Wararka Maanta- Axad, May 25, 2008


Gaadiid iyo Rakaab ah oo muddo badan ku xanibnaa Magaalada Lawyacaddo

Axad, 25 May 2008 (HOL): Gaadiidlayda iyo qaar ka mid ah dadka rakaabka ah ee  isaga goosha wadanka Jabuuti iyo Somaliland ayaa cabasho ka muujiyay Ciidamada ku sugan Kastamka Lowyacado.

Sida uu qoray Wargeyska Ogaal, Ilaa 50-gaadhi iyo rakaab ay sideen oo ka soo xagaa baxay Wadanka Jabuuti ayaa xalay fiidkii oodda laga soo qaaday ka dib markii ay ilaa shalay gelinkii danbe ku xanibnaayeen Magaalada Lowyacado ee xuduudka Somaliland iyo Jabuuti.

Qaar ka mid ah Gaadiidlayda iyo rakaabkan ayaa sheegay in culays lagaga dhigay lacag aanay qaadi karayn oo aanay xataa garanayn meel ay ka socoto. "Calaa madax (Qofkiiba) waxa la yidhi dadkii ha bixiyaan Labaatan doolar ($20), Loomana kala eegayo Muwaadin iyo Ajanabi. Berigii hore waxay ahayd labaatan kun oo SL/sh. Anagii gaadiidlayda ahayna waanu ku dhibanahay, oo ilaa 80 gaadhi ayaa isku soo gaadhay ilaa Galabta (Shalay gelinkii danbe)" Sidaa waxaa yidhi Cadnaan Xaaji Muuse

"Sidaanu lowyacado u nimi maanaan fadhiisan-ba, qof walba Labaatan doolar ayaa la yidhi keen, xageenu ka keenaa lacagta."  Sidaa waxaa tidhi Aragsan Maxamed Liibaan oo ka mid dadka shalay saacadaha ku xanibnaa Lowyacado, waxaanay intaa ku dartay, oo ay sheegtay in markii danbe dadkii oo dhan la soo daayay. "imika Labaatan kun oo shilinka S/Land ah ayaa lanaga qaaday oo warqad ayaa lanoo jaray.  Laakiin, waxaanu leenahay waa in dadka marka hore lala socod siiyaa oo wax la isla ogyahay laga qaadaa."
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
barqad@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland

 

Shiikh Xasan Turki oo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan Dagaal ay la galaan Ciidamo laga soo wado Qaramada Midoobay

5/25/2008 8:54 AM EST
Axad, May 25, 2008(HOL): Shiikh Xasan C/llaahi Xirsi (Shiikh Xasan Turki) oo ka mid ah Hoggaamiyayaasha sare ee Midowgii Maxkamadaha Islaamka ayaa wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan dagaal ay kala hortagaan Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo uu sheegay in loo soo wado Soomaaliya.

Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Dowladda Eritrea ugu baaqay in ay ka fiirsato kala qeybinta ay ku heyso Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya

5/25/2008 7:26 AM EST
Axad, May 25, 2008(HOL): Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Dalka Jibouti ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in ay Dowladda Eritrea waddo tallaabooyin aan wanaagsaneyn oo ay ku kala qeybineyso Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee dalkeeda lagu dhisay.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo muddo seddex Saacadood ah Ciidamo Itoobiyaan ah ugu xirnaa Xeradii Asluubta

5/25/2008 4:32 AM EST
Axad, May 25, 2008(HOL): Seddex Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa muddo seddex saacadood ah waxay Ciidamo Itoobiyaan ah ugu xirnaayeen Xeradii Asluubta.

Xaaladda Caafimad ee Guddoomiyaha Degmada Guriceel iyo Nabaddoonno shalay lagu dhaawacay Degmada Dhuusa-mareeb oo ka soo reyneysa

5/25/2008 4:31 AM EST
Axad, May 25, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in ay ka soo reyneyso Xaaladda caafimaad ee Guddoomiyaha Degmadaas Cali Shiikh Maxamed iyo Nabaddoonno shalay lagu dhaawacay Degamada Dhuusa-mareeb.

Maxkamadaha Islaamka oo sheegay in ay tallaabo ka qaadayaan Kooxo Burcad ah oo Dhac iyo Kufsi ka geystay duleedka Magaalada Jowhar

5/25/2008 4:29 AM EST
Axad, May 25, 2008(HOL): Afhayeen u hadlay maxkamadaha Islaamka ayaa shaaca ka qaaday in ay tallaabo ka qaadi doonaan Kooxo Burcad ah oo Dhac iyo Kufsi ka geystay duleedka magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Tahriibayaal Soomaali u badan oo ku dhintay Badda u dhaxeysa Talyaaniga iyo Liibiya

5/25/2008 4:27 AM EST
Axad, May 25, 2008(HOL): Tahriibayaal Soomaali u badnaa ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen Badda u dhaxeysa Dalalka Liibiya iyo Talyaaniga, kadib markii Doontii ay la socdeen ay Badda ku degtay.

Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku eedeysay in uu Maamulka Puntland u fududeeyay in uu baarom, soona saaro Shidaal

5/25/2008 4:26 AM EST
Axad, May 25, 2008(HOL): Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ku eedeysay in uu maamul goboleedka Puntland si gaar ah ugu fududeeyay in uu baaro, isla markaana soo saaro Shidaalka ku jira Deegaannada Puntland.

Ciidamada Itoobiya ee jooga Magaalada Beledweyne oo baaritaano ku sameynaya Gaadiidka isaga kala goosha gudaha Magaalada

5/25/2008 4:25 AM EST
Axad, May 25, 2008(HOL): Ciidamada Itoobiya ee jooga Magaalada Beledweyne ayaa markii ugu horeysay bilaabay baaritaano lagu sameynayo gadiidka isaga goosha Magaalada Beledweyne kadib markii Jimcihii aynu soo dhaafnay Ciidamadu gacanta ku dhigeen gaari kuwa rakaabka ah oo waday hub iyo saanad la doonayay in si qarsoodi ah lagu soo galiyo gudaha Magaalada.

Dad tiradoodu dhan tahay 220 Qof oo Itoobiya ka soo gudbisay Xuduudka u dhaxeeya iyaga iyo Somaliland

5/25/2008 4:23 AM EST
Axad, May 25, 2008(HOL): Dad tiradoodu gaadhayso 220 qof, oo qayb ka mid ahi reer Somaliland yihiin, ayaa laga soo gudbiyay Xuduudka u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya, ka dib markii dawladda Itoobiya ay dadkan ka soo qab-qabatay Xuduudka u dhaxeeya Sudan iyo Itoobiya. Halka tiro kale oo badanna la sheegay in la soo wado.




Baaq ku wajahan Shacabka Soomaaliyeed -IDXS

5/25/2008 11:03 PM EST
Isbahaysiga dib u Xoreynta Soomaaliya waa urur Siyaasi ah oo nabadeed oo la dhisay in uu fagaarayaasha caalamiga ah ku metelo bulshadda Soomaaliyeed, isla markaana Beesha Caalamka ka dhaadhiciyo qadiyadda Soomaaliyeed ee dulman.

Feared Somali police chief packed peas for Tesco -Mail Online

5/25/2008 4:50 PM EST
The man in charge of one of Africa’s most feared secret police services worked in Britain for Tesco until 18 months ago.

Portland Mayor Potter met Somali Community -COSCO

5/25/2008 12:57 AM EST
Leaders of Portland's Somali community hosted Mayor Potter and his wife Karin at the University Park Community Center on May 17. The participants discussed their concerns with Mayor Potter as a group rather than the usual one-on-one format.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter