Wararka Maanta- Arbaco, July 30, 2008


Maxamed Dheere oo soo dhaweeyay xil-ka-qaadistii lagu sameeyay

Arbaco, July 30, 2008(HOL): Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ee xilka laga qaaday Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa shaaca ka qaaday in uu soo dhaweynayo xil-ka-qaadista lagu sameeyay, isal markaana uu diyaar u yahay inuu xilka Guddoomiyenimada Gobolka ku wareejiyo qof kasta oo loo soo magacaabo.

Maxamed Dheere oo u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da waxaa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in dalka Soomaaliya uu Dowlad leeyahay, isal markaana qof xilka laga qaado qof kalena loo magacaabayo.

“Arrintaas waxaan u arkaa mid sharci ah waayo aniga meesha waa la ii soo magacaabay, haddii hadda la iga qaadana waan soo dhaweynayaa”ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay in uu sharfan yahay Xafiiska Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo ay ka soo baxday Wareegtada xilka looga qaaday.

Inkastoo Maxamed Dheere uu soo dhaweeyay xil-ka-qaadista lagu sameeyay hadana wuxuu sheegay in xil-ka-qaadistiisa ay ka harsan tahay aqbalaadda Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, “aniga markii xilkan la ii magacaabay waxaa aqbalay Madaxweynaha oo magacaabisteyda loo gudbiyay hadana isaga ayaa laga rabaa in uu aqbalo”ayuu hadalkiisa ku sii daray Maxamed Dheere.

Mar wax laga weydiiyay Maxamed Dheere waxa uu qabtay intii uu xilka hayay iyo waxa uu sameyn doono marka uu xilka wareejiyo waxaa uu sheegay in uu wax weyn ka qabtay Gobolka Banaadir oo uu sheegay inuu farqi weyn u dhaxeeyo sidii uu ahaa markii loo magacaabayay iyo sida uu haatan yahay.

“Qofka hadda loo magacaabo Gobolka Banaadir wuxuu howsha ka bilaabayaa meel wanaagsan, qofka ka dambeyn doonana isna wuxuu ka bilaabi doonnaa shaqada meel ka sii wanaagsan”ayuu yiri Maxamed Dheere oo waxa uu qaban doono xil-wareejinta kadib u daayay Mustaqbalka, “hala gaaro markaas, xilkana aan wareejiyo”ayuuna ku gaabsaday Maxamed Dheere.

Xilka Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir iyo kan Duqa Magaalada Muqdisho ayaa si KMG ah waxaa loogu sii dhiibay Maxamed Cusmaan Cali Dhagax-tuur oo ahaa Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Arrimaha Bulshada.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

 

Banaanbax lagu taageerayay xil ka qaadista Guddoomiyihii Gobolka Banaadir oo ka dhacay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye

7/30/2008 5:48 AM EST
Arbaco, July 30, 2008(HOL): Banaanbaxan oo ay soo qaban qaabiyeen dadkii ka barakacay magaalada Muqdisho ee ku nool inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa lagu taageerayay xil ka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo isku rasaaseeyay Isgoyska 4ta Jardiino eee Magaalada Muqdisho

7/30/2008 5:47 AM EST
Arbaco, July 30, 2008(HOL): Saaka barqanimada ayaa Isgoyska Afarta Jardiino ee magaalada Muqdisho waxaa isku rasaaseeyay Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federalka Soomaaliya.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Guddi u magacawday maamul u sameynta Gobolka Banaadir

7/30/2008 4:02 AM EST
Arbaco, July 30, 2008(HOL): Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa lagu magacaabay Guddi ka shaqeyn doona maamul u sameynta Gobolka Banaadir.

Maxkamadaha Islaamka iyo Ururka Al-Shabaab oo sheegay in Mareykanka uu dib loo soo nooleynayo Isbaheysigii La-dagaalanka Argagixisada

7/30/2008 4:01 AM EST
Arbaco, July 30, 2008(HOL): Afhayeenno u kala hadlay maxkmadaha Islaamka iyo Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa sheegay in uu socdo qorshe uu Mareykanka dib ugu soo nooleynayo Isbaheysigii La-dagaalanka Argagixisada.

Xildhibaannada Dowladda Federaalka ugu jira Beelaha Digil iyo Mirifle oo sheegay in ay la dagaallamayaan Xoogagga Al-Shabaab

7/30/2008 4:00 AM EST
Arbaco, July 30, 2008(HOL): Xildhibaano ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay shir ku yeesheen magaalada Baydhabo, waxayna shirkoodaas ka soo saareen go’aan ay ku gaareen in ay la dagaallamaan Xoogagga Al-Shabaab ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka.

Xaaladda Nolasha dadkii ku barakacay Dagaalladii dhawaan ka dhacay Magaalada Beledweyne oo laga deyrinayo

7/30/2008 3:59 AM EST
Arbaco, July 30, 2008(HOL): Waxaa sii xogeysanaya cabashada la xiriirta Xaaladda Nolasha dadkii dhawaan ka barkacay dagaaladii ka dhacay Magaalada Beledweyne oo wararku sheegayaan in ay mareyso meel aad u hooseysa.




UN peacekeeping chief worried about Somalia mission -Reuters

7/30/2008 10:47 AM EST
UNITED NATIONS (Reuters) - U.N. peacekeeping chief Jean-Marie Guehenno said on Tuesday he was worried about a possible plan to send U.N. troops to Somalia when it is unclear who controls militants on the ground.

Mogadishu Residents Demonstrate in Support of Saking the Mogadishu Mayor -HOL

7/30/2008 10:33 AM EST
Mogadishu, Somalia (HOL): A demonstration organized by the people displaced in the war in Mogadishu who currently live in make shift houses between Mogadishu and Afgoye city took place yesterday in support of the decision to remove the Mayor of Mogadishu Mr. Mohamed Omar Habeb (Mohamed Dhere) from his post.

Somali professor lectures about leadership to Seattle's Somali community -HOL

7/30/2008 8:43 AM EST
SEATTLE (HOL) - A well-known Somali professor was in Seattle on Saturday, July 19, giving the keynote address at an event organized by local citizens.

Canadian diplomats stymied by the Meles regime -CP

7/30/2008 8:35 AM EST
OTTAWA (CP) — Stymied for months in their attempts to gain access to imprisoned Canadian Bashir Makhtal, diplomats were forced to rely on information from "a trusted intermediary," newly obtained documents show.

Concerned Canadian Citizens Call Justice for Bashir Makhtal -CCC

7/30/2008 8:31 AM EST
Ottawa – Concerned Canadian Citizens will hold a press conference, in the Charles Lynch Press Conference Room, on Wednesday July 30th 2008 at 1:30 pm to bring the plight of Bashir Makhtal to the attention of the Government of Canada.

UN report shows world AIDS deaths edging down -Reuters

7/30/2008 8:25 AM EST
WASHINGTON, July 29 (Reuters) - The number of people killed by AIDS worldwide edged down for a second straight year in 2007 after rising for more than two decades, amid intensified global efforts to fight the disease, a U.N. agency said on Tuesday.

UN council to disband Eritrea-Ethiopia force -Reuters

7/30/2008 8:18 AM EST
UNITED NATIONS (Reuters) - The U.N. Security Council is planning to disband its peacekeeping mission to the volatile border between Eritrea and Ethiopia after Eritrea forced out most of the U.N. troops, diplomats said on Tuesday.

After raid, Iowa town deals with Somali immigrants -AP

7/30/2008 8:13 AM EST
POSTVILLE, Iowa (AP) — Scores of Somali immigrants are taking jobs at the nation's largest kosher meatpacking plant, replacing Hispanic workers arrested in a huge immigration raid and forcing a remote Iowa town to make another cultural shift.

Somali Coast poses problems in cable progress -IDG

7/30/2008 8:10 AM EST
To avoid the politically insecure coast of Somalia, Kenya is seeking an alternative route on which to lay the TEAMs fiber optic cable.

Somali prime minister sacks Mogadishu mayor -Reuters

7/30/2008 8:02 AM EST
MOGADISHU (Reuters) - Somalia's prime minister has sacked Mogadishu's powerful mayor, a government spokesman said on Wednesday, exposing a possible rift at the top of the country's embattled interim administration.

Let Them Starve -StrategyPage

7/30/2008 8:00 AM EST
July 30, 2008: The Transitional National Government (TNG), a coalition of clan and warlord militias, has reached a standoff, and an agreement to try and make peace, with a rival coalition, the Islamic Alliance for the Reliberation of Somalia (ARS).





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter