Wararka Maanta- Axad, May 25, 2008


Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Dowladda Eritrea ugu baaqay in ay ka fiirsato kala qeybinta ay ku heyso Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya


Axad, May 25, 2008(HOL): Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Dalka Jibouti ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in ay Dowladda Eritrea waddo tallaabooyin aan wanaagsaneyn oo ay ku kala qeybineyso Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee dalkeeda lagu dhisay.

“Waxaa nasiib darro ah oo aan aad uga xunnahay in ay dawladda Eritrea ku dhaqaaqday wax aan laga filayn kadib markii ay isku dayday in ay fara geliso muujisayna rabitaankeeda iyadoo ka shaqaysay qaybinta iyo iska hor keenka madaxda iyo xubnaha Isbahaysiga meeshii ay ka shaqayn lahayd wanaaga iyo midnimada xubnaha Isbahaysiga”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in ay Dowladda Eritrea abaal uga hayaan martigelintii iyo soo dhaweyntii ay u sameysay.

Halkan ka dhegeyso Hadalka Shiikh Shariif

“Dowladda Eritrea waxaan nahay saaxiib, waxayna nagu leedahay abaal aan la illoobi karin, hase yeeshee talada waxaa iska leh Soomaalida, waxaana ka codsanaynaa in ay dib uga fiirsato mowqifka aan wanaagsanayn oo ay qaadatay, Isbahaysigana ay kala xiriirto madaxdiisa, hana ogaato in aysan wax dan ahi ugu jirin iyada iyo annagaba burburka iyo kala taga Isbahaysiga dalkeeda lagu dhisay” ayuu mar kale yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in ay shacabka Soomaaliyeed ka raaligelinayaan hadallo aan ku habooneyn oo ka soo yeeray qaar ka mid ah Xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, “Waxaan Shacabka Soomaaliyeed uga cudur daaranaynaa kana raali gelinaynaa hadallada aan munaasibka ahayn oo aan lagu farxi karin oo kasoo yeeraya xubno ka tirsan Isbahaysiga, waxaanna u ballan qaadaynaa in aan la harayn wixii dadaal ah ee arrinkaasi lagu xallin karo”ayuu yiri Shiikh Shariif oo sheegay in Isbaheysiga Dib u xoreynta uu yahay Urur Siyaasi ah oo Nabadeed oo la dhisay in uu fagaarayaasha caalamiga ah ku metelo bulshadda Soomaaliyeed, isla markaana Beesha Caalamka ka dhaadhiciyo qadiyadda Soomaaliyeed ee dulman.

Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa intaas kadib waxaa uu sheegay in uu ugu baaqayo xubnaha Isbaheysiga ee ka muujiyay sida uu u yiri dareenka filan-waaga ah wada xaajoodka ka socda dalka Jibouti in ay dhowraan nidaamka iyo kala dameynta, isla markaana ilaaliyaan Xeerka Isbaheysiga, una turaan dareenka iyo damiirka Shacabka Soomaaliyeed oo ay daashadeen khilaaf iyo is qabqabsi an dhamaad lahayn.

“wixii talo ama dhaliil ah oo Isbahaysiga dhexdiisa ah waxaa lagu saxayaa qaabka iyo nidaamka u degsan Isbahaysiga, waxaana ka codsaday Guddoomiyaha Golaha Dhexe inuu si degdeg ah isugu yeero xubnihii Golaha Dhexe laguna qabto kalfadhigii 2aad ee Golaha Dhexe dalka Djibouti”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Shiikh Shariif Shiikh Axmed Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya waxaa uu shirkiisa Jaraa’id ku sheegay in Dowladda Itoobiya ay leedhaay rabitaan weyn oo ah in ay heysato Dalka Soomaaliya, “Waxaan Beesha Caalamka u caddayneynaa in ay Ethiopia leedahay rabitaan weyn oo ah in ay haysato dalka Soomaaliya aysanna doonayn in ay ciidamadeeda kala baxdo dalka Soomaaliya, taasina waxay ku caddahay warkii uu ku hadlay Melles Zenawi 22 May 2008 oo uu ku sheegay in uusan ciidamadiisa kala baxayn dalka Soomaaliya. Arrinkaasna wuxuu caqabad ku yahay hindisaha nabad raadinta ee uu wado Wakiilka Qaramada Midoobey Mudane Ahmedou Ould-Abdalla”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Dhanka kalena Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in ay si weyn u soo dhaweynayaan warbixintii Guddiga qaabilsan la socodka cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, “warbixintaas waxay si cad u qeexeysay xad-gudubyada ay geysanayaan Gumeysiga Ethiopia iyo Maleeshiyaadka TFGda. Sidoo kale waxaan taageereynaa tala soo jeedintii guddiga ee ahayd in la magacaabo guddi xaqiiqo raadin ah oo soo baara dembiyada dagaalka, iyo in joogitaanka Ciidamada Ethiopia uu xadgudub ku yahay go’aanka Golaha Ammaanka ee cunaqabataynta hubka Soomaaliya, taas oo ay caadeysteen in ay jebiyaan dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay”ayuu mar kale Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya waxaa uu shacabka Soomaaliyeed u sheegay in ay doorteen jidka wada hadalka iyo Muqaawamada oo wada socda, isagoo xusay in ay qaateen wixii dhibaatada Soomaaliya lagu dhameyn karo ala lagu soo celin karo Madax-bannaanidii, sharaftii iyo Qarannimadii Soomaaliya, “waxaan rejeyneynaa in uu guuleysto shirka dib u heshiisiinta, kana ka soo baxaan natiijo wanaagsan oo wax-tar u leh Shacabka Soomaaliyeed”ayuuna yiri Shiikh Shariif.

Beesha Caalamka ayuu ugu baaqay qodobo seddex oo kala ah:

1- In ay xoogga saaraan sidii dalka Soomaaliya loga saari lahaa ciidamada Ethiopia.
2- In Shacabka Soomaaliyeed ee tabaalaysan degdeg loo gaarsiiyo kaalmo banii
aadanimo.
3- In laga shaqeeyo sidii shacabka Soomaaliyeed ee laga qixiyey guryahooda dib
loogu soo celin lahaa.

Ugu dambeyntiina, wuxuu u mahadceliyay Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Dowladda iyo Shacabka Jibouti oo uu sheegay in ay had iyo jeer garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed oo Walaalahood ah, uguna howlan yihiin xal u helidda Mushkiladdooda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

 

Shiikh Xasan Turki oo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan Dagaal ay la galaan Ciidamo laga soo wado Qaramada Midoobay

5/25/2008 8:54 AM EST
Axad, May 25, 2008(HOL): Shiikh Xasan C/llaahi Xirsi (Shiikh Xasan Turki) oo ka mid ah Hoggaamiyayaasha sare ee Midowgii Maxkamadaha Islaamka ayaa wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan dagaal ay kala hortagaan Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo uu sheegay in loo soo wado Soomaaliya.

Gaadiid iyo Rakaab ah oo muddo badan ku xanibnaa Magaalada Lawyacaddo

5/25/2008 8:46 AM EST
Axad, 25 May 2008 (HOL): Gaadiidlayda iyo qaar ka mid ah dadka rakaabka ah ee isaga goosha wadanka Jabuuti iyo Somaliland ayaa cabasho ka muujiyay Ciidamada ku sugan Kastamka Lowyacado.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo muddo seddex Saacadood ah Ciidamo Itoobiyaan ah ugu xirnaa Xeradii Asluubta

5/25/2008 4:32 AM EST
Axad, May 25, 2008(HOL): Seddex Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa muddo seddex saacadood ah waxay Ciidamo Itoobiyaan ah ugu xirnaayeen Xeradii Asluubta.

