9/9/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 9 , 2024
Xil Ciid: Villa Soomaaliya ayaa ka dambeysa in xildhibaanada laga mamnuuco inay saxaafadda kula hadlaan baarlamanka
 

Isniin, September, 9, 2024 (HOL) - Qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa si adag uga horyimid go’aan dhawaan kasoo baxay guddoonka baarlamaanka, kaasoo xayndaabka baarlamaanka ka mamnuucaya in xildhibaanadu ay ku qabtaan shir jaraa’id ama wareysi saxaafadeed.

Xildhibaan Cabdirisaaq Ciid, oo kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka, ayaa sheegay in go'aankan uu yahay mid lagu caburinayo saxaafadda, isagoo ku eedeeyay in uu yahay tallaabo ay ka dambeyso Madaxtooyada Soomaaliya.

“Waxaa nasoo gaartay in baarlamaanka hortiisa laga mamnuucay in idaacadaha lagula hadlo, suurtagal ma ahan, wax na qabtana ma ahan. Waxaan u hadalnaa dadka cabashada qaba, raalli kama nihin in nala caburiyo,” ayuu yiri Xildhibaan Ciid.

Xildhibaan Ciid ayaa sidoo kale sheegay in Madaxtooyada Soomaaliya ay si toos ah uga dhex milantay baarlamaanka, isaga oo adkeeyay in xildhibaanadu ay xaq u leeyihiin inay u madax bannaanadaan inay la hadlaan warbaahinta oo ay ka hadlaan wixii qaldan.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa arrintaan ka jawaabay isagoo sheegay in xildhibaanada dood ka qaba go'aankaan ay xafiiskiisa ugu yimaadaan, si ay uga wada hadlaan.

Arintaan ayaa keentay muran iyo su'aalo badan oo ku saabsan sida loo xakameynayo xuriyadda warbaahinta iyo ra’