Dhaqaale gaarayo $100,000 (£60,000) oo ay jaaliyadda Soomaaliyeed ee London ugu deeqeen Jaamacadda Hiiraan

London (UK) – 17/12/05

Waxaa maanta lagu qabtay magaalada London xaflad ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen dadweyne aad u fara badan oo isugu jiray qeybaha bulshada ku nool London iyo nawaaxigeeda. Xafladaas oo deeq loogu aruurinayey Jaamacadda Hiiraan ayaa xaflado la mid lagu soo qabtay magaalooyin badan oo ku yaala waqooyiga Ameerika.

Yusuf Garad - Madaxa laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBCda

Iyadoo xafladu ka dhacday bartamaha magaalada London oo si heer sare ahna loo soo abaabulay ayaa waxaa xiriiriye ka ahaa Dr. Hashim Ducaale, waxaana ugu horeyntii halkaa ka soo jeediyey Aayado Qur’aanka Kariimka ah iyo wacdi ku saabsan sadaqada jaariga ah iyo sida ay diinteenu uga hadashay Xaaji Cali Carab, waxaana markaa hadalkii qaatay madaxa laanta afka soomaaliga ee idaacadda BBC-da Yuusuf Garaad Cumar oo xusay taariikh nololeedkiisii iyo waxbarashadii uu ku soo qaatay gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Buula Burte, wuxuuna sheegay mashruuc sidan u weyn uu soo kordhin karo aqoonta jiilka soo koraaya ka sokow kobcinta nabadda guud ee gobolka, Yuusuf wuxuu kaluu carrabka ku dhiftay warbxintii ugu dambeysay ee Unicef ee waxbarashada Soomaaliya taasoo ku cadeyd in dalku yahay kan ugu hooseeya dhinaca waxbarashada adduunka oo idil. Waxaa ka dibna hadalkii qaatay Dr. Nuur Cadde oo ka tirsan Bisha Cas ee Soomaaliya oo isna ka warbixiyey guud ahaan hay’addu waxa ay ka qabato dalka Soomaaliya iyo gaar ahaan gobolka Hiiraan isagoo aad u faah-faahiyey mashaariicda kala gedisan ee ay ka wado Bisha Cas gobolka iyo degmooyinkiisaba wuxuuna sheegay in ay gacan ku leeyihiin kuna yeelanayaan mashruucan jaamacadda iyo kuwa kaleba.

Waxaa xiriiriyuhu hadalkii markaa uu siiyey Dr. Maxamuud Maxamed Guure oo ka hadlay muhiimadda nabadu u leedahay nolosha bani’aadamka iyo sida la’aanteed aan waxba loo qabsan Karin, wuxuuna ku baraarujiyey reer Hiiraan in ay gacmaha isqabsadaan meelna ay uga soo wada jeestaan sidii ay xididada ugu adkeyn lahaayeen nabadda uguna wada gunta lahaayeen mashaariicda horumarineed.

Wasiiru dawlaha dib u dejinta DFKMG Xildhibaan Ibraahim Xabeeb ayaa isna halkaa ka soo jeediyey hadalo ay u riyaaqeen ka soo qeyb galayaashii xaflada wuxuuna aad ugu celceliyey sida ay uga go’an tahay dadka gobolka in ay wax qabsadaan mashruucanna laga dareemi karo sida ay diyaarka ugu yihiin ka qeyb qaadashadiisa.

Prof. Ibraahim Maxamed Biriq oo wax ka dhigi jiray kulliyadda Jiyolojiyada ee Jaamacaddii Umadda Soomaaliyeed ayaa isaguna ka hadlay waxbarashada aasaasiga tan dhexe iyo midda heerka sareba, wuxuuna xusay fursadii waxbarashadii oo ay heleen jiilalkii hore iyo sida loogu baahan yahay in kuwanna loogu dhiso mustaqbal hagaagsan. Dr.ssa Saciida ayaa iyadana ka hadashay kaalinta haweenka ee waxbarashada iyo iyada oo ku hadleysa magaca hooyooyinka sida ay hooyada ula weyn tahay waxbarashada ubadka.

Intaa ka dib waxaa microfonka lagu soo dhaweeyey Prof. Axmed Muumin Warfa oo ka yimid dalka mareykanka dadkii xafladda joogayna ay aad u sugayeen hadaladiisa. Professorka oo sida in badan oo taqaana ay ogyihiinba wuxuu wax ka dhigi jiray kulliyadii Beeraha ee JUS, waa nin sayntiste ah cilmiga botaanikadana ka dhiga jaamacada Utah ( USA), noocya geeda ah oo jinsiyadooda uu helayna isaga loogu magacdaray, waana nin kaftan badan oo hadal debecsan dadka dhegahoodana aad u soo jiita. Prof. Warfa wuxuu ka warbixiyey sida ay fikradda Jaamacadda Hiiraan ay ku bilaabatay heerarkii ay soo martay iyo xaaladda maanta meesha ay mareyso, wuxuuna aad farta ugu fiiqay sida aqoonta loogu baahan yahay iyo in ay iyadu nabadda saldhig u tahay, Prof. warfa wuxuu hoosta ka xariiqay in jaamacadani laga dhisayo Beledweyne – Hiiraan, balse ay tahay jaamacad soomaaliyeed oo ay wax ku baran doonaan arday soomaaliyeed.

Intaa kadib waxaa la guda galay lacag uruurintii, dabadeedna halkaa ayaa lagu casheeyey, waxaana gebagebadii hadal mahadnaq ah ka soo jeedisay halkaa Avv. Caasha Kiin Faarax Ducaale oo homuud u ahayd guddigii qabanqaabada barnaamijka.

Ugu dambeyntii waxaa xusid mudan in reer London ay ugu deeqeen Jaamacadda Hiiraan lixdan kun oo geniga sterliinka ah oo u dhiganta US$ 100.000.

Maalinta Axadda ah oo ay taariikhdu tahay 18/12/05 waxaa xaflad deeq ururin Jaamacadda Hiiraan lagu qaba doonaa magaalada Birmingham ee dalka UK.

Wixii sawiro ah ee na soo gaara waan idiin soo gudbindoonaa.

Waxaa warbixintaan London nooga soo diray Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon
London, UK
E-mail: [email protected]

Xafladihii hore ee la soo qabtay
OHIO: Jaamacadda Hiiraan oo heshay deeq lacageed oo dhan $16,100
Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalda Ottawa oo ugu deeqday $ 14,000.00 dhismaha Jaamacadda Hiiraan
Somali Community in Toronto raised funds for the establishment of Hiiraan University
Soomaalida Minnesota oo $80.000 Ugu Yaboohay Jaamacadda Hiiraan
Seattle, WA: Dhaqaale $10,000 oo loo aruuriyey Jaamacadda Hiiraan
Hiiraan University (HU) Fundraising Event - Denver, Colorado





 


Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2005 Hiiraan Online