4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 30, 2008
Maxamed Dheere oo soo dhaweeyay xil-ka-qaadistii lagu sameeyay

Arbaco, July 30, 2008(HOL): Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ee xilka laga qaaday Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa shaaca ka qaaday in uu soo dhaweynayo xil-ka-qaadista lagu sameeyay, isal markaana uu diyaar u yahay inuu xilka Guddoomiyenimada Gobolka ku wareejiyo qof kasta oo loo soo magacaabo.

Maxamed Dheere oo u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da waxaa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in dalka Soomaaliya uu Dowlad leeyahay, isal markaana qof xilka laga qaado qof kalena loo magacaabayo.

“Arrintaas waxaan u arkaa mid sharci ah waayo aniga meesha waa la ii soo magacaabay, haddii hadda la iga qaadana waan soo dhaweynayaa”ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay in uu sharfan yahay Xafiiska Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo ay ka soo baxday Wareegtada xilka looga qaaday.

Inkastoo Maxamed Dheere uu soo dhaweeyay xil-ka-qaadista lagu sameeyay hadana wuxuu sheegay in xil-ka-qaadistiisa ay ka harsan tahay aqbalaadda Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, “aniga markii xilkan la ii magacaabay waxaa aqbalay Madaxweynaha oo magacaabisteyda loo gudbiyay hadana isaga ayaa laga rabaa in uu aqbalo”ayuu hadalkiisa ku sii daray Maxamed Dheere.

Mar wax laga weydiiyay Maxamed Dheere waxa uu qabtay intii uu xilka hayay iyo waxa uu sameyn doono marka uu xilka wareejiyo waxaa uu sheegay in uu wax weyn ka qabtay Gobolka Banaadir oo uu sheegay inuu farqi weyn u dhaxeeyo sidii uu ahaa markii loo magacaabayay iyo sida uu haatan yahay.

“Qofka hadda loo magacaabo Gobolka Banaadir wuxuu howsha ka bilaabayaa meel wanaagsan, qofka ka dambeyn doonana isna wuxuu ka bilaabi doonnaa shaqada meel ka sii wanaagsan”ayuu yiri Maxamed Dheere oo waxa uu qaban doono xil-wareejinta kadib u daayay Mustaqbalka, “hala gaaro markaas, xilkana aan wareejiyo”ayuuna ku gaabsaday Maxamed Dheere.

Xilka Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir iyo kan Duqa Magaalada Muqdisho ayaa si KMG ah waxaa loogu sii dhiibay Maxamed Cusmaan Cali Dhagax-tuur oo ahaa Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Arrimaha Bulshada.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia