Wararka Maanta- Axad, May 25, 2008


Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku eedeysay in uu Maamulka Puntland u fududeeyay in uu baarom, soona saaro Shidaal

Axad, May 25, 2008(HOL): Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ku eedeysay in uu maamul goboleedka Puntland si gaar ah ugu fududeeyay in uu baaro, isla markaana soo saaro Shidaalka ku jira Deegaannada Puntland.

Xildhibaanadda oo u warameysay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegtay in uusan madaxweynaha xaq u lahayn in uu Maamulka Puntland si gaar ah ugu fududeeyo baarista iyo soo saarista shidaalka iyo kheyraadka ku jira Deegaannada Puntland.

“Waa sharci darro in uu maamulka Puntland si gaar ah  u soo saaro Shidaalka iyo Kheyraadka ku jira Deegaannada Puntland, mana ahan mid uu ogolaansho uga heysto Dowladda Dhexe ee Soomaaliya”ayay tiri Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo intaas ku dartay in soo saarista kheyraadka dabiiciga ah ee ku jira Dalka Soomaaliya aysan cid gaar ah khuseynin.

Laakin Wasiirka Warfaafinta Puntland C/raxmaan Maxamed Bangax oo isla Idaacadda Horn Afrik u waramay ayaa wuxuu sheegay in maamul goboleedka Puntland uu hoos-tago Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana howsha uu haatan hayo ee soo saarista shidaalka ay tahay howl uu u qabanayo Dowladda dhexe.

“Maamul ahaan waxaan la mid noqoneynaa maamul goboleedyada kale ee dalka sida Banaadir, Jubbaland iyo kuwa kale marka ay timaado wax wada qeybsi, laakin hadda dowladda waxay ku mashquulsan arrimaha nabadgelyada iyo sameynta dastuurka marka ma ahan in aan iska sii fadhinno ee waa in aanu howsha sii wadnaa”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland C/raxmaan Maxamed Bangax.

Hadalka ay sii deysay Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan Deegaanno hoos-yimaada Maamula Puntland ay Shirkado Ajnabi ah oo Shidaalka baara ay ka  bilaabeen shidaal baaris.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

 

Shiikh Xasan Turki oo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan Dagaal ay la galaan Ciidamo laga soo wado Qaramada Midoobay

5/25/2008 8:54 AM EST
Axad, May 25, 2008(HOL): Shiikh Xasan C/llaahi Xirsi (Shiikh Xasan Turki) oo ka mid ah Hoggaamiyayaasha sare ee Midowgii Maxkamadaha Islaamka ayaa wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan dagaal ay kala hortagaan Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo uu sheegay in loo soo wado Soomaaliya.

Gaadiid iyo Rakaab ah oo muddo badan ku xanibnaa Magaalada Lawyacaddo

5/25/2008 8:46 AM EST
Axad, 25 May 2008 (HOL): Gaadiidlayda iyo qaar ka mid ah dadka rakaabka ah ee isaga goosha wadanka Jabuuti iyo Somaliland ayaa cabasho ka muujiyay Ciidamada ku sugan Kastamka Lowyacado.

Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Dowladda Eritrea ugu baaqay in ay ka fiirsato kala qeybinta ay ku heyso Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya

5/25/2008 7:26 AM EST
Axad, May 25, 2008(HOL): Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Dalka Jibouti ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in ay Dowladda Eritrea waddo tallaabooyin aan wanaagsaneyn oo ay ku kala qeybineyso Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee dalkeeda lagu dhisay.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo muddo seddex Saacadood ah Ciidamo Itoobiyaan ah ugu xirnaa Xeradii Asluubta

5/25/2008 4:32 AM EST
Axad, May 25, 2008(HOL): Seddex Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa muddo seddex saacadood ah waxay Ciidamo Itoobiyaan ah ugu xirnaayeen Xeradii Asluubta.

Xaaladda Caafimad ee Guddoomiyaha Degmada Guriceel iyo Nabaddoonno shalay lagu dhaawacay Degmada Dhuusa-mareeb oo ka soo reyneysa

5/25/2008 4:31 AM EST
Axad, May 25, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in ay ka soo reyneyso Xaaladda caafimaad ee Guddoomiyaha Degmadaas Cali Shiikh Maxamed iyo Nabaddoonno shalay lagu dhaawacay Degamada Dhuusa-mareeb.

Maxkamadaha Islaamka oo sheegay in ay tallaabo ka qaadayaan Kooxo Burcad ah oo Dhac iyo Kufsi ka geystay duleedka Magaalada Jowhar

5/25/2008 4:29 AM EST
Axad, May 25, 2008(HOL): Afhayeen u hadlay maxkamadaha Islaamka ayaa shaaca ka qaaday in ay tallaabo ka qaadi doonaan Kooxo Burcad ah oo Dhac iyo Kufsi ka geystay duleedka magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Tahriibayaal Soomaali u badan oo ku dhintay Badda u dhaxeysa Talyaaniga iyo Liibiya

5/25/2008 4:27 AM EST
Axad, May 25, 2008(HOL): Tahriibayaal Soomaali u badnaa ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen Badda u dhaxeysa Dalalka Liibiya iyo Talyaaniga, kadib markii Doontii ay la socdeen ay Badda ku degtay.

Ciidamada Itoobiya ee jooga Magaalada Beledweyne oo baaritaano ku sameynaya Gaadiidka isaga kala goosha gudaha Magaalada

5/25/2008 4:25 AM EST
Axad, May 25, 2008(HOL): Ciidamada Itoobiya ee jooga Magaalada Beledweyne ayaa markii ugu horeysay bilaabay baaritaano lagu sameynayo gadiidka isaga goosha Magaalada Beledweyne kadib markii Jimcihii aynu soo dhaafnay Ciidamadu gacanta ku dhigeen gaari kuwa rakaabka ah oo waday hub iyo saanad la doonayay in si qarsoodi ah lagu soo galiyo gudaha Magaalada.

Dad tiradoodu dhan tahay 220 Qof oo Itoobiya ka soo gudbisay Xuduudka u dhaxeeya iyaga iyo Somaliland

5/25/2008 4:23 AM EST
Axad, May 25, 2008(HOL): Dad tiradoodu gaadhayso 220 qof, oo qayb ka mid ahi reer Somaliland yihiin, ayaa laga soo gudbiyay Xuduudka u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya, ka dib markii dawladda Itoobiya ay dadkan ka soo qab-qabatay Xuduudka u dhaxeeya Sudan iyo Itoobiya. Halka tiro kale oo badanna la sheegay in la soo wado.




Baaq ku wajahan Shacabka Soomaaliyeed -IDXS

5/25/2008 11:03 PM EST
Isbahaysiga dib u Xoreynta Soomaaliya waa urur Siyaasi ah oo nabadeed oo la dhisay in uu fagaarayaasha caalamiga ah ku metelo bulshadda Soomaaliyeed, isla markaana Beesha Caalamka ka dhaadhiciyo qadiyadda Soomaaliyeed ee dulman.

Feared Somali police chief packed peas for Tesco -Mail Online

5/25/2008 4:50 PM EST
The man in charge of one of Africa’s most feared secret police services worked in Britain for Tesco until 18 months ago.

Portland Mayor Potter met Somali Community -COSCO

5/25/2008 12:57 AM EST
Leaders of Portland's Somali community hosted Mayor Potter and his wife Karin at the University Park Community Center on May 17. The participants discussed their concerns with Mayor Potter as a group rather than the usual one-on-one format.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter