2007 DV
   
   


Ruux kasta oo maankiisu joogu wuxuu og yahay in waqtigu qaali yahay qumana tahay in aad uga faa’iidaysato shaqo kasta oo haysid. Marka aan ka hadalno Ambassdoorka UN-ta u qaabilsan arimaha AIDS-ka waad garankartaa sida uu ugu xisaabsan yahay waqtigiisu.

Waxaase uu Ambassdoorku waqti yar u helay sanadkan in uu bixiyo qudbad uguna magac daray buug uu isagu qoray ciwaankiisu yahay (Race Against Time) ama Labaratanka Waqtiga.

Qubdbadan oo xanbaarsanaday fariin culus, waa qayb ka mid ah Massey Lectures 2005, In yar ayaa nasiib u lahayd inay dhagystaa warbixintii naxdin lahayd ee Ambassdor Steven Lewis ka soo jeediyay jaamacada Concrodia ee ku taala magaalada Montreal dalka Kanada.

Waxaa qudbadan soo qabanqaabiyay Ururka Ardada Concordia, oo madax kayahay Maxamed Shuuriye. Shuuriye oo inta uu Ambassdorku bilaabin qudbadiisa waxyar ka taabtay muhiimada ay leedahay inuu Ambassdorku laftiisa yimaado lana hadlo ardayda Jaamacada Concordia. Waxaa kale uu Shuuriye wax yiri guulihii Ambassdorku soo hooyey sanadadii ugu danbaysay kadib markii loo magacaabay jagada uu hayo. Ambassdorku wuxuu aad ugu taag taagsaday halista ku soo socota dunidan haddii aan loo gurman wadama cudurkan weerarka ku hayo ha badnaadaan dowladaha ku yaal koonfurta Afrika, Ruushka, Shiinaha, Hindaya, Koonfur Ameerika, iyo waliba Jasiirado faro badan.



Dadka uga badan cudurkan oo ku nool qaarada Afrika ayaa haddana ugu sii badan yihiin dumarka iyo caruurta. Ambassdor Steven Lewis oo aad uga hadlay dhibaatadan dumarka Afrika u dheer cudurka waxuu yiri «dumarku waa xudunta guriga marka cudurku ku dhacana waxaa tirtirma nolosha..... waxaana hadda halyga reerka u soo baxay ay noqotay ayeeyda»

Waxaana sii kordhiya dhibaatooyinka cudurkan sida uu ambassdoorku sheegay, dawo la’aan, cunto xumo iyo niyad jab wayn oo qofka ku dhacda isagoo isu haysta in dil lagu xukumay oo kale. Waxaase uu Ambassdoorku aad ugu mahad celiyay Bill Clinton oo hadda ururkiisa samal falka ahi aad ugu shaqeeynayo sidii dhamaan dadka cudurkan hayo ay u helilahaayeen dawooyinka kaalmada siiya ruuxa sida uu jirkiisu ula dagaalamo cudurkan. Waxaana hadda Bill Clinton dhexdhexaadiyay shirkadaha dawayooinka soo saara ee reer galbeedka ah iyo kuwa ku yaal Hindiya iyo Shiinaha oo samayn doona dawooyin u dhigma kuwaas (generic drugs) laakiin qiimahoodu aad uga jaban yahay.

Shacbiga Soomaaliyeed wali halis wayn kuma hayo cudurkani laakiin waxaa loo baahan yahay in qofkasta oo Soomaali ah la ogaysiiyo sida uu uga digtoonaan lahaa sababaha dhaliya cudurkan. Waxaana loo baahan yahay in mashruuc balaaran oo lagu wargalinayo dad waynaha la abaabulo. Inta cudurkan qabtana ay ogyihiin in ay heli karaan caawimo xag dawo iyo xag maskaxeedba ah. Nasiib wanaag markii ugu horaysay bishii sagaalad ee sanadkan dowlada Somaliland ku dhawaaqday gudi (Aids Commission) loo xil saaray inay isku xidhaan, kana soo warbixiyaan sida ay u socoto arimaha dawaynta iyo la dagaalanka cudurkan. Waxaa inyar ka dibna laga sameeyey gudiyo sidaas oo kale Puntland iyo Banaadir.

Soomaaliya oo cabir toos ah laga hayn inta cudurkaan qabta iyo meelahay ku sugan yihiin. Madaama uu wadanku dagaal ka jiray, lahayna dowlad qabata shaqadan. Waxaa howshaas hadda ku mashquulsan NGO (haydaha samalfa) ay ka mid yihiin Unicef, WHO, iyo waliba kuwa faro badan oo Soomaali iyo reer galbeedba leh.

Haddii aad u baahan tahay inaad dhagaysato qudbada Ambassdor Lewis ama aad akhrisato qoraalada laga qoray cudurka Aids qaasatan Soomaaliya hoos ayaad ka heli bogga aad booqan lahayd.

http://www.csu.qc.ca/index.php
http://www.cbc.ca/ideas/massey.html
http://www.sacb.info/HIVAIDS/HIVAIDS.htm

Guled Hussein
HAA (Horn Against Aids)
E-mails: [email protected]






 


| Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2005 Hiiraan Online