Wararka Maanta- Axad, May 25, 2008


Dad tiradoodu dhan tahay 220 Qof oo Itoobiya ka soo gudbisay Xuduudka u dhaxeeya iyaga iyo Somaliland

Axad, May 25, 2008(HOL): Dad tiradoodu gaadhayso 220 qof, oo qayb ka mid ahi reer Somaliland yihiin, ayaa laga soo gudbiyay Xuduudka u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya, ka dib markii dawladda Itoobiya ay dadkan ka soo qab-qabatay Xuduudka u dhaxeeya Sudan iyo Itoobiya. Halka tiro kale oo badanna la sheegay in la soo wado.

Dadkan oo abbaarro 11:00 subaxnimo ee dorraad lagu soo daadiyay dhinaca Somaliland ee Magaalo-ganacsiga Wajaale, isla markaana la rumaysan yahay inay ahaayeen dad tahriibayaal ah, ayaa 15 qof oo ka mid ahi waxay dhalasho ahaan ka soo jeedaan Somaliland. Kuwaas oo markii hore ka kicitimay Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. Halka 205-ta qof ee kalena ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan Koonfurta Somalia.

Siday xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah oo ku sugan Magaalo-xuduudeedda Tog-Wajaale, dadkan ayaa ilaa hadda marka laba loo qaybiyo, qayb ka mid ahi dib ugu laabatay gudaha dalka Itoobiya. Halka inta hadhayna la sheegay inay qorshaynayaan inay dib ugu laabtaan halkii laga keenay. Taas oo u muuqata inay wali ku talo-jiraan inay sii hayaan jidkii ay ku socdeen.

Inkasta oo ay Masuuliyiinta laanta Socdaalka ee Magaalada Tog-wajaale isku dayeen inaanay qaabilin, oo ay dib u celiyaan dadkan inta aan dhalasho ahaan ka soo jeedin Somaliland, haddana markii ay dadkani dhinaca Somaliland u soo gudbeen, ayay badankoodu noqdeen.

Sidoo kale, ilo-wareedyadani waxay intaa ku dareen in Masuuliyiinta Socdaalka ee dalka Itoobiya ay sheegeen inay soo wadaan tiro kale oo dadkan la mid ah. Kuwaas oo la sheegay inay tiro ahaan ka badan yihiin kuwan.

Xukuumadda Somaliland ayaan ka hadal arrintan oo u aan ahayn tii u horaysay ee nooceeda ah, hase ahaatee isla sanadkan bilowgiisii ayay ahayd markii dad tiradoodu gaadhaysay ilaa 100 qof ay Dawladda Itoobiya ku soo daadisay Magaalada Wajaale, dhinaca Somaliland.

Barqad M. Kaariye, Hiiraan Online
barqad@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland

 

Shiikh Xasan Turki oo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan Dagaal ay la galaan Ciidamo laga soo wado Qaramada Midoobay

5/25/2008 8:54 AM EST
Axad, May 25, 2008(HOL): Shiikh Xasan C/llaahi Xirsi (Shiikh Xasan Turki) oo ka mid ah Hoggaamiyayaasha sare ee Midowgii Maxkamadaha Islaamka ayaa wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan dagaal ay kala hortagaan Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo uu sheegay in loo soo wado Soomaaliya.

Gaadiid iyo Rakaab ah oo muddo badan ku xanibnaa Magaalada Lawyacaddo

5/25/2008 8:46 AM EST
Axad, 25 May 2008 (HOL): Gaadiidlayda iyo qaar ka mid ah dadka rakaabka ah ee isaga goosha wadanka Jabuuti iyo Somaliland ayaa cabasho ka muujiyay Ciidamada ku sugan Kastamka Lowyacado.

Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Dowladda Eritrea ugu baaqay in ay ka fiirsato kala qeybinta ay ku heyso Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya

5/25/2008 7:26 AM EST
Axad, May 25, 2008(HOL): Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Dalka Jibouti ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in ay Dowladda Eritrea waddo tallaabooyin aan wanaagsaneyn oo ay ku kala qeybineyso Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee dalkeeda lagu dhisay.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo muddo seddex Saacadood ah Ciidamo Itoobiyaan ah ugu xirnaa Xeradii Asluubta

5/25/2008 4:32 AM EST
Axad, May 25, 2008(HOL): Seddex Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa muddo seddex saacadood ah waxay Ciidamo Itoobiyaan ah ugu xirnaayeen Xeradii Asluubta.

Xaaladda Caafimad ee Guddoomiyaha Degmada Guriceel iyo Nabaddoonno shalay lagu dhaawacay Degmada Dhuusa-mareeb oo ka soo reyneysa

5/25/2008 4:31 AM EST
Axad, May 25, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in ay ka soo reyneyso Xaaladda caafimaad ee Guddoomiyaha Degmadaas Cali Shiikh Maxamed iyo Nabaddoonno shalay lagu dhaawacay Degamada Dhuusa-mareeb.

Maxkamadaha Islaamka oo sheegay in ay tallaabo ka qaadayaan Kooxo Burcad ah oo Dhac iyo Kufsi ka geystay duleedka Magaalada Jowhar

5/25/2008 4:29 AM EST
Axad, May 25, 2008(HOL): Afhayeen u hadlay maxkamadaha Islaamka ayaa shaaca ka qaaday in ay tallaabo ka qaadi doonaan Kooxo Burcad ah oo Dhac iyo Kufsi ka geystay duleedka magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Tahriibayaal Soomaali u badan oo ku dhintay Badda u dhaxeysa Talyaaniga iyo Liibiya

5/25/2008 4:27 AM EST
Axad, May 25, 2008(HOL): Tahriibayaal Soomaali u badnaa ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen Badda u dhaxeysa Dalalka Liibiya iyo Talyaaniga, kadib markii Doontii ay la socdeen ay Badda ku degtay.

Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku eedeysay in uu Maamulka Puntland u fududeeyay in uu baarom, soona saaro Shidaal

5/25/2008 4:26 AM EST
Axad, May 25, 2008(HOL): Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ku eedeysay in uu maamul goboleedka Puntland si gaar ah ugu fududeeyay in uu baaro, isla markaana soo saaro Shidaalka ku jira Deegaannada Puntland.

Ciidamada Itoobiya ee jooga Magaalada Beledweyne oo baaritaano ku sameynaya Gaadiidka isaga kala goosha gudaha Magaalada

5/25/2008 4:25 AM EST
Axad, May 25, 2008(HOL): Ciidamada Itoobiya ee jooga Magaalada Beledweyne ayaa markii ugu horeysay bilaabay baaritaano lagu sameynayo gadiidka isaga goosha Magaalada Beledweyne kadib markii Jimcihii aynu soo dhaafnay Ciidamadu gacanta ku dhigeen gaari kuwa rakaabka ah oo waday hub iyo saanad la doonayay in si qarsoodi ah lagu soo galiyo gudaha Magaalada.




Baaq ku wajahan Shacabka Soomaaliyeed -IDXS

5/25/2008 11:03 PM EST
Isbahaysiga dib u Xoreynta Soomaaliya waa urur Siyaasi ah oo nabadeed oo la dhisay in uu fagaarayaasha caalamiga ah ku metelo bulshadda Soomaaliyeed, isla markaana Beesha Caalamka ka dhaadhiciyo qadiyadda Soomaaliyeed ee dulman.

Feared Somali police chief packed peas for Tesco -Mail Online

5/25/2008 4:50 PM EST
The man in charge of one of Africa’s most feared secret police services worked in Britain for Tesco until 18 months ago.

Portland Mayor Potter met Somali Community -COSCO

5/25/2008 12:57 AM EST
Leaders of Portland's Somali community hosted Mayor Potter and his wife Karin at the University Park Community Center on May 17. The participants discussed their concerns with Mayor Potter as a group rather than the usual one-on-one format.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter