|
|
Ciidamada Itoobiya ee jooga Magaalada Beledweyne oo baaritaano ku sameynaya Gaadiidka isaga kala goosha gudaha Magaalada
Axad, May 25, 2008(HOL): Ciidamada Itoobiya ee jooga Magaalada Beledweyne ayaa markii ugu horeysay bilaabay baaritaano lagu sameynayo gadiidka isaga goosha Magaalada Beledweyne kadib markii Jimcihii aynu soo dhaafnay Ciidamadu gacanta ku dhigeen gaari kuwa rakaabka ah oo waday hub iyo saanad la doonayay in si qarsoodi ah lagu soo galiyo gudaha Magaalada. Ciidamada Itoobiya ee jooga Buutada lagu magacaabo Liq-liqato ee kala barta Magaalada ayaa siweyn u baaraya gadiidka xamuulka ah ee u gudbaya dhinaca Gobalada dhexe, gaar ahaan kuwa qaada xoolaha Nool oo saakay la arkayo iyagga oo safan Buutada islamarkaana Ciidamadu mid mid u baaryaan. Intii uu baaritaanku socday ayeey Ciidamada Itoobiyaaku qabteen Qoryo laga iibiyay sida la sheegay gudaha magaalada kuwaa oo loo waday dhinaca Gobalada dhexe inkastoo Ciidamadu aysan ku guuleysan in ay qabtaan ganacsatadii hubkaasi laheyd, iyaga oo dhinaca kale xabsiga dhigay gaari waday hubka. Dhinaca kale waxaa wali gacanta Ciidamada Itoobiya ku jira C/wali Cilmi Xaanshi oo Jimcihii aynu soo dhaafnay la sheegay in ay Ciidamadu ku qabteen hub ka koobnaa walxaha qaraxa, walow Ehelada C/wali ku tilmaameen warkaa isaga ah mid waba kama jiraan iyaga oo intaa ku daray in arimuhu yihiin kuwo siyaasadeed maadaama uu ka yimid Degmada Buula-burte halkaa oo sida la sheegay uu la joogay Col. Cumar Xaanshi Aadan oo adeer u ah Nin la qabtay. Sikastaba waxaa socda dadaal la doonayo in lagu sii daayo C/wali Cilmi Xaanshi oo ay wadaan qaar ka mid ah xubnaha Maamulka Gobalka Hiiraan iyo Eheladiisa, laakiin hadana waxaa muuqneysa in ay Ciidamada Itoobiyaaku ku adkeysanayaan in uu yahay qof qal-qal galinaya Nabad-galyada sidaa daraadeed aysan habooneyn in la sii daayo. C/raxmaan Diini, Hiiraan Online diini@hiiran.com Beledweyn, Somalia
 |
 |
 |
|
|
|
5/25/2008 8:54 AM EST
|
|
Axad, May 25, 2008(HOL): Shiikh Xasan C/llaahi Xirsi (Shiikh Xasan Turki) oo ka mid ah Hoggaamiyayaasha sare ee Midowgii Maxkamadaha Islaamka ayaa wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan dagaal ay kala hortagaan Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo uu sheegay in loo soo wado Soomaaliya. |
|
|
5/25/2008 8:46 AM EST
|
|
Axad, 25 May 2008 (HOL): Gaadiidlayda iyo qaar ka mid ah dadka rakaabka ah ee isaga goosha wadanka Jabuuti iyo Somaliland ayaa cabasho ka muujiyay Ciidamada ku sugan Kastamka Lowyacado. |
|
|
5/25/2008 7:26 AM EST
|
|
Axad, May 25, 2008(HOL): Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Dalka Jibouti ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in ay Dowladda Eritrea waddo tallaabooyin aan wanaagsaneyn oo ay ku kala qeybineyso Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee dalkeeda lagu dhisay. |
|
|
5/25/2008 4:32 AM EST
|
|
Axad, May 25, 2008(HOL): Seddex Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa muddo seddex saacadood ah waxay Ciidamo Itoobiyaan ah ugu xirnaayeen Xeradii Asluubta. |
|
|
5/25/2008 4:31 AM EST
|
|
Axad, May 25, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in ay ka soo reyneyso Xaaladda caafimaad ee Guddoomiyaha Degmadaas Cali Shiikh Maxamed iyo Nabaddoonno shalay lagu dhaawacay Degamada Dhuusa-mareeb. |
|
|
5/25/2008 4:29 AM EST
|
|
Axad, May 25, 2008(HOL): Afhayeen u hadlay maxkamadaha Islaamka ayaa shaaca ka qaaday in ay tallaabo ka qaadi doonaan Kooxo Burcad ah oo Dhac iyo Kufsi ka geystay duleedka magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe. |
|
|
5/25/2008 4:27 AM EST
|
|
Axad, May 25, 2008(HOL): Tahriibayaal Soomaali u badnaa ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen Badda u dhaxeysa Dalalka Liibiya iyo Talyaaniga, kadib markii Doontii ay la socdeen ay Badda ku degtay. |
|
|
5/25/2008 4:26 AM EST
|
|
Axad, May 25, 2008(HOL): Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ku eedeysay in uu maamul goboleedka Puntland si gaar ah ugu fududeeyay in uu baaro, isla markaana soo saaro Shidaalka ku jira Deegaannada Puntland. |
|
|
5/25/2008 4:23 AM EST
|
|
Axad, May 25, 2008(HOL): Dad tiradoodu gaadhayso 220 qof, oo qayb ka mid ahi reer Somaliland yihiin, ayaa laga soo gudbiyay Xuduudka u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya, ka dib markii dawladda Itoobiya ay dadkan ka soo qab-qabatay Xuduudka u dhaxeeya Sudan iyo Itoobiya. Halka tiro kale oo badanna la sheegay in la soo wado. |
|
|
|
 |
 |
 |
|
|
5/25/2008 11:03 PM EST
|
|
Isbahaysiga dib u Xoreynta Soomaaliya waa urur Siyaasi ah oo nabadeed oo la dhisay in uu fagaarayaasha caalamiga ah ku metelo bulshadda Soomaaliyeed, isla markaana Beesha Caalamka ka dhaadhiciyo qadiyadda Soomaaliyeed ee dulman. |
|
|
5/25/2008 4:50 PM EST
|
|
The man in charge of one of Africa’s most feared secret police services worked in Britain for Tesco until 18 months ago. |
|
|
5/25/2008 12:57 AM EST
|
|
Leaders of Portland's Somali community hosted Mayor Potter and his wife Karin at the University Park Community Center on May 17. The participants discussed their concerns with Mayor Potter as a group rather than the usual one-on-one format. |
|
|
|