
Talaado, July 24, 2007
Waxaa maalmihii Jimcaha iyo Sabtidii aan soo dhaafnay lagu kala qabtay magaalooyinka
Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa maalintii Jimcaha ee bishan July 20 keedii kulan kula yeeshay gudaha Jaamacadda Carleton qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada
Ugu horeyntii waxaa halkaasi ka hadley Cumar Ugaas oo ku hadlayey magaca Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Ottawa ayaa waxa uu si qeexan uga hadlay sida Soomaalida ku nool magaaladan Ottawa ay ugu kala qaybsameen Siyaasadda Soomaaliya ayada oo waliba kala qaybsanaantaas ay salka ku hayso qabiilka uu qof waliba ka soo jeedo.
Cumar Ugaas ayaa hadalkiisii ku soo gabagabeeyey su’aal uu weydiinayo Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ahayd “Prof. Cabdi maxaad ka leedahay dadka qaba inaad mucaarad ku tahay Dowladda Federalka Soomaaliyeed?”. (Halkaan ka wada akhriso warbixintii Cumar Ugaas).
Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka jawaabayey su’aashaas la weydiiyey ayaa wuxuu soo qaatay qudbad uu jeediyey Madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya Mr. Adan Cabdulle Cusmaan markii loo dhaarinayey jagada madaxtininmada. Nuxurka qudbadda Mudan Adan Cabdulle Cusmaan ayaa waxaa ahayd in DASTUURKA mar waliba ka sareeyo SHAQSIGA iyo ku dhaqanka nidaamka dimoqaraadiyadda. Prof Cabdi Ismaaciil ayaa isbarbar dhigey dowladda hadda Somaaliya ka jirta iyo tii Aden Cabdulle, uuna sheegey in Dowladda Federalka uu ku diidan yahay iney tahay mid mataleysa Qabiilo, qabiilna aan lagu dhisi karin dowlad dimooqraadi ah.
Profesoorka ayaa si weyn uga soo horjeestey qaabka awood qeybsiga ee 4.5 (FOUR POINT FIVE), wuxuuna ku tilmaamey iney tahay mid xaaraan ah oo Soomaaliya u horseedidoonta bur-bur ay weligeed ka soo kaban. Wuxuuna Professorka soo qaatay aayada qoraanka kariimka ah oo sheegeysa in qabiilka loo isticmaali in leysku garto, haseyeeshee quraanku uusan sheegeynin in qabiil leysku xukumo. Wuxuuna mitaal ahaan u soo qaatey dowladaha South Afrika iyo
Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa warbixin dheer ka bixiyey dhibaatada joogitaanka Ciidamada Itoobiya isaga oo waliba saadaaliyey in ay muddo dheer ay sii joogidoonaan Itoobiya dalka Soomaaliya. Wuxuuna dadweynihii halkaas isugu yimid u iftiinshay qaabka Dowladda Federaalka lagu soo dhisay iyo sida ay dowladda Itoobiya mar waliba faraha ugula jirtay shirarkii nabadeynta ee mudada dheer ka socday dalka
Professorka ayaa soo qaatay 5 (shan) qodob oo sida uu sheegay haddii ay Soomaali ku midoodo, xal u keeni kara dhibaatada maanta ka taagan dalka Soomaaliya. Shantaa qodob oo kala ah :
1) Aaminsan Daryeelka ummadda Soomaaliyeed
2) Aaminsan in uu maalkiista/maalkeeda iyo waqtigiis/waqtigeeda u hurayo xoreynta Soomaaliya iyo ku dhaqanka mabaadii’da DIMOQARAADIYADDA
3) Aaminsan qiimaha diinta Islaamka (Islamic Values) iyo daryeelka qiimaha shaqsiga (Respect for human dignity)
4) Aaminsan in howshaan uusan ku raadsaneyn (Dhaqaale ama Darajo)
5) Aaminsan ku dhaqanka caddaalada iyo ka fogaanta Qabiilka
Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa hadalkiisii ku soo gabgabeeyey su’aal uu dadweynihii halkaas isugu yimid uu weydiiyey oo ahyd “ Ma la idiinka heli karaa 50 qofood oo shantaas qodob ku midoobi karta ”. Jawaabta su’aashaas waxaa laga sugayaa dadweynaha reer
Ugu dambeyntii dadkii halkaasi isugu yimid ayaa u mahad celiyey profesoorka, waxayna halkaasi ka weydiiyeen su'aalo kala gedisan oo ay ka mid ahaayeen:
1. Dhibaatada jirta waad ka hadashey oo hadda maxaa xal ah? Dowlaad hadda jirta maan saxno oo aan u sheegno waxii khaladaad ah oo ay sameeneyso?
2. Maxaad ugu hadli weydey dhibaatada gobolka NFD ee hoos yimaada dalka
3. Ma jiraa talooyin aad u soo jeedisey dowladda FKG.
4. Maxaad ugu hadli weydey dimoqraadiga ka jira
5. Maxaad u necebtahay dowladda FDG?
Waxaa xusid mudan warbixin ay halkaas ka soo jeedisay Xaawo Shaafici oo dhibaatada maanta ka taagan Soomaaliya dusha u saartay ragga Soomaaliyeed. Waxayna ku cambaareysa in ay ka seexdeen kaalintoodii.
Shirka waxaa daadihinaayey Dr. Ciyow oo ka tirsan odayaasha jaaliyadda Somaalida ee degan magaalada
Toronto, Canada
Xafalad aad u Balaaran oo aay soo agaasimeen Somali Canadian Diaspora Alliance ayaa waxay ka dhacday Magaalada Toronto Maalintii Sabtida ee aay Bishu ahayd
Waxaa hadaba halkaa ka hadlay inta aanu Professor Samatar hadlin
Waxaa intaa ka dib si wanaagsan uga hadlay mowluuc ku saabsan dhibaatad dagaalka sokeeye uu u keenay dumarka iyo caruurta
Ugu dambeeyntii waxaa muddo laba saacadood ah arrimaha Somalia iyo dhibaatooyinka Ethiopia iyo sidii xal loo gaari lahaa si cilmiyeeysan uga hadlay Professor Abdi Ismail Samatar, Hadaladiisa waxay aad iyo aad u qiiro galiyeen dadkii dhagaystayaasha ahaa oo dhowr mar sacab iyo istaag aan joogsanayn siiyay professorka ama waxa luqadda qalaad lagu yiraahdo “standing ovation”. Waxaa dabadeed intaa raacay saacad “question period” oo cid walba aay professorka waydiisay suaashii aay doonayeen, isla markaan professorka .
Waxaa forumkan daadihinayaa
Hadaba ugu dmbeyntii waxaa u mahad celinaynaa ragii iyo dumarkii suurta geliya xafladdan ee Somali Canadian Diaspora Alliance, Abdi Diirshe, Xawa Ibrahim Camalow, Nasteexo Dirie, Hassan Abdillahi, Cumar Cadde, Mohame cadare , Shukria diini, Fariid Omar iyo abdirizak omar