Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalda Ottawa oo ugu deeqday $ 14,000.00 dhismaha Jaamacadda Hiiraan
   


Kulan si weeyn loo soo abaabulay oo loogu aruurinayay deeq maaliyadeed Dhismaha jaamacadda Hiiraan, ayaa maalintii Axada oo ey taariikhda aheyd 27/11/05 ka dhacay magaalada Ottawa, ee caasimada dalka Canada.

Kulankaan oo lagu qabtay xarunta weyn ee Heron Community center, ayaa waxaa soo abaabulay Jaaliyadda reer Hiiraan ee ku nool magaalada Ottawa iyo nawaaxigeeda.

Kulankaasi waxaa ka soo qeeyb galay Jaaliyad Soomaaliyeed oo aad u badan, muujiyayna xamaasad wadaninimo iyo qiiro dheer oo ey u qabaan wadankooda, iyaga oo si weyn u dhageysanayay qudbadihii xiisada lahaa oo ey soojeediyeen aqoon yahano Soomaaliyeed oo kala ahaa.

 

  • Prof Mohamed Nuuh from Carleton University.
  • Prof Ahmed Hanafi from Mogadihu University.
  • Mohamed Amiin, Policy Analyst, government of Canada
  • Prof Raabbi from World Somali Congress.
  • Prof Warfaa from Utah State University.

Mid lamid ah kulankaan oo kale ayaa waxaa horay uu uga dhacay magaalooyin kaladuwan oo ku yaalo waqooyiga Amerika, sida North Colorado, Minneapolis iyo Toronto oo dhamaantoodba ugu deeqay maal iyo taageeraba Jaamacadda hiiraan.

Prof Warfaa oo ah Bare wax kadhiga Jaamacadda Utah State University ee cariga America, ayaa waxa uu isku taagay hirgilinta Jaamacadda Hiiraan isaga oo socdaalo dhaareer ku kala bixindoona Waqooyiga Amerika, Yurub iyo Africa.

Hadaba kulankaan kadhacay magaalada Ottawa oo ahaa mid si heer sare ah loo soo abaabulay, ayaa ugu horeeyntii waxaa ka hadlay Axmed Xaji Cilmi “Gure” oo kawarbixiyay baahida loo qabo in ladhiso jaamacada Hiiraan,isaga oo sheegay in sanad waliba ey ka soo qalinjabiyaan dugsiyada sare ee Hiiraan arday ka badan 500 oo aan markaan loo haaynin Jaaamacad daboosha baahidooda, taana ey keento in ardaydii loo diraa Jaamacadaha kale ee ku yaalo wadanka, sida Mogadishu University, taa oo mararka qaarkood eysan awoodi karin waalidiinta ardaydaasi in ey u diraan Jaamacad ku yaalo meela fog. Ardaydaas ayaa waxay si sahlan ugu biiraan miliishooyinka hubeysan.

Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay Dr. Ciyow oo ahaa xiriiriyaha madasha “Moderator” oo isna sheegay in uu wadan marnaba hodan noqan karin, horumarna gaar karin hadii uusan laheeyn aqoonyahano, sidaa daraadeed ayeey muhiim u tahay in jaamacad laga dhisho gobolka Hiiraan taas oo dabooli doonta baahida waxbarashada sare ee gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Waxaa isna madashaa ka hadlay Prof Nuh oo ah Professor wax ka dhiga Jaamacada Carleton University isaga oo si weyn utaabtay qiimaha ey leedahay warbarashada, isga oo waliba sheegay in qarnigaan aan ku jirno ee 21 st loo aqoonsaday qarnigii tacliinta, Professor Nuh wuxuu kaloo yiri “aniga waxaa aqoon weeyn u leeyahay Professor Warfaa oo ah nin aamin ah isla mar ahaantaana waxii uu maskaxdiisa galiyo in uu qabto aan marnaba qabyo uga tagin”.

Professor Xanafi ayaa isna si faah faahsan uga warbixiyay Jaamacada Mugadishu oo uu ka yahay barre. Professor Hanafi waxa uu sheegay Jaamacada Mugadishu in ey jirtay muda kooban isla mar ahaantaana kaalin weyn ka dabooshay bulshada Soomaaliyeed oo maanta ey dhigato Jaamacada Mugadishu in ka badan ilaa iyo Kun arday(1000).

Dhinaca kale Dr. Raabbi ayaa isna tilmaamay umadi jiritaankeeda waxeey ku xirantahay sida ey u taqaano taariikhdeeda iyo sida loo diiwaan galiyo.

Waxaa runtii xusid mudan in xafladaan uu goobjoog ka ahaa macalin Daahir Waaberi oo aad looga yaqaano gobolka Hiiraan mudda badana wax ka soo dhageya dugsiyada Hoose/Dhexe ee magaalada Beled Weyne. Macalim Daahir Waaberi oo ay farxad ka muuqato ayaa noo sheegay in ay sharaf weyn u tahay in arko Jaamacad laga dhiso magaaladii oo arday badan ku soo barbaariyey.

Dadkii madashaa ka hadlay waxaa kaloo ka mid ahaa Mohamed Amiin oo ah Policy Analyst of government of Canada oo isna ka dhawaajiyay muhimada ey leedahay tacliinta iyo kala dambeeynta.

Professor Warfaa oo siweyn looga war dhowrayay Khudbadiisa ayaa ka dhawaajiyay muhimada mashruucaan u leeyahay mujtamca Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan reer Hiiraan.

Professor Warfaa waxaa kaluu sheegay in hadii Ilaah idmo oo ey hirgasho Jaamacada Hiiraan in eeysan marnaba noqon doonin Jaamcad reer hebal, ee ey tahay Jaamacad Soomaaliyeed.

Kadibna dadweeynihii halkaa isugu yimid rag iyo dumarba waxeey si weyn u taageereen fikradii halkaa laga soo jeediyay, isla mar ahaantaana ugu deeqeen lacag gaareeyso ilaa iyo $14,000.00 oo Canadian dollar ah.

Intaa kadib Xiriiriyihii madasha Dr.Ciyow waxa uu ku soo dhaweeyay hadalkii Mr. Mohamed Ali Guutaale oo si kooban uga hadlay gobalka Hiiraan, isaga oo sheegay in gobalka ey ka soo baxeen dad hogaamiyayaal Soomaliyeed oo xul ah sida Allaha u naxariistee Sheekh Cali Jimcaale, Aadan Cabdulla Cismaan iyo Cabdullahi Ciise.

Waxaa xafladii soo gunaanuday Cumar Ugaas oo ku hadlayay magaca Jaaliyada Soomaaliyeed ee Ottawa, Cumar Ugaas wuxuu ku nuuxnuuxsaday muhimadda waxbarashada iyo in ay aasaas u tahay hurumarka bulshada.

Ugu dambeeyntii waxaa madashaa sharaf u noqotay in uu yimaado fanaankii Soomaaliyeed ee caanka ahaa madaalihii hobalada Waabari Cumar shooli oo si qiiro weeyn leh uga hadlay midnimada Soomaliyeed, isla goobtiina ka qaaday heeso wadini ah iyo heestii tacliinta baraarujineeysay ee aheeyd “AQOON LA’AANI WAA IFTIIN LA’AAN”.

Gabagabadii waxaa madashaasi lagu cunay casho sharaf eey soo diyaariyeed dumar reer Hiiraan ah oo ay dadweynihii ka soo qaybgalay ay aad u jecleysteen ugana mahadnaqeen.

Ali Haji Mustafa
Hiiraan Online
Ottawa

 

Xafladihii hore ee la soo qabtay
Soomaalida oo $80.000 Ugu Yaboohay Jaamacadda Hiiraan
Soomaalida Minnesota oo $80.000 Ugu Yaboohay Jaamacadda Hiiraan
Hiiraan University (HU) Fundraising Event - Denver, Colorado





 


| Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2005 Hiiraan Online