Wararka Maanta- Arbaco, July 30, 2008


Xaaladda Nolasha dadkii ku barakacay Dagaalladii dhawaan ka dhacay Magaalada Beledweyne oo laga deyrinayo

Arbaco, July 30, 2008(HOL): Waxaa sii xogeysanaya cabashada la xiriirta Xaaladda Nolasha dadkii dhawaan ka barkacay dagaaladii ka dhacay Magaalada Beledweyne oo wararku sheegayaan in ay mareyso meel aad u hooseysa.
 
Qoysaska ama dadka barakacu saameeyay oo markii horeba ahaa kuwo xoogood ku nool ah islamarkaana quudan jiray waxa ay maalintaa soo helaan oo kaliya ayaa hadda u baxay dhul cid la'ah kana fog magaalada taasoo sababtay in ay waayaan Nolal ku filan, gaar ahaan waxaa siweyn looga deyrinaya Xaaladda caruurta Qoysaska barakacay oo qaarkood bilaabay in ay shubmaan.
 
Hay'adda Bisha Cas ee ka howl-gasha Gobalka Hiiraan oo maalmihii aynu soo dhaafnay siweyn ugu mashquulsaneyn la socoshada dhibaatada ka dhalatay dagaalkii dhawaan ka dhacay Magaalada Beledweyne ayaa Mas'uuliyiinteedu waxaa ay HOL u sheegeen in hadii aan si deg deg ah loo helin gacan taageero oo la siiyo dadka barakacay xaaladu meel halis ah gaari doonto, waxaana ay hay'addu intaa ku dartay in dadka barakacay ka mid yihiin kuwo horay u soo barkacay.
 
'''Ma'heystaan Biyo Nadiif ah iyo cuno ku filan, waxaana Biyaha kaliya oo ay heli karaa dadkaa yihiin kuwa Wabiga oo xiliggan ah mid siweyn u wasaqeysan , waana tan keentay in Caruur badan uu hadda soo rido cudurka Shubanka, ayeey sheegtay hay'adda oo intaa ku dartay in Nafqadaradu u dheer tahay.
 
Meelaha ugu daran ee cabashadu ka imaneyso ayaa waxaa ka mid ah dhulka fog ee Miiga ah oo markii horeba iska ahaa dhul Jiilalku saameeyn adag ku reebay, halka kuwa ku barakacay deegaanada ku dhaw dhaw Magaalada u muuqdaan kuwo dhinaca Nolasha wax xoogaa ku dhaama kuwa iyagu gaaray dhulka Miiga ah.
 
Odayaasha dhaqanka Gobalka oo dhinacooda maanka ku haya dhibaatada soo food saartay dadkii dhawaan ka cararay dirirtii ka dhacay Magaalada Beledweyne oo qaarkood aan la xiriirnay ayaa waxaa ay sheegeen in sababaha loo dadajinayo wada hadalka socda yihiin sidii dadku dib ugu soo laaban lahaa, walow taa ay adag tahay marka loo eego shikiga dadku ka qaban amaanka inta Ciidamada Itoobiyaanku joogaan gudaha Magaalada.
 
Dhinaca kale waxaa jira Codsiyo loo jeedinayo hay'addaha Samafalka iyo Jaaliyadaha diba si markaa loo caawiyo dadka ka barakacay Magaalada oo ay la soo darseen daruufo dhinaca Nolasha ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

 

Banaanbax lagu taageerayay xil ka qaadista Guddoomiyihii Gobolka Banaadir oo ka dhacay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye

7/30/2008 5:48 AM EST
Arbaco, July 30, 2008(HOL): Banaanbaxan oo ay soo qaban qaabiyeen dadkii ka barakacay magaalada Muqdisho ee ku nool inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa lagu taageerayay xil ka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo isku rasaaseeyay Isgoyska 4ta Jardiino eee Magaalada Muqdisho

7/30/2008 5:47 AM EST
Arbaco, July 30, 2008(HOL): Saaka barqanimada ayaa Isgoyska Afarta Jardiino ee magaalada Muqdisho waxaa isku rasaaseeyay Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federalka Soomaaliya.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Guddi u magacawday maamul u sameynta Gobolka Banaadir

7/30/2008 4:02 AM EST
Arbaco, July 30, 2008(HOL): Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa lagu magacaabay Guddi ka shaqeyn doona maamul u sameynta Gobolka Banaadir.

Maxkamadaha Islaamka iyo Ururka Al-Shabaab oo sheegay in Mareykanka uu dib loo soo nooleynayo Isbaheysigii La-dagaalanka Argagixisada

7/30/2008 4:01 AM EST
Arbaco, July 30, 2008(HOL): Afhayeenno u kala hadlay maxkmadaha Islaamka iyo Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa sheegay in uu socdo qorshe uu Mareykanka dib ugu soo nooleynayo Isbaheysigii La-dagaalanka Argagixisada.

Maxamed Dheere oo soo dhaweeyay xil-ka-qaadistii lagu sameeyay

7/30/2008 4:01 AM EST
Arbaco, July 30, 2008(HOL): Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ee xilka laga qaaday Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa shaaca ka qaaday in uu soo dhaweynayo xil-ka-qaadista lagu sameeyay, isal markaana uu diyaar u yahay inuu xilka Guddoomiyenimada Gobolka ku wareejiyo qof kasta oo loo soo magacaabo.

Xildhibaannada Dowladda Federaalka ugu jira Beelaha Digil iyo Mirifle oo sheegay in ay la dagaallamayaan Xoogagga Al-Shabaab

7/30/2008 4:00 AM EST
Arbaco, July 30, 2008(HOL): Xildhibaano ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay shir ku yeesheen magaalada Baydhabo, waxayna shirkoodaas ka soo saareen go’aan ay ku gaareen in ay la dagaallamaan Xoogagga Al-Shabaab ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka.




UN peacekeeping chief worried about Somalia mission -Reuters

7/30/2008 10:47 AM EST
UNITED NATIONS (Reuters) - U.N. peacekeeping chief Jean-Marie Guehenno said on Tuesday he was worried about a possible plan to send U.N. troops to Somalia when it is unclear who controls militants on the ground.

Mogadishu Residents Demonstrate in Support of Saking the Mogadishu Mayor -HOL

7/30/2008 10:33 AM EST
Mogadishu, Somalia (HOL): A demonstration organized by the people displaced in the war in Mogadishu who currently live in make shift houses between Mogadishu and Afgoye city took place yesterday in support of the decision to remove the Mayor of Mogadishu Mr. Mohamed Omar Habeb (Mohamed Dhere) from his post.

Somali professor lectures about leadership to Seattle's Somali community -HOL

7/30/2008 8:43 AM EST
SEATTLE (HOL) - A well-known Somali professor was in Seattle on Saturday, July 19, giving the keynote address at an event organized by local citizens.

Canadian diplomats stymied by the Meles regime -CP

7/30/2008 8:35 AM EST
OTTAWA (CP) — Stymied for months in their attempts to gain access to imprisoned Canadian Bashir Makhtal, diplomats were forced to rely on information from "a trusted intermediary," newly obtained documents show.

Concerned Canadian Citizens Call Justice for Bashir Makhtal -CCC

7/30/2008 8:31 AM EST
Ottawa – Concerned Canadian Citizens will hold a press conference, in the Charles Lynch Press Conference Room, on Wednesday July 30th 2008 at 1:30 pm to bring the plight of Bashir Makhtal to the attention of the Government of Canada.

UN report shows world AIDS deaths edging down -Reuters

7/30/2008 8:25 AM EST
WASHINGTON, July 29 (Reuters) - The number of people killed by AIDS worldwide edged down for a second straight year in 2007 after rising for more than two decades, amid intensified global efforts to fight the disease, a U.N. agency said on Tuesday.

UN council to disband Eritrea-Ethiopia force -Reuters

7/30/2008 8:18 AM EST
UNITED NATIONS (Reuters) - The U.N. Security Council is planning to disband its peacekeeping mission to the volatile border between Eritrea and Ethiopia after Eritrea forced out most of the U.N. troops, diplomats said on Tuesday.

After raid, Iowa town deals with Somali immigrants -AP

7/30/2008 8:13 AM EST
POSTVILLE, Iowa (AP) — Scores of Somali immigrants are taking jobs at the nation's largest kosher meatpacking plant, replacing Hispanic workers arrested in a huge immigration raid and forcing a remote Iowa town to make another cultural shift.

Somali Coast poses problems in cable progress -IDG

7/30/2008 8:10 AM EST
To avoid the politically insecure coast of Somalia, Kenya is seeking an alternative route on which to lay the TEAMs fiber optic cable.

Somali prime minister sacks Mogadishu mayor -Reuters

7/30/2008 8:02 AM EST
MOGADISHU (Reuters) - Somalia's prime minister has sacked Mogadishu's powerful mayor, a government spokesman said on Wednesday, exposing a possible rift at the top of the country's embattled interim administration.

Let Them Starve -StrategyPage

7/30/2008 8:00 AM EST
July 30, 2008: The Transitional National Government (TNG), a coalition of clan and warlord militias, has reached a standoff, and an agreement to try and make peace, with a rival coalition, the Islamic Alliance for the Reliberation of Somalia (ARS).





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter