12/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 5 , 2008
Saameyn intee la eg ayay Idaacadda Horn Afrik ku yeelan doontaa mid ka mid ah Milkilayaasha Idaacaddaas oo ka mid noqday Dowladda Federaalka?

Axmed C/Salaan Xaaji Aadan

Sabti, January 05, 2008(HOL): Shalay gelinkii dambe ayay ahayd markii uu Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) uu  soo magacaabay Xukuumad 15 Wasiir iyo 5 Wasiir ku xigeen ka kooban, taasi oo uu 50% ka soo xulay Baarlamaanka gudahiisa, halka 50% uu ka keenay Baarlamaanka Dibaddisa.

Xubnaha Baarlamaanka Dibaddiisa ka yimid ee Xukuumadda cusub soo galay ayaa waxaa ka mid ah Axmed C/Salaan Xaaji Aadan oo ka mid ah Milkilayaasha Idaacadda iyo TV-ga Horn Afrik ee ka howlgasha Magaalada Muqdisho, kaasi oo markii la magacaabay kadib ay soo baxday su’aal ah saameynta ay magacaabistiisa ku yeelan karto Idaacadda Horn Afrik oo ka mid ah Idaacadaha madaxa Bannaan ee ka howlgala magaalada Muqdisho.

Hadaba su’aashaas waxaa ka jawaabay Cabdi iimaan Sharma-arke oo ka mid ah Milkilayaasha Idaacadda Horn Afrik, kaasi oo isagoo ku sugan Dalka Kuweyt u waramayay isla Idaacadda Horn Afrik, wuxuuna sheegay in ku biirista Axmed C/salaan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin madax bannaanida Idaacadda Horn Afrik, wuxuuna caddeeyay in isagoo saamigiisa ku leh Horn Afrik uu u shaqo doonan karo Dowladda Federaalka.

“Axmed wuxuu la mid yahay Maxamed Cilmi Dulcad oo hadda Canada jooga, isal markaana ka mid ah Milkilayaasha Idaacadda, sidaas darteed waxaan caddeynayaa in aysan arrintaas wax saameyn ah ku yeelan doonin Idaacadda, Isla markaana ay Shacabka Soomaaliyeed ugu adeegi doonto sidii ay ugu adeegi jirtay”ayuu yiri Cabdi Iimaan Sharma-arke oo sheegay in ay Idaacadda saami-wadaag ku yihiin rag ganacsato ah iyo kuwo Canada ka shaqeysta.
 
Idaacadda Horn Afrik oo la aas aasay sanadkii 1999-kii ayaa waxay tahay Idaacaddii ugu horeysay oo ay dadka si xor ah fikirkooda ugu dhiibtaan, iyadoo ay jiraan barnaamijyo toos loo tebiyo oo ay dadka ku sheegaan sida ay tahay in xal loogu heli karo mushkiladda Soomaaliya iyo iyagoo mararka qaarkood ku sheega dhibaatooyinka ay qabaan.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Intii ay shaqeyneysay Idaacadda Horn Afrik waxaa la dilay mas’uuliyiin iyo wariyayaal ka tirsanaa Idaacadda Horn Afrik, oo ay ka mid yihiin Cali Iimaan Sharma-arke, Mahad Axmed Cilmi iyo Duniyo Muxyaddiin Nuur, kuwaasi oo la dilay iyagoo howlahooda shaqo wata.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia