12/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
AXKAAMTA SOONKA (Qaybta 2aad)

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آَمَنُوا كُتِبَ عَلَيْكُمُ الصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى الَّذِينَ مِنْ قَبْلِكُمْ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ

AlBaqara 183             

 Qeybta 2aad

Idris Axmed Cusmaan 

ICTIKAAFKA

Axkaamta Soonka ayaan weli ku jirnaa, Allah ayaa mahad leh, waxaan haddana halkaan ku soo qaadan doonaa arrimo quseeya Ictikaafka iyo mas’alooyin kale oo ku saabsan soonka.

 

Waa maxay Ictikaafku? Erayga micnahiisa luqadeed wuxuu ka yimid cakafa oo ah in mar walba la sii wado ficilka shey, lagu dhego oo la laazimo.  Waxaa ka mid ah sida uu nebi Ibraahiim calleyhissalaam erayga u isticmaalay markuu yiri: Maxay yihiin asnaamtan aad mar walba sii wadaan caabudideeda                  التماثيل التي انتم لها عاكفون؟   ما هذه Al Anbiyaa 52. Sidoo kale ayaa Quraanka ku sugan erayga: Waxay ku dhegan yihiin oo ay wadaan caabudida asnaamtooda.

يعكفون علي اصنام لهم  Al-Acraaf 138. Haddaba micnaha erayga Ictikaaf sharciga u yaqaan waa in lagu nagaado, la sii wado joogida ama la laazimo masjid iyadoo la adheecaayo Allaha sareeya.  Sidoo kale ayaa waxaa jira erayo kale oo leh micno luqadeed iyo micno sharci. Tusaale ahaan anagoo ku dheeraan ayaan waxaan soo qaadan karnaa erayda sida zakada oo micnaheeda luqad ah in la kordhiyo oo la hormariyo shey, laakin sharciga wuxuu u sameeyey micno ah tiirka Islaamka salaada ka dib iyo bixinta xaqqa cadad maal gaar ah  oo la siiyo dad masaakiin gaar ah. Sidoo kale salaada luqad ahaan waxaa loo yaqaan ducada laakin sharci ahaan waa tiirka labaad ee Islaamka iyo u dukashada Allah. Marka laga reebo iimaanka oo luqad ahaan loo yaqaan rumeynta, sharcigana u yaqaan waxa afka laga yiraahdo (Qowl) oo camal falna la raacsiiyo (Camal).

 

Ictikaaf haddii aan u soo qaadano sida sharciga u yaqaan wuxuu ku ansaxaa masjid in lagu nagaado keliya. Weliba haddii dad guryo wada deggan sameystaan meel yar iyaga keliya u gaar ah oo ay ku dukadaan sida mowlac ama musalla oo aan masjid aheyn ma ku ansaxaayo ictikaaf. Ictikaafka waa sunno ka mid ah sunnooyinka oo aan masaajid gaar ah lagu xadidin. Waxaa sugnaatay in nebiga salallahu caleyhi wasallam uu ictikaafi jiray tobanka ugu dambeeya ee Ramadaanka. Xadiis uu soo weriyey Abii saciid ayaa wuxuu yiri: Rasuulka wuxuu mar hore ictikaafay tobanka hore ee Ramadaanka, ka dibna tobanka dhexe ee Ramadaanka, ka dib waxaa lagu yiri LEYLATUL QADR waxay ku jirtaa tobanka dambe ee Ramadaanka, wuxuu ku soo koobay tobanka dambe; sannadkii xigayna ma ictikaafin tobanka hore iyo midka dhexe. Nebiga salallahu caleyhi wasallam wuxuu citikaafi jiray bisha Ramadaanka keliya. Asiga iyo asxaabtiisaba in ictikaaf lagu leeyahay goor aan Ramadaan aheyn qaleeyeen mooyee, ictikaafkooda oo dhan wuxuu ahaa bisha Ramadaan.  Su’aasha imaaneyso halkan waa ma ansaxayaa ictikaaf iyadoon qofka soomaneyn marba haddii ramadaan keliya waqtigiisa lagu xiray oo lagu xadiday? Ictikaafka iyo soonka waa labo cibaado oo kala gaar ah. Weliba waxaa dhici karta qof buka oo loo fasaxay inuu affuro Ramadaanka jecleysto inuu ictikaaf galo sidaa darteed waajib ama shardi ma ahan inuu qofka ictikaafayo soomanaado.

 

Masjidka lagu ictikaafayo waa inuu ahaadaa mid jamaacooyinka salaada lagu oogo. Shardi ma ahan in khudbada jumcooyinka lagu dukado. Maxaa yeelay dad ayaa waxay u shardiyeeyaan masjidka inuu ahaado mid khudbada jumacada lagu dukado, waxaa keliya oo shardi ah in salaadaha jamaacooyinka lagu dukado. Dumarka way ictikaafi karaan haddii ay fitno jirin, waxaa muhiim daran ah in fitno laga nabad galo. Waxaana u daliil ah in nebiga salallahu caleyhi wasallam uu ictikaafay maalin, ka dib Caaisha soo ictikaaftay, haweenka nebiga ee kalena ay soo citikaafeen, nebiga salallahu caleyhi wasallam wuxuu yiri: Ma samafal ayay doonayaan? Ka dibna wuxuu amray in la burburiyo qolalka ay ictikaafka u dhisteen. Waxaa weliba dumarka loo ogol yahay inay ku ictikaafaan masjid walba ma ahan shardi inuu ahaado mid jamaacooyinka lagu oogo sida raga. Sidaa darteed haddii aan lagu fitnooweyn oo laga amaan helo fitnada way ictikaafi karaan. Maxaa yeelay haweenka nebiga oo ah hooyoyinka mu’miniintu waxay ictikaafeen markuu nebiga noolaa iyo markuu dhintay ka dib.

 

Haddii haweenka sameystaan qol ka mid ah guryahooda oo ay mar walba ku dukadaan ma ansaxayo inay ku ictikaafaan, maxaa yeelay ma ahan masjid.

Saddexda masjid ee ugu weyn uguna ajarka badan uguna qiimaha badan waa masjidka xaramka ee Makka, masjidka nebiga salallhu caleyhiw asallam ee Madiina iyo masjidka Al Aqsa. Sadeexdaa masjid waxaa ugu horreeya oo ugu qiimo badan midka xaramka Makka. Waa masjidkii ugu horreyey ee loo taago cibaadada Allah. Waa midka ugu sharafta badan uguna xurmad iyo qiimo weyn. Wuxuu leeyahay tixgelin iyo qadarin gaar ah oo aan mid kale laheyn. Ma jiro masjid kale in loo socdaalo ka mid yahay tiirarka Islaamka aan ka aheyn masjidka xaramka Makka. Waxaa soo raaca masjidka xaramka Madiina. Waxaa ka dib soo raaca masjidka Al Aqsa oo ah masjidka nebiyaalka badi ahaan oo ay maanta heystaan yuhuudda. Salaadaha lagu dukado masaajidada side u kala ajar badan yihiin?

 

  • Masjidka xaramka Makka qofkii hal salad ku dukada waxay la mid tahay boqol kun salaad 100.000 oo masaajidado kale lagu dukado

      hal jumco oo lagu dukado waxay la mid tahay boqol kun salaad jumco.

  • Masjidka xaramka Madiina hal salaad oo lagu dukado waxay la mid tahay kun salaad 1000 oo lagu dukado masaajidado kale.
  • Masjidka AlAqsa hal salaad oo lagu dukado waxay la mid tahay shan boqol salaad 500 oo lagu dukado masaajidado kale.

 

Wabillaahi Towfiiq

 

Wassalaamu callaykum

 

Waa socotaa….la soco qeybta 3aad saddexaad insha Allaah

 

Idris Axmed Cusmaan
E-mail: [email protected]