Click here to sign your petition
2007 DV
 




Wararka Maanta - Khamiis - December 01, 2005










· Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo warqada Aqoonsiga Danjirenimo ka guuddoomay Safiir ay Dowladda Belgium u soo magacaabatay Dalka Soomaaliya
·
· Maamulka Gobolka Banaadir oo Deeq Kaalmo ah gaarsiiyay Afar Isbitaal oo ku yaala magaalada Muqdisho
· Xaflad lagu maamuusayay maalinta Aids-ka Adduunka oo maanta lagu qabtay Xarunta IIDA ee magaalada Muqdisho












Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo warqada Aqoonsiga Danjirenimo ka guuddoomay Safiir ay Dowladda Belgium u soo magacaabatay Dalka Soomaaliya

Danjire Mrs. Christina Funes Nupper iyo Madaxweyne Cabdullahi Yusuf
                                                Sawrika: Sidii

Khamiis, December 01, 2005(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Mrs. Christina Funes Nupper oo Dalka Belgium u qaabilsanaan doonta Arrimaha Soomaaliya.

Xafladdii uu madaxweynaha ku guddoomayay warqadaha Aqoonsiga oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Jowhar ayaa waxaa lagu saaray Calamada Soomaaliya iyo Belgium, iyadoo ay kooxda Musikadana Baambeydana ay garaaceen astaanta labada Calan.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa sheegay in uu si weyn ugu farxsan yahay in Dalka Belgium uu noqdo dalkii ugu horeeyay ee Yurub ka tirsan oo hadana Safiir u soo magacawda Soomaaliya kadib bur burkii dalka ka dhacay, iyadoo Mrs. Christina Nupper ay iyaduna sheegtay in ay si weyn ugu faraxsan tahay in ay noqoto safiirka dalka Belgium u fadhiya arrimaha Soomaaliya, iyadoo caddeysay in ay Soomaaliya horay Safiir uga ahaan jirtay sanadihii sideetameeyadii.

Calanka Dalka Belgium iyo Calanka dalka Soomaaliya. Jowhar, Somalia
                                                Sawrika: Sidii

Safiiraddan oo dib ugu laabatay magaalada Nairobi ayaa rasmi ahaan waxay xafiiskeeda uga howl bilaabi doontaa bisha soo socota ee Janaayo, xiligaasi oo ay dib ugu soo laaban doonto dalka Soomaaliya.

Waa dalkii ugu horeeyay oo Qaaradda Yurub ka soo jeeda oo misana Safiir u magacawda Dalka Soomaaliya, inkastoo horay magaalada Jowhar ay xafiisyo uga furteen Ururrada Midowga Afrika, iyo Jaamacadda Carabta, iyadoo ay xusid mudan tahay in 29-kii bishan magaalada Jowhar markii ugu horeysay lagu qabtay shir ay leeyihiin Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Halyeygii Boodada sare Cabdulle Nuur Waasuge oo xalay ku geeriyooday dalka Boqortooyada Sacuudiga

Khamiis, December 01, 2005(HOL): Marxuum Cabdulle Nuur Waasuge oo in muddo ah ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho ayaa horaantii Bishii Ramadaan ee aynu ka soo gudubnay waxaa loo qaaday dalka Sacuudiga si looga soo daweeyo xanuuno ka hayay dhinaca caloosha, iyadoo muddo sanad ka badanna uu xanuunkaas la tiicayay sida uu horay u sheegay Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle.

Marxuumka ayaa markii la geeyay Dalka Sacuudiga, gaar ahaana Isbitaalkii lagu daweyn lahaa waxay sheegeen dhaqaatiirtii ku sugneyd in xaaladda caafimaad ee Waasuge ay ahayd mid qatar ah, bacdamaa xanuunka hayay uu muddo la soo tacbaanayay, isla markaana dawooyin uu isticmaalay ay waxyeelo gaarsiiyeen.

Marxuumka oo xalay ku geeriyooday Isbitaalka ku yaala dalka Sacuudiga ayaa galabta lagu aasay Magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga. Haddaba marxuumka oo Taariikh lama iloobaan ah uga tegay Dadkiisa iyo Dalkiisa qof ceynkee ah ayuu ahaa:

Cabdulle Nuur Waasuge: Wuxuu ku dhashey magaalada Beledweyne sanadkii 1941kii, yaraantiisii wuxuu jeclaa guud ahaan ciyaaraha gaar ahaan Kubadda Koleyga, Laliska iyo Ciyaaraha Fudud.

Wuxuu ku soo caan baxey fagaarayaasha waa weyn ee Gobolka Hiiraan. Sanadkii 1962kii wuxuu ku biirey Ciidankii Xooga Dalka Soomaaliyeed, isagoo ka gaarey Darajada Clonel.

1963kii wuxuu ku biirey Xulka Qaranka Ciyaartooyda Ciyaaraha Fudud, wuxuu ka qeyb galey ciyaaro fara badan oo lagu qabtey dalka gudihiisa iyo dibadiisa, wuxuuna ka soo hooyey guulo iyo bilado fara badan.

Waasuge wuxuu gaarey heer uu jabiyey recordkii xaga boodada sare ee Afrika u yaaley. Sidoo kale Waasuge wuxuu ciyaaraha boodada sare ka gaarey heerkii ugu sareeyey oo cid ka daba dhufan karta la waayey, waxaana sabab u ahaa isagoo helay tababare u dhashey dalkii Midowga Sofiyeeti oo siiyay tababar heer Caalami ah, kaasi oo lagu magacaabo tababare Vladmir Alexander.

Cabdulle Nuur Waasuge wuxuu isagoo Xulka Qaranka Soomaaliya metelayay markii ugu horeysay ka qeyb galey ciyaarihii rasmiga ahaa ee lagu qabtey dalka Indonesia sanadkii 1963kii, taasoo uu ka soo hooyey guulo waa weyn.

Waxaa kaloo uu ka qeybgaley ciyaarihii lagu qabtey Kenya sanadkii 1970kii, ciyaarahaasoo ay ku kala loolamayeen ciyaartooy ka socotey wadamada Bariga iyo Bartamaha Afrika, wuxuuna ciyaarahaasi ka galey darajada koowaad markii uu ku boodey heerka boodada sare 2.10cm. Wuxuuna markaasi hantey bilad dahab ah.

Wuxuu ka qeyb galey mark kale tartan ka dhacey dalka Zambia sanadkii 1971dii isagoo hantey bilad kale oo dahab ah. Sanadkii 1972kii wuxuu ka qeyb galey ciyaaro caalami ah oo lagu qabtey Jarmalka Bari, taasoo uu ku hantey abaal gudkii ugu fiicnaa, isla markaana uu ka soo qaatey Tababar Heer Caalami ah.

Isla sanadkaas wuxuu ka qeyb galey tartankii lagu qabtey dalkii Midowga Sofiyeeti, gaar ahaan magaalada Oddesa iyo tartankii lagu qabtey isla sanadkaas dalka Tanzania, iyadoo uu halkaasina kala soo laabtay Bilado iyo Lacago.

Sanadkii 1973kii wuxuu ka qeyb galey ciyaaro lagu qabtey dalka Nigeria isagoo hantey Bilad Dahab ah, isla sanadkaas wuxuu ka qeyb galey Horyaallada Qaarada Afrika oo lagu qabtey Dalka Senegal, wuxuuna ka galey Heerka Seddexaad.

Isla sanadkaas dabayaaqadiisa wuxuu ka qeyb galey tartan ka dhacayay dalka Mexico, gaar ahaan xarunta Mexico City, halkaasoo uu ku guuleystay kaalinta labaad, isagoo hantey bilad iyo lacag.

Waasuge oo ahaa nin aad iyo aad ugu darnaa ciyaarta Boodada sare iyo Mida hoose ayaa caan ka ahaa Qaaradaha Africa, Asia iyo Latin America, wuxuuna adduunka u dhigey record la yaab leh sanadkii 1973kii kadib markii uu ku boodey boodada sare 2.13cm, tan hoosana uu boodey 2.18cm. Cabdulle Nuur Waasuge waxaa lagu tilmaamaa Aabihii Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Maamulka Gobolka Banaadir oo Deeq Kaalmo ah gaarsiiyay Afar Isbitaal oo ku yaala magaalada Muqdisho

Khamiis, December 01, 2005(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ee uu madaxda ka yahay Dr. Maxamuud Xasan Cali (Cadde) ayaa maanta deeq kaalmo ah gaarsiiyay Isbitaallada Keysaney, Martiini, Banaadir iyo Madiina oo ah kuwo ay daryeel caafimaad ka helaan dadka Soomaaliyeed marka laga reebo Isbitaalka Martiini oo aan shaqeynin mudadii 15 sano ahayd.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Ammaanka Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur, isla markaana ah ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa deeqdaas gaarsiiyay afarta Isbitaal, isagoo sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu sii wadi doono kaalmooyinka uu u fidinayo Isbitaalladaas.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa si gaar ah ballanqaad ugu sameeyay Naafadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku jirta Isbitaalka Martiini, kuwaasi oo uu ugu laab qaboojiyay in aaney mar kale dhici doonin in la iska ilaawo, isagoo ka marqaati kacay Md. Dhagaxtuur in Naafada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku jira Isbitaalka Martiini ay yihiin kuwo ay dhaawacyo soo gaareen iyagoo difaacayay sharafka Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.

C/llaahi Aadan Magan oo u hadlay Naafada Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa isaguna soo gudbiyay baahi gooni ah oo ay qabaan Naafada, taasi oo ah in ay doonayaan in loo kiciyo Matoor ay u isticmaalaan soo saarista biyaha iyo Korontada, isagoo si gaar ah uga dhawaajiyay in ay qabaan wel wel kale oo ku saabsan in iyagoo hurdaya ay ku dumayaan dhismooyinka Isbitaalka bacdamaa ay duugoobeen.

Dhanka kalena Kaalmooyinkii uu gaarsiiyay Maamulka Gobolka Banaadir Isbitaallada Keysaney, Madiina iyo Banaadir ayaa waxaa guddoomay Agaasimayaasha Isbitaalladaas, kuwaasi oo u mahadceliyay Maamulka Gobolka Banaadir oo markii ugu horeysay Deeq Kaalmo ah gaarsiiyay Isbitaalladaas oo ah kuwo daboola baahi caafimaad oo ay qabaan Dadka ku dhaqan Koofurta Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Xaflad lagu maamuusayay maalinta Aids-ka Adduunka oo maanta lagu qabtay Xarunta IIDA ee magaalada Muqdisho

Khamiis, December 01, 2005(HOL): Xaflado dhowr ah oo lagu xusayay maalinta Aids-ka Adduunka oo ku beegan 1-da December ayaa maanta lagu qabtay magaalooyin badan oo ku yaala dalka Soomaaliya, iyadoo dhamaan xafladahaasina ay ahaayeen kuwo ay soo qaban qaabiyeen Ururro Wadani ah oo qaabilsan horumarinta Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, kuwaasi oo kaashanaya Hay'ado Caalami ah.

Magaalada Muqdisho oo kale haddii aan soo qaadano waxaa xaflad weyn oo lagu maamuusayay maalintan lagu qabtay Xarunta IIDA ee magaalada Muqdisho, waxaana xafladdaasi oo lagu soo bandhigay khatarta Cudurka Aids-ka iyo sida loogu baahan yahay in dadka laga wacyigeliyo ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, Dhaqaatiirta Muqdisho, Fannaaniin iyo marti sharaf kale.

Furitaankii Xafladdan ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Horumarinta IIDA Drs. Xaliima Cabdi Caruush oo sheegtay in Ururkooda uu ku howlanaa 15-kii sano ee la soo dhaafay ka wacyigelinta dadka qatarta Cudurka HIV/AIDS, iyadoo fursaddaasina ay saamaxday wada shaqeyn wanaagsan oo laga helay Hay’adda Concern.

Xaliima Cabdi Caruush waxa ay sheegtay in intii ay ku guda jireen howshooda wacyigelinta dadka ay dhinaca kalena qabanayeen tabarro loo qabanayay dad laga soo kala xulay qeybo kala duwan oo bulshada ah sida Culumaa’udiinka, Fannaaniinta, Wariyayaasha, Bahda Caafimaadka, Macallimiinta iyo Maamulayaasha Iskuullada, Timo-Jarayaasha, dadka ku nool xeryaha qaxootiga iyo dhalinyaro kale, "Ujeedada aan tababarkaas ka lahayn waxay ahayd innaga oo dooneynay in sare loo qaado dadkaasi aan soo sheegnay wacyigooda si ay uga feejignaadaan khatarta cudurka Aids-ka, isla markaana wixii ay barteen ay u sii gudbiyaan uguna wacyigeliyaan bulshada qeybaheeda kala duwan ee ay la nool yihiin"ayay tiri Drs. Xaliimo Cabdi Caruush.

Qaabka ay IIDA ugu guuleysatay ka wacyigelinta cudurka Aids-ka ayay Drs. Xaliimo sheegtay in ay isticmaaleen wadiiqooyin kala duwan sida suugaan laga dhadhansan karo khatarta cudurka Aids-ka iyo weliba barnaamijyo kale oo laga sii daayo Idaacado iyo TV ku yaala magaalooyinka Muqdisho iyo Marka, iyadoo Hay’adahaas warfaafineed ay baraarujin ka sameynayeen Dhaqaatiir, Kalkaaliyayaal, Culumaa’udiin iyo Haween Soomaaliyeed, "waxay guushu tahay in maanta laga gudbay xiligii caburinta, isla markaana laga dhawaajiyay jiritaanka Cudurka Aids-ka (IIDA BROKE THE SILENCE).

Ururka Horumarinta IIDA oo ka faa’iideysanaya munaasabadda ku aadan Maalinta Aids-ka Adduunka ayaa ugu baaqaya Bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay si wanaagsan uga faa’iideysato wacyigelinta barnaamijka Aids-ka, iyadoo qofkii isku arka cudurkanna uusan isku dayin in uu qariyo isla markaana ku sii faafiyo bulshada haddii ay ahaan lahayd si ula kac ah iyo si kaleba, Bulshadana waa in aysan takoorin qofka qaba cudurkan.

Haddaba Intii ay socotay Xafladdan waxaa hadallo ka jeediyay Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed Prof. Cusmaan Xaaji Maxamed Dufle oo ku dheeraaday ka hadalka taariikhda cudurkan iyo weliba sida uu ugu sii korayo Soomaaliya tan iyo markii laga sheegay, "Soomaaliya haddii aan eegno cudurkan waxaa uu ahaa sanadkii hore wax ka hooseeya 1%, laakin sanadkan wuxuu sii socdaa wax ka hooseeya 2%, taasina waxay noo muujineysaa in cudurka dadka qaba ay ku soo badanayaan dalka"ayuu yiri Prof. Dufle oo intaas ku sii daray in cudurkan dadka qaba caalamka ay 40 Milyan kor u dhaafayaan, kuwaasi oo u badan Qaaradda Afrika, iyadoo daqiiqad kastana ay dad u dhintaan, daqiiqad kastana ay dad kale sii qaadaan.

Prof. Dufle waxaa uu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay ku dhaqmaan hal ku dhigga sanadkan ee ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Aids-ka, kaasi oo ah jooji Hiv/Aids-ka, ballantana ilaali (Stop Hiv/Aids, Keep the promise), isagoo sidoo kalena ku cel celiyay in aan la takoorin dadka qaba cudurka ee bulshada ku dhex nool, "qofkii qaba cudurka waa lala noolaan karaa, wax waa lala cuni karaa, guri waa lagula noolaan karaa, waa lala saaxibi karaa, marka ma ahan in la yiraahdo qofkani bes waaye Aids ayuu qabaa, taasi waxay keeneysaa in uu qofkii cuqdad iyo cadaawad qaado, isla markaana uu dadka si xaasidnimo ah ugu faafiyo"ayuu ku talo bixiyay Professor Cusmaan Dufle.

Prof. Dufle waxaa uu sheegay in warbixinta UN-ka ka soo baxday ay muujineyso in ay sanadkan cudurka u dhinteen Seddex Milyan iyo Bar Qofood, iyadoo u agoontoobeen caruur gaareysa 13 Milyan oo 12 Milyan oo ka mid ah ay ka soo jeedaan Qaaradda Afrika. Cudurkan sida Dhaqtarku sheegay waxaa maalin kasta uu haleelaa 6000 oo qofood, taasi oo noqoneysa in halkii daqiiqo ay cudurka qaadaan 4 qofood oo da’doodu u dhaxeyso 15-25 sano.

Dhaqaatiir kale oo ay ka mid ahaayeen Dr. Maxamed Xanafi, Dr. Shiikh Doon Salaad Cilmi iyo Drs. Muxibo Axmed Guure ayaa iyaguna waxay ka hadleen qatarta cudurkan iyo sida loogu baahan yahay in looga hortago, iyagoo dhamaantoodna bixiyay talooyin la mid ah tii uu bixiyay Wasiirka ku xigeenka Caafimaadka Prof. Dufle.

Waxaa xusid mudan in xafladdii maanta ay dhinaca suugaan qeybtooda ka ciyaarayeen Kooxda Horyaal Band, kuwaasi oo soo bandhigay Ruwaayad ka hadleysay sida Aids-ka la isugu qarin karo iyadoo dhaqaale lagu dabaqayo, iyadoo sidoo kalena Fannaaniin ka tirsan kooxdaas ay ku luuqeeyeen heeso wacyigelin ah oo ku saabsan khatarka Aids-ka.

Ugu dambeyntiina waxaa hoolkii ay xafladdan ka dhaceysay lagu dhejiyay boorar ay ku qornaayeen halku dhigga sanadkan ee joojinta Aids-ka, iyadoo dhinaca kalena ay ku dhinac dhignaayeen halku dhigyo kale oo sheegayay in Cudurka Aids-ka uu ka khatarsan yahay waxyeeladii Dagaallada Sokeeye ee dalka ka dhacay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 



Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2005 Hiiraan Online