ka mid ahi na soo gaadhay, laguna socodsiiyay Madaxweyne-xigeenka Somaliland, Shirguddoonnada labada Aqal Baarlamaan ee Somaliland, islamarkaana ogaysiin la siiyay Komishanka Doorashada iyo Xisbiga kale ee Mucaaradka ah ee Kulmiye, ayaa wuxuu u dhignaa sidan; “Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID wuxuu Madaxda Qoraalkani tooska ugu socoto ku wargelinayaa inaanu ku kalsoonayn Xubnaha Guddida loo saaray baadhitaanka eedaha loo soo jeediyay 2-da Xubnood ee ka midka ah Komishanka Qaranka ee Doorashada. Guddidaas ooh ore u gashay eedayn loo soo jeediyay xubinta Xisbiga UCID soo magacowday ee Axmed Maxamed Daahir (Bidaar) (Mid ka mid ah Xubnaha eedaha loo jeediyay) oo go’aankii ay soo saareena hore Golaha Wakiiladu u diideen. Sidaas darteed, Xisbi ahaan nooguma muuqato in isla guddidaas hore mar kale dib loogu magacaabo. Haddaba, si caddaaladda loo sugo, loogana baaraan-dego in loo magacaabo guddi hor leh oo dhexdhexaad ah, kuna jirin xubnahaas hore.”
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online barqad@hiiraan.com Hargeisa, Somaliland
 |
 |
 |
|
|
|
6/22/2009 1:05 PM EST
|
|
Isniin, June 22, 2009(HOL): Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday in uu taageersan yahay codsigii Dowladda Soomaaliya ee ahaa in ay dalalka Soomaaliya la deriska ah ay ciidamo u diraan Soomaaliya si ay uga badbaadiyaan khatar ku soo fool leh. |
|
|
6/22/2009 1:04 PM EST
|
|
LONDON, UK (HOL) - Shan xubnood oo ka tirsan Golaha Wasiirada, siyaasiyiin hore iyo waxgaradka jaaliyadda London ee UK ayaa munaasabad baroordiiq ah |
|
|
6/22/2009 12:42 PM EST
|
|
Isniin, 22, June, 2009 (HOL) Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Goballka Hiiraan saacadihii aynu soo dhaafnay waxaa ka jira qaban qaabo iyo dhaq dhaqaaqyo u muuqda kuwo lagu soo dhaweynayo Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsa Dowladda Federaalka oo lagu wado in ay gaaraan Magaalada Waqtiyada ina soo aadan. |
|
|
6/22/2009 12:36 PM EST
|
|
Isniin, June 22, 2009(HOL): Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in maanta laga bilaabo uu dalka Soomaaliya gelayo xukun deg deg ah. |
|
|
6/22/2009 12:35 PM EST
|
|
Isniin, 22 June 2009 (HOL): Xukuumadda Somaliland ayaa u muuqata mid ka xog la’ Cudur loo magac bixiyay Hargab-Doofaarka oo muddooyinkii u dambeeyay faro-baas ku hayay dalalka Dunida, isla markaana hadda soo gaadhay dalka aynu Ganacsi-wadaagta iyo deriskaba nahay ee Itoobiya. |
|
|
6/22/2009 12:34 PM EST
|
|
Isniin, 22 June 2009 (HOL): Mudanayaal ka tirsan Golaha Guurtida ayaa ka digay khatar ay sheegeen in ay Somaliland kaga soo fool leedahay dhinaca Koonfurta Soomaaliya, isla markaana waxay ku baaqeen in la xidho Xuduudaha Somaliland ee dhinacyada Badda iyo berrigaba. Waxaanay Axsaabta Mucaaradka ah ugu baaqeen in ay ka baxaan yooyootanka Siyaasadeed oo loo hawl-galo sidii laysaga kaashan lahaa arrimaha difaaca dalka. |
|
|
6/22/2009 12:34 PM EST
|
|
Isniin, June 22, 2009(HOL): Naafada Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku nool ISbitaalkii Martiini ee magaalada Muqdisho ayaa waxay shaaca ka qaadeen in ay la soo deristay xaalad nolol xumo ah, sidaas darteedna waxay ka codsadeen shacabka Soomaaliyeed iyo cid kasta oo wax u heli karta in ay u soo gurmadaan. |
|
|
6/22/2009 12:32 PM EST
|
|
Isniin, 22 June 2009 (HOL): Deeq-bixiyayaasha Caalamiga ah ee Somaliland ka taageera arrimaha Doorashada, ayaa qoraal ay soo saareen kaga hadlay burburka Wada-hadalladii u socday saddexda Xisbi Qaran iyo khilaafaadka Siyaasadeed ee halkoodii ku noqday, isla markaana waxay baaq ugu jeediyeen Axsaabta Siyaasadda in maalmaha soo socda xal laga gaadho. Iyaga oo Axsaabta Mucaaradka ahi ay ka jawaabeen Qoraalka ka soo baxay Deeq-bixiyayaasha Caalamiga ah. |
|
|
|
 |
 |
 |
|
|
6/22/2009 11:37 AM EST
|
|
Hardline Islamists have condemned four young Somali men to a double amputation for stealing mobile phones. |
|
|
6/22/2009 10:08 AM EST
|
|
Somali President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed has declared a state of emergency in the country. |
|
|
6/22/2009 10:02 AM EST
|
|
It is one of the signs of the hour (القيامة) that scholars will be taken away by Allah, thus knowledge will be less and everyone shall speak!. |
|
|
6/22/2009 9:48 AM EST
|
|
ADDIS ABABA, Ethiopia (AP) — The African Union said Monday it supports Somalia's plea for neighboring countries to send troops to help fight Islamist insurgents, but there was no indication the reinforcements would be forthcoming. |
|
|
6/22/2009 9:31 AM EST
|
|
Prime Minister Raila Odinga Monday hinted at a military solution to the crisis in war-torn Somalia. |
|
|
6/22/2009 9:24 AM EST
|
|
Nairobi/Addis Ababa (dpa) - The African Union on Monday backed Somalia's appeal for foreign troops to help it fight off Islamist insurgents threatening to seize control of the Horn of Africa nation. |
|
|
6/22/2009 9:14 AM EST
|
|
MOGADISHU (AFP) - Somalia's embattled president, Sharif Sheikh Ahmed, was on Monday scrambling to salvage his six-month-old administration and fend off an unrelenting insurgent offensive. |
|
|
6/22/2009 2:45 AM EST
|
|
An Al-Qaeda force fighting alongside Somali extremists against the transitional government has sent ripples through regional capitals. |
|
|
6/22/2009 2:29 AM EST
|
|
June 20 (Reuters) - 2010 World Cup African qualifying results and standings after Saturday's matches. |
|
|
6/22/2009 2:20 AM EST
|
|
Frightened and knowing no one, Bibi Abdalla, of St. Paul, entered college with one thought: get in, get her education and get out. |
|
|
6/22/2009 1:54 AM EST
|
|
The Secretary General of the Organization of the Islamic (OIC), Prof Ekmeleddin Ihsanoglu who has been following with grave concern the latest escalation of the insurgency in Somalia, has launched an appeal to the international community to discharge its full responsibilities by taking urgent necessary action to ensure the survival of the Transitional Federal Government (TFG) in Somalia. |
|
|
|