Jaceyl ku haya dartiis adigoo Rag ah Dhar Dumar ma u xiran lahayd?
Isniin, November 14, 2005(HOL): Jawaabta su'aashan waxaan ka helnay dhalinyaro Rag ah oo jooga magaalada Jowhar, kuwaasi oo ku labistay dharkii Dumarka, gaar ahaan Xijaabka iyo hoos-gashiyo kale sabab la xiriirta Jaceyl hayay dartiis.
Dhacdadan ayaa waxay ka dhacday Xaafadda Kulmis ee degmada Jowhar, waxaana soo shaac bixiyay Ciidamada Ammaanka gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaasi oo iyagu u xil saaran sugidda ammaanka iyo in ay la socdaan dhaqdhaqaaqyada dadka bacdamaa ay uu ku sugan yihiin Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliyeed.
Ciidamada Ammaanka Degmada Jowhar oo howshoodii shaqo ku guda jira ayaa xalay waxay gudaha Xaafaddaas joojiyeen labo qofood oo mid ka mid ah uu ku labisnaa dharka Dumarka xirtaan, gaar ahaan Xijaabka, iyadoo midka kalena uu qabay Dharka Ragga ay xirtaan, haddaba markii labadaas dhalinyarada ah laga dhawaajiyay oo magacyadooda la weydiiyay ayay labadiiba noqdeen labo wiil, waxayna taasi ku noqotay ciidamadii ammaanka wax aysan maleysan karin bacdamaa qofkii qabay dharka Dumarka ay ka sugayeen cod Dumar, hayeeshee uu u soo baxay cod Rageed oo weyn.
Labadan wiil ee dhalinyarada ah ee midkood iska soo dhigay Dumarka ayay ciidamada xabsi u taxaabeen, iyadoo arrintoodana baaris lagu hayo, inkastoo wareysigii ugu horeeyay ee ay bixiyeen-na ay ku sheegeen in ay la xiriirto sabab jaceyl iyo hinaaso gelin lala damacsanaa gabar ku ballan furtay mid ka mid ah labada wiil.
Labada Wiil ee la xiray, gaar ahaan midka aan dharka dumarka wadan ayaa ku dooday in uu falkaas u sameeyay isagoo doonayay in uu saaxibkiis ku maseyriyo gabar uu jeclaa oo nin kale ka raacday, si buu yiri ay ugu maleyso in uu isna gabar kale la socdo, hayeeshee howlgalkaas waa uu ka dhicisoobay, wuxuuna u soo dedejiyay in xabsi la dhigo, isla markaana su'aalo badan laga weydiiyay wixii uu falkaas u sameeyay.
Waa Jaceyl iyo xaaladihiisee dhawaan ayay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadda Siinaay ka dhacday arrin la xiriirtay ballan-fur guur, taasi oo sababtay in wiilkii looga baxay ballan uu mindi qudha kaga jaro gabadhii uu jeclaa ee ballanta uga baxdo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia |