2007 DV
   
Soomaalida Minnesota oo $80.000 Ugu Yaboohay Jaamacadda Hiiraan
   


Talaado November 22, 2005

By: C/raxman Ceynte

Minneapolis- MN (HOL) - Sidii horeba looga bartay, jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota ayaa mar kale jeebkooda gacanta u galiyey mashruuca aasaaska Jaamacadda Hiiraan ee uu hanaqaadkiisa horkacayo Professor Axmed Muumin Warfaa. Galabnimadii Axadda ayeey Jaaliyaddu isugu timid xarunta Brian Coyle, una yaboohday adduunyo gaareysa $80.000 (Siddeetan Kun) oo dollar.

Hore waxaa Minnesota looga qaaraan-uruuriyey Jaamacado ay kamid yihiin: Hargaysa, Burco, Boosaaso, Nugaal iyo magacweynta Camuud oo xitaa bishii August ee dhaweyd soo adeegsatay madaxeedii si loo taageero.

Isagoo taas maanka ku haya ayuu Prof. Warfaa usoo qalab qaatay inuu baadi goobo dhaqaale dhidibbada loogu aasayo jaamacad uu yeesho gobolka Hiiraan. Wuxuuna Mr. Warfaa ka soo dhul billaabay Galbeedka Mareykanka, gaar ahaan magaalooyinka Denver ee gobolka Colorado iyo Seattle ee gobolka Washington. $20.000 (labaatan kun) iyo $10.000 (toban kun) ayey u soo yabooheen, sida ay isugu xigaan. Jaaliyadda aan yabooha jaamacadaha ka daalin ee Minnesota ayaa illaa imminka ugu gacan furan oo $80.000 ku soo dhaweeyey Jaamacadda Hiiraan, ayna u badan tahay inaan laga sadaqo badan.

Safarkiisa oo illaa Canada iyo Europe-ba u dhirir jeeda ayuu Prof. Warfaa ku hakaday qiblada Soomaalida Waqooyiga America: Gobolka Minnesota. Rajjadiisii kuma hungoobin’e, kuus lacag ah iyo dhiiri galin iyo iskaashi tacliineed oo ka gudubsan xayndaabyada beeleed ayuu ugu yimid halkan. Taas oo waliba ay u sii dheer tahay tiro la taaban karo oo kamid ah ardaydii uu Soomaaliya macallinka ugu ahaa, iyo waliba qaar barayaashii kamid ah.

Mudane Warfaa oo imminka Biology-ga ka dhiga kolleejada Salt Lake City Community College ee gobolka Utah ayaa ah khabiir ku takhasusay maandooriyaha Qaadka ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed-ba dishay. Bishii January ee sanadkan ayuu muxaadaro uu kaga faalloonayo dhibaatada qaadka ka bixiyay Minnesota. Wuxuu ku dhashay magaalada Buula Barde ee gobolka Hiiraan, halkaas oo uu “miraha Qoonaha ee wabigu ka soo qaado Beledweyne ku gaadi jiray” markii uu yaraa, sida uu ku kaftamay.



 

Aqoonyahannadii halkaas ka hadlay waxaa kamid ahaa Abwaan Saciid Saalax iyo Ismaaciil Sheikh Samatar, iyagoo aad u dhiiri galiyey aasaaska jaamacadda Hiiraan. Sidoo kale, Sheikh C/raxman Sheikh Cumar oo ah Imaam iyo Diin-faafiye si weyn looga qadariyo Minnesota, arday-na u ahaa Professor Warfaa, ayaa aad u tusaaleeyey sida uu Alle aayaddii ugu horeysay ee uu soo dajiyo ula xiriiriyey cilmiga “Iqra’a”.

Professor Warfaa ayaa sheegay in baahida Jaamacadda Hiiraan ay ku qotonto tirada ardayda ka qalin-jabineysa dugsiyada sare ee gobolka oo”500 kor u dhaafaysa” ayuu yiri "loona baahanyahay jaamacad ay ardaydaas ka sii wataan waxbarashada sare" ayuu ku soo gabgabeeyey warkiisii Prof. Warfaa.

Qoraal la xiriira
Hiiraan University (HU) Fundraising Event - Denver, Colorado

C/raxman Ceynte
Hiiraan Online
Minneapolis , MN
[email protected]






 


Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2004 Hiiraan Online