|
|
Deeq-bixiyayaasha Caalamiga ah oo mar kale digniin ka soo saaray dib-u-dhac ku yimaadda Doorashada Somaliland & jawaabta Axsaabta Mucaaradka ah
Isniin, 22 June 2009 (HOL): Deeq-bixiyayaasha Caalamiga ah ee Somaliland ka taageera arrimaha Doorashada, ayaa qoraal ay soo saareen kaga hadlay burburka Wada-hadalladii u socday saddexda Xisbi Qaran iyo khilaafaadka Siyaasadeed ee halkoodii ku noqday, isla markaana waxay baaq ugu jeediyeen Axsaabta Siyaasadda in maalmaha soo socda xal laga gaadho. Iyaga oo Axsaabta Mucaaradka ahi ay ka jawaabeen Qoraalka ka soo baxay Deeq-bixiyayaasha Caalamiga ah. Qoraalka Deeq-bixiyayaasha: Deeq-bixiyayaasha Caalamiga ah ee Somaliland ka taageera arrimaha Doorashada ayaa qoraal ay shalay ka soo saareen Xarunta Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaga hadlay arrimaha Khilaafaadka Siyaasadeed ee dalka ka oogan, waxaanay ka digeen in aan la soo af-jarin oo ay sheegeen in ay sabab u noqon karto in aanay qabsoomin Doorashadu, isla markaan mar saddexaad dib u dhici karto. Warsaxaafadeedkaas oo nuqul ka mid ahi na soo gaadhay, isla markaana Af-Ingiriisi ku qornaa, ayaa wuxuu u dhignaa sidan; “Deeq-bixiyayaasha taageera Guddida Barnaamijka Dimuqraadiyadaynta Somaliland waxay ka walaacsan yihiin go’aanada ogolaanshaha ah ee aanay Xisbiyadu weli ka gaadhin arrimaha hadda taagan. Deeq-bixiyayaashu waxay ku celinayaan mar kale in haddii aan go’aanadan la gaadhin maalmaha soo socda ay saamayn doonto, farsamo ahaan-na aanay suurtogelinayn in la qabto Doorashada Madaxtooyada ooh ore dib ugu dhacday 27-ka September. Deeq-bixiyayaashu waxya ugu baaqayaan Xisbiyada in ay si hubsiimmo leh u gartaan Masuuliyaddooda Cod-bixiyayaasha iyo masiirka Dimuqraadiyadeed ee Dadweynaha Somaliland.” Jawaabta Labada Xisbi Mucaarad: Labada Xisbi Mucaarad ee Kulmiye iyo UCID ayaa mid waliba dhinacooda jawaab uga bixiyay qoraalkan ka soo baxay Deeq-bixiyayaasha Caalamiga ah, waxaanay si gooni-gooni ah u sheegeen in ay iyagu Axsaab ahaan diyaar u yihiin in Doorashadu dalka ka qabsoonto waqtiga loo qoondeeyay. Ku-simaha Guddoomiyaha, ahna Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Aadam Maxamed Mire (Waqaf) oo Wargeyska Ogaal wax ka waydiiyay in warqada taageerayaasha Caalamiga ah gacanta ka geysta Doorashooyinka Somaliland soo saareen uu xisbi ahaan la gaadhsiiyay, waxa uu ku jawaabay; “Maya, weli warqadaasi si rasmi ah annaga noomay soo gaadhin.” Hase ahaatee, mar aanu sii waydiinay sida uu u arko welwelka Deeqbixiyeyaashu ka muujiyeen in haddii aanay Axsaabta siyaasaddu heshiis ka gaadhin arrimaha dhexyaala ay taasi saamayn ku yeelan doonto suurtogalnimada qabsoomida doorashada Madaxtooyada, waxa uu sheegay in dhinacooda ay mar walba diyaar u yihiin sidii ay suurtogal u noqon lahayd in doorashadu xilligeeda ku qabsoonto. “Imika annaga waxba naguma xidha, laakiin wax badani waxay ku xidhan yihiin Xisbul-xaakimka iyo Xukuumadda. Annagu mar walba diyaar baanu u nahay in doorashadu xilligeeda ku qabsoonto, shuruudihiina (Deeqbixiyeyaashu hore u soo jeediyeen) in laga soo baxo (la fuliyo). Markaa, qodobadaas oo ah kuwii awalba laga hadlayay haddii laga helo inay fulinayaan waqtigeeda way ku qabsoomaysaa oo mar walba iyaguun bay agtaalaa siday ku qabsoomi lahayd, umaddana waa kuwii u balanqaaday inay doorashadu xilligeeda ku qabsoomayso. Sidaa darteed, UDUB iyo Xukuumadda uun baa laga sugayaa oo looga fadhiyaa.” Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Keyse Xassan Cige oo Wargeyska Ogaal isna dhinacooda wax ka waydiiyay qoraalkan cusub ee Deeqbixiyeyaashu soo saareen, waxa uu sheegay in xisbi ahaan aanu weli qoraalkaasi soo gaadhin.
“Horta, heshiisku waa saddex-qaybood (saddex-geesood), markaa kol hadduu saddex qaybood yahay laba hadday tagaan oo aanu mid imanin, arrintaasi waxba kama jiraan weeyaan. Markaa Cawil iyo Cabdillaahi (Wasiiradda Maaliyadda iyo Khaarajiga) waxay u tageen (Nairobi) laba arrimood uun bay ahayd, oo ah xilligan cidhiidhiga ah laga daayo, waqtigana loo kordhiyo iyo in lacagta loo soo shubo todobaad gudihii, markaa taasina way socon wayday,” ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee KULMIYE. Mar wax laga waydiiyay sida uu u arko welwelka Deeqbixiyeyaashu ka muujiyeen in is-faham la’aanta weli ka taagan Axsaabta siyaasadda dhexdeedu ay caqabad ku noqon karto qabsoomida doorashada Madaxtooyada oo loo muddeeyay 27 September 2009, waxa uu sheegay in arrintaas sabab u tahay Xukuumadda iyo xisbigeeda oo uu ku tilmaamay in aanay diyaar u ahayn, isla markaana carqaladaynaya geedi-socodka hawsha Doorashada.
“Heshiiskii la galay ee xataa aanu markuu saxeexi waayay ogolaanay ee guddigii dhex-dhexaadintu keeneen, waxay ahayd in qodob-qodob loo fuliyo, waana in wuxu markuu heshiis yahay la sii ambaqaadaa oo la fuliyaa…Midda kale, heshiiskoodii waa kan hirgeli waayay oo lacagtii 25%-ka ahayd ee Xukuumadda dhinaceeda ku qaybay lama shubin, 21-kii bisha (shalay) ee la yidhi ugu dambayn ku keena wax aad u dhan tihiin oo qoraal ah, si markaa lacagta (Kharashka doorashada inta Deeqbixiyeyaashu gacanta ku hayaa) la idiinku gudbiyo, taasina may hirgelin,” ayuu yidhi Keyse Xasan Cige. Wuxuuna intaa ku daray; “Weliba warar badan baa sheegaya in markuu tegayay (Madaxweyne Rayaale) uu yidhi (Wasiirada Nairobi tegay), ‘Interpeace ayay noo yeedhinin dad xor ah baanu nahay oo annagaa iska bixinaynee.” Mar uu ka hadlayay waxyaabaha farsamo ahaan qabsoomida doorashada saldhig u ah, waxa uu yidhi; “Haddii is-diiwaangelin lagu gelayo doorashada iyo haddii aan lagu gelaynba waxay u baahantahay dhaqaale, waxay u baahan tahay in hawlihii ka horeeyay la qabto sida; tabobarada Wakiilada iyo muraaqibiinta, agabkii oo la soo gado (iibiyo), gobollada oo loo baxo oo goobihii Codbixinta la sugo..Markaa ilama aha oo u malayn maayo in qaabkan imika u socoto Doorasho inay ku hagaagayso. Laakiin, annagu xisbi ahaan mar walba diyaar baanu u nahay wixi lagu gelayay doorasho ee dadku raali ka yihiin, qorshahayaguna waxa weeye in aanu xagayaga waxba ku xidhmin, mana jiraan wax xagayaga ku laabani.” Gebo-gebo: Qoraalkan ka soo baxay Deeq-bixiyayaasha Caalamiga ah ayaa wuxuu ku soo beegmayaa waqti uu halkiisii ku noqday khilaafkii Siyaasadeed ee dalka ka taagnaa sanadihii u dambeeyay, isla markaana uu hadda marayo muran gala kalsoonida Axsaabta qaarkood ku qabaan Komishanka, kuna kala qaybsameen joogitaanka xubnaha Komishanka oo Axsaabta qaarkood soo jeediyeen in xubno cusub lagu daro, halka kuwo kalena ay soo jeediyeen in la wada bedelo. Dhinaca kale, qoraalkan ayaa ku soo beegmay waqti Komishanka Doorashooyinka laf ahaantoodu kala qaybsan yihiin oo ay soo jeediyeen in laba xubnood oo ka mid ah la bedelo, isla markaana loo gudbiyay Baarlamaanka, inkasta oo iyana la sheegay inay dib Madaxtooyada ugu celiyeen dalabkaa ansixinta bedelaadda labada Xubnood. Si kastaba ha ahaatee, muranka siyaasadeed ee waqtigan, iyaga oo saddexda hoggaamiye Siyaasadeed dalku ay socadallo dibadeed kaga maqan yihiin dalka, marka laga reebo Madaxweyne Rayaale oo shalay galabnimadii gaabnayd dalka ku soo noqday, ayaa u muuqda mid lagu kala laalan yahay wada-hadalkiisa, oo qoloba, qolada kale korka ka saarayso eedda muranka. Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online barqad@hiiraan.com Hargeisa, Somaliland.
 |
 |
 |
|
|
|
6/22/2009 1:05 PM EST
|
|
Isniin, June 22, 2009(HOL): Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday in uu taageersan yahay codsigii Dowladda Soomaaliya ee ahaa in ay dalalka Soomaaliya la deriska ah ay ciidamo u diraan Soomaaliya si ay uga badbaadiyaan khatar ku soo fool leh. |
|
|
6/22/2009 1:04 PM EST
|
|
LONDON, UK (HOL) - Shan xubnood oo ka tirsan Golaha Wasiirada, siyaasiyiin hore iyo waxgaradka jaaliyadda London ee UK ayaa munaasabad baroordiiq ah |
|
|
6/22/2009 12:42 PM EST
|
|
Isniin, 22, June, 2009 (HOL) Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Goballka Hiiraan saacadihii aynu soo dhaafnay waxaa ka jira qaban qaabo iyo dhaq dhaqaaqyo u muuqda kuwo lagu soo dhaweynayo Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsa Dowladda Federaalka oo lagu wado in ay gaaraan Magaalada Waqtiyada ina soo aadan. |
|
|
6/22/2009 12:36 PM EST
|
|
Isniin, June 22, 2009(HOL): Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in maanta laga bilaabo uu dalka Soomaaliya gelayo xukun deg deg ah. |
|
|
6/22/2009 12:35 PM EST
|
|
Isniin, 22 June 2009 (HOL): Xukuumadda Somaliland ayaa u muuqata mid ka xog la’ Cudur loo magac bixiyay Hargab-Doofaarka oo muddooyinkii u dambeeyay faro-baas ku hayay dalalka Dunida, isla markaana hadda soo gaadhay dalka aynu Ganacsi-wadaagta iyo deriskaba nahay ee Itoobiya. |
|
|
6/22/2009 12:34 PM EST
|
|
Isniin, 22 June 2009 (HOL): Mudanayaal ka tirsan Golaha Guurtida ayaa ka digay khatar ay sheegeen in ay Somaliland kaga soo fool leedahay dhinaca Koonfurta Soomaaliya, isla markaana waxay ku baaqeen in la xidho Xuduudaha Somaliland ee dhinacyada Badda iyo berrigaba. Waxaanay Axsaabta Mucaaradka ah ugu baaqeen in ay ka baxaan yooyootanka Siyaasadeed oo loo hawl-galo sidii laysaga kaashan lahaa arrimaha difaaca dalka. |
|
|
6/22/2009 12:34 PM EST
|
|
Isniin, June 22, 2009(HOL): Naafada Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku nool ISbitaalkii Martiini ee magaalada Muqdisho ayaa waxay shaaca ka qaadeen in ay la soo deristay xaalad nolol xumo ah, sidaas darteedna waxay ka codsadeen shacabka Soomaaliyeed iyo cid kasta oo wax u heli karta in ay u soo gurmadaan. |
|
|
6/22/2009 12:33 PM EST
|
|
Isniin, 22 June 2009 (HOL): Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa la sheegay in uu magacaabay Guddi soo baadha eedaymo loo jeediyay laba xubnood oo ka tirsan Komishanka Doorashooyinka Qarnaka, kuwaas oo xubnaha kale ee Komishanku soo jeediyeen in Xilka laga qaado. Waxaana arrintaa jawaab ka bixiyay Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo sheegay in aanu ku kalsoonayn. |
|
|
|
 |
 |
 |
|
|
6/22/2009 11:37 AM EST
|
|
Hardline Islamists have condemned four young Somali men to a double amputation for stealing mobile phones. |
|
|
6/22/2009 10:08 AM EST
|
|
Somali President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed has declared a state of emergency in the country. |
|
|
6/22/2009 10:02 AM EST
|
|
It is one of the signs of the hour (القيامة) that scholars will be taken away by Allah, thus knowledge will be less and everyone shall speak!. |
|
|
6/22/2009 9:48 AM EST
|
|
ADDIS ABABA, Ethiopia (AP) — The African Union said Monday it supports Somalia's plea for neighboring countries to send troops to help fight Islamist insurgents, but there was no indication the reinforcements would be forthcoming. |
|
|
6/22/2009 9:31 AM EST
|
|
Prime Minister Raila Odinga Monday hinted at a military solution to the crisis in war-torn Somalia. |
|
|
6/22/2009 9:24 AM EST
|
|
Nairobi/Addis Ababa (dpa) - The African Union on Monday backed Somalia's appeal for foreign troops to help it fight off Islamist insurgents threatening to seize control of the Horn of Africa nation. |
|
|
6/22/2009 9:14 AM EST
|
|
MOGADISHU (AFP) - Somalia's embattled president, Sharif Sheikh Ahmed, was on Monday scrambling to salvage his six-month-old administration and fend off an unrelenting insurgent offensive. |
|
|
6/22/2009 2:45 AM EST
|
|
An Al-Qaeda force fighting alongside Somali extremists against the transitional government has sent ripples through regional capitals. |
|
|
6/22/2009 2:29 AM EST
|
|
June 20 (Reuters) - 2010 World Cup African qualifying results and standings after Saturday's matches. |
|
|
6/22/2009 2:20 AM EST
|
|
Frightened and knowing no one, Bibi Abdalla, of St. Paul, entered college with one thought: get in, get her education and get out. |
|
|
6/22/2009 1:54 AM EST
|
|
The Secretary General of the Organization of the Islamic (OIC), Prof Ekmeleddin Ihsanoglu who has been following with grave concern the latest escalation of the insurgency in Somalia, has launched an appeal to the international community to discharge its full responsibilities by taking urgent necessary action to ensure the survival of the Transitional Federal Government (TFG) in Somalia. |
|
|
|