Xaaladda Caafimad ee Guddoomiyaha Degmada Guriceel iyo Nabaddoonno shalay lagu dhaawacay Degmada Dhuusa-mareeb oo ka soo reyneysa

5/25/2008 4:31 AM EST
Axad, May 25, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in ay ka soo reyneyso Xaaladda caafimaad ee Guddoomiyaha Degmadaas Cali Shiikh Maxamed iyo Nabaddoonno shalay lagu dhaawacay Degamada Dhuusa-mareeb.

Maxkamadaha Islaamka oo sheegay in ay tallaabo ka qaadayaan Kooxo Burcad ah oo Dhac iyo Kufsi ka geystay duleedka Magaalada Jowhar

5/25/2008 4:29 AM EST
Axad, May 25, 2008(HOL): Afhayeen u hadlay maxkamadaha Islaamka ayaa shaaca ka qaaday in ay tallaabo ka qaadi doonaan Kooxo Burcad ah oo Dhac iyo Kufsi ka geystay duleedka magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Tahriibayaal Soomaali u badan oo ku dhintay Badda u dhaxeysa Talyaaniga iyo Liibiya

5/25/2008 4:27 AM EST
Axad, May 25, 2008(HOL): Tahriibayaal Soomaali u badnaa ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen Badda u dhaxeysa Dalalka Liibiya iyo Talyaaniga, kadib markii Doontii ay la socdeen ay Badda ku degtay.

Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku eedeysay in uu Maamulka Puntland u fududeeyay in uu baarom, soona saaro Shidaal

5/25/2008 4:26 AM EST
Axad, May 25, 2008(HOL): Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ku eedeysay in uu maamul goboleedka Puntland si gaar ah ugu fududeeyay in uu baaro, isla markaana soo saaro Shidaalka ku jira Deegaannada Puntland.

Ciidamada Itoobiya ee jooga Magaalada Beledweyne oo baaritaano ku sameynaya Gaadiidka isaga kala goosha gudaha Magaalada

5/25/2008 4:25 AM EST
Axad, May 25, 2008(HOL): Ciidamada Itoobiya ee jooga Magaalada Beledweyne ayaa markii ugu horeysay bilaabay baaritaano lagu sameynayo gadiidka isaga goosha Magaalada Beledweyne kadib markii Jimcihii aynu soo dhaafnay Ciidamadu gacanta ku dhigeen gaari kuwa rakaabka ah oo waday hub iyo saanad la doonayay in si qarsoodi ah lagu soo galiyo gudaha Magaalada.

Dad tiradoodu dhan tahay 220 Qof oo Itoobiya ka soo gudbisay Xuduudka u dhaxeeya iyaga iyo Somaliland

5/25/2008 4:23 AM EST
Axad, May 25, 2008(HOL): Dad tiradoodu gaadhayso 220 qof, oo qayb ka mid ahi reer Somaliland yihiin, ayaa laga soo gudbiyay Xuduudka u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya, ka dib markii dawladda Itoobiya ay dadkan ka soo qab-qabatay Xuduudka u dhaxeeya Sudan iyo Itoobiya. Halka tiro kale oo badanna la sheegay in la soo wado.




Baaq ku wajahan Shacabka Soomaaliyeed -IDXS

5/25/2008 11:03 PM EST
Isbahaysiga dib u Xoreynta Soomaaliya waa urur Siyaasi ah oo nabadeed oo la dhisay in uu fagaarayaasha caalamiga ah ku metelo bulshadda Soomaaliyeed, isla markaana Beesha Caalamka ka dhaadhiciyo qadiyadda Soomaaliyeed ee dulman.

Feared Somali police chief packed peas for Tesco -Mail Online

5/25/2008 4:50 PM EST
The man in charge of one of Africa’s most feared secret police services worked in Britain for Tesco until 18 months ago.

Portland Mayor Potter met Somali Community -COSCO

5/25/2008 12:57 AM EST
Leaders of Portland's Somali community hosted Mayor Potter and his wife Karin at the University Park Community Center on May 17. The participants discussed their concerns with Mayor Potter as a group rather than the usual one-on-one format.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter