fiogf49gjkf0d
|
|
Ra'iisul wasaaraha Ethiopia, Meles Zenawi iyo Yusuf-Garaad |
Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia, Meles Zenawi, ayaa BBC-da uga waramay arrimo ay ka mid yihiin goorta ciidamadiisa uu kala baxayo Soomaaliya iyo arrimo kale.
Waxaa la kulmay oo uu u waramaya Yuusuf-Garaad Cumar, Tifaftiraha Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da. waraysiguna wuxuu u dhacay sida:
Halkan ka dhagayso
In ka badan sannad ayaa laga joogaa markii ciidammada Ethiopia ay galeen Soomaaliya. Maxaad hadda ku qiimeyn kartaa xaaladda?
Runtii, xoogaa sawir isku jir ah markaad dhinac ka eegto, midowgii maxkamadaha islaamka oo ay hogaaminayeen kooxo aad loo yaqaano oo xiriir wanaagsan la leh al-qaeda, oo ku hanjabay in ay Soomaaliya oo dhan qabsadaan, oo jihaahdna ku dhawaaqay ka dhan ah dowladda Ethiopia, iyaga oo ku talo jiray in ay isku ballaariyaan geeska Africa oo dhan, hadda kooxdaasi ma jiraan oo Soomalaiya ma maamulaan, taasina waa guul la gaaray.
Waxaa horumar laga gaaray dib u heshiisiin dhex marta Soomaalida dhexdooda, taas lafteedu waa guul, hase yeeshee, dib u dhiska dalka Soomaaliya wuu ka gaabiyay sidii aan filaynay, waxaana wali jiro qaybo yar yar oo canaasiirta Shabaabka ah oo ku sugan Soomaaliya. Walina waxaa jira hab horseeday in wadaxaajood ay yeeshay qabaa'ilada Soomaalida ah dhexdooda.
Sida muuqata kuma qanacsanid waxa ilaa iyo hadda qabsoomay. Xaggee dhibaatadu ka socotaa ma dhanka Ethiopia miyey ka socotaa mise dhinaca dowladda Soomaalida?
Arrinta muhiimka ah, waxay tahay in dhibaatada Soomaaliya ay tahay mid qoto dheer, ayna socotay muddo aad u dheer, oo xal deg deg ah lagama gaari karin, way cadayd in waqti ay qaadanayso iyo dadaal badan, marka taas ayay ahayd sababta ugu wayn ee aan ugu malaynayn in horumarku uusan ahayd mid cajaa'ib ah ama sidii aan filaynay.
Raiisal Wasaare, dad badan oo na dhegeysanaya wax xiriir ah lama lahayn Maxkamadaha, siyaasadma kuma jiraan. Dadkaas waxaa saameeyay dagaalkii dhacay markii ay ciidammada Ethiopia soo galeen Soomaaliya - gaar ahaanna Muqdisho. Dadka qaar way ku dhaawacmeen, qaar dad baa uga dhintay, qaarna way bara kaceen. Maxaad u sheegi kartaa dadkaas?
Sida cad, waa arrin aad aniga iyo dowladayduba aan uga murugoonayno in dad aan waxba galabsan ay ku waxyeeloobeen dhinacyada is haya dhexdooda, sida cad ma aha aan horay u sii ogolaanay in dad rayid ah wax la yeelo, balse marka dagaal uu ka dhacay goobaha dhisan sida magaalada Muqdisho, marka cadowgu uu si ula kac ah ugu dhuumanayo meel ay dadku ku badan yihiin, oo ay goobahaas ka soo tuurayaa bambooyinka gacanta iyo hoobiyayaal, si kastoo aan isugu dayno in aanan dad rayid ah wax u gaysan mar mar way dhacaysaa in dadkaas oo aan loogu talogalin ay dhibaato soo gaarto.
Marka ugu dambaynta waa murugo ah in qaar ka mid ah argagixisada caalamiga ah in ay go'aansadeen in ay ka faa'iidaystaan burburka dalkii Soomaaliyeed, oo ay isku dayaan in ay xasilooni daro ka abuuraan gobolka oo dhan.
Iyagoo burburiyay Soomaaliya, kuma aysan qanacsanayn ee waxay ku talo jireen in ay burburiyaan geeska Africa oo dhan.
Dadkan waxay ku dhawaaqeen iyagoo Muqdisho jooga si cad oo ku celcelis ah in ay Jihaad la galayaan Ethiopia iyadoo aanay cidna daandaansan, ujeedadoodu waxay ahayd in ay jahawareer ka abuuraan geeska Africa oo wixii in ay Soomaaliya ka faleen ka sameeyaan gobolka.
Marka waxay ahayd qorshaha xun ee kooxda tirada yar ee abuuray khilaafka ee keenay in dadka rayidka ah ee Muqdisho ay soo gaaraan dhibaatooyin isugu jira, dhimasho iyo burburka hantidooda, taasoo ah mid laga shalaayo.
Dad siyaasiyiin ah ayaa jira, oo aan xumaan u dan lahayn, laakiin aamminsan in Ethiopia waxa ay sheegeyso aanay ka dhab ahayn ee ay siyaasad u qarsoon ku socota. Waxayna mar walba dhaleeceeyaan faragelinra Ethiopia iyo waxa ay Ethiopia ka damacsan tahay Soomaaliya. Maxaad ku qancin kartaa in waxa aad sheegeyso ay kaa dhab yihiin?
Marka ugu horaysay, waxaan filayaa in loo baahan yahay in aan xaqiiqada si saxno u dhigno, anagu ma faragalin ilaa laba arrimood ay dhaceen. Marka ugu horaysay waxaa jiray ku talogalka cad ee ka soo yeeray canaasiirta Jihaad doonka ee ku jiray Midowga Maxkamadaha Islaamiyiinta, oo ku dhawaaqay dagaal ay Ethiopia ku qaadaan, anaga dagaal kuma qaadin, iyagaa dagaal ku dhawaaqay, si sir ah ma ahayn si cad ayay ugu dhawaaqeen oo muuqata, hal mar oo kaliyana kuma aysan dhawaaqin ee si joogto ah ayay ugu dhawaaqeen.
Waxaanu ka jawaabaynay dagaal si ku celcelis ah ay noogu cadaysteen dad uu ka mid yahay Daahir Aweis, waa arrin diiwaanka si cad ugu jirta ma aha wax aan anagu abuurnay mana aha quraafaad aanu iibinayno. Marka labaad, iyadoo daandaansigaas uu jiray ma aanan faragalin karin ilaa iyo inta ay dowladda caalamku aqoonsan yahay ay naga waydiisanayso in aan caawinno.
Anaga kaliya ma ahayn dadka aqoonsaday dowladda federaalka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, midowga Africa ayaa aqoonsaday, Jaamacadda carabta ayaa aqoonsatay, Qaramada midoobay ayaa aqoonsatay. Dowlad sidaas loo aqoonsan yahay yaa nagu casuuntay in aay gudaha u galno Soomaaliya.
Hadaba waa in arrimahaas la tixgaliyaa marka la eegaya faragalinteena. Anagu waan ku celcelinay waxa ugu dambeeya aan doonayno in ay tahay dagaal. Dagaal lala galo Soomaaliya, dagaal lala galo Kenya, Sudan, Djibouti, Eritrea, waa waxyaabaha aan doonayno in aanan uga hortagno in aysan dhicin si kastoo ay ahaatoba.
Waa nalagu qasbay, anaga ma doonaynin in aan halkaas galno, waxaanan doonaynaa in aan ka soo baxno marka aan helno fursadda ugu horaysa ee macquul ah, waxaan ku celcelinaya marka ugu horaysa ee ciidamada midowga africa ay soo dhamaystirmaan, ma sii joogayno halkaas, ma jirto faa'iido aan ka helayno khilaafka magaalada Muqdisho, wax aan ku qanacno ma jiraan in aan dil u gaysano Soomaalida, oo sadex million oo Soomaali ah ayaan Ethiopia ka mid ah, qaar badan oo ka mid ah dowladda ayay ku dhow dhow yihiin, waxba kama helayno in aan lumino walaalaheen iyo wiilasheena ku jira ciidamadeena ku sugan magaalada Muqdisho, waxba kama helayno. Sababta kaliya ee ugu jirno Muqdisho waa in halis nooga timid magaalada Muqdisho iyo in ay na casuuntay wakiiladii hore ee dadka Soomaaliyeed.
Sidaa darteed waxaan u xaqiijinayaa dhamaan Soomaalida shakiga ka qabta ujeedooyinka mudada dheer ee Ethiopia. Ethiopia ma doonayso in ay ka qaybqaadato khilaafka Soomaaliya nooc kasta ama qaab kasta oo uu yahay.ma doonaynso in ay faraha la gasho khilaaf kasta oo ka jira wadamada deriskeeda ah ama in ay iyadaba khilaaf la gasho deriskeeda.
Dhaqankeena ayaa si cad u cadeeyay ujeedooyinkeena sida Eritrea, Ethiopia waxay ahayd wadankii ugu horeeyay ee aqoonsada madax banaanida Eritrea. Siyaasadaas ayaanan ilaa markaas ku dhaqannaa. Xiriirkeena Sudan, oo aan la leenahay xiriir derisnimo oo aad u wanaagsan. Siyaasadeena Djibouti xiriir wanaagsan oo derisnimo ayaan la leenahay iyo Kenyaba. Waxaan doonaynaa sidaas oo kale in aan Soomaaliya ula dhaqanno, waxaan damacsan nahay in jabtar cusub oo u furno xiriirka Ethiopia iyo Soomaaliya.
Dad ayaa sheega in aan Ethiopia aanay weligeed ciidankeeda kala soo noqon doonin Soomaaliya. Maxaa ka jira warkaas?
Waa been aanay waxba ka jirin. Waa been aanay waxba ka jirin, waxaa la hubaa in ciidamadeena aan kala soo baxayno Soomaaliya.
Goorma?
Hadii ciidamada midowga Africa si buuxda loo geeyo, tusaale ahaan todobaad gudihiis, todobaad kadib waan ka soo baxaynaa.
Dowlad cusub ayaa Soomaaliya ka dhalatay, taas oo u muuqata in siyaasaddeedu ay ka duwan tahay tii ka horreysay. Dowladdan cusub sida ay sheegtay siyaasaddeedu waxay ku saleysan tahay dib u heshiin. Waxayna ku baaqday wadahadal laga wada qeyb galo. Sideed u aragtaa?
Waxaan taageeraynaa dib u heshiisiin dhexmarta Soomaalida gudaheeda, taas ayaa ah wadada kaliya ee horumar lagu gaari karo, sida cad waxaa jira shaqsiyaad yar oo aan xisaabsta ku jirin oo ay doonayaan dad badan oo aan Soomaali oo kaliya ahayn, oo Ethiopian raadinayso iyo bulshada caalamka oo dhan, nidaamka qaramada midoobay oo dhan, balse Soomaalida kale waxaan filaynaa in si wanaagsan ay xal uga gaari karaan khilaafkooda, oo nabad ay ka dhaliyaan Soomaaliya kadibna ay deriskeeda nabad kula dhaqanto, ma arkayno sabab loogu guuldaraysan karo taas.
Si aad ah ayaan u soo dhowaynaynaa dadaalka loogu jiro dib u heshiisiinta lala galayo kuwa ku sugan dibedda iyo gudaha Soomaaliya. Waxaan dareensan nahay in dib u heshiisiinta ugu muhiimsan in ay dhexmarto ay tahay qabaa'ilada kala duwan ee ku sugan gudaha Soomaaliya ee aan waligood dibedda uga bixin ee aadka u doonaya in ay noloshooda ku noolaadaan Soomaaliya, oo caado u leh in ay muranadooda ku xaliyaan si nabad ah wadaxaajood iyo wadahadal, kaas ayaa ah qaabka dib u heshiisiineed ee muhiimka nala ah.
Balse saas looma xadidayo ee waxaa ku jira kooxaha doonaya in ay nabad wax ku raadiyaan oo ay ogolaadaan dastuurka dowladda ku meelgaarka ah, dowladda waa in ay la xiriirtaa oo ay wadaxaajood la gashaan, fikradaas ayaan filayaa in ay wanaagsan tahay.
Qaar ka mid ah mucaaradka ayaa aamminsan in aan dowladdani iyaga heshiis la geli karin. Sababtana waxay ka dhigayaan in aan dowladdu u talin ciidammada Ethiopianka ah ee dalka jooga. Maxaad marka ku qancin kartaa dadka sidaa qaba?
Marka ugu horaysa ee Soomaalidu dhibaatadooda xaliyaan, waan kala qaybgalaynaa dabaaldegooda, kalama qaybgalayno wadaxaajoodka, ma aha shaqadeena, waa shaqo u taalla Soomaalida. Balse aad baan u soo dhowaynaynaa dadaal kasta oo Soomaalidu u gasho sidii si nabad ah ay khilaafkooda ugu xalin lahaayeen, isla markaaba anaga si la mid ah bulshada caalamka waan soo dhowaynaynaa, waanan taageeraynaa.
Xigasho: BBCSomali.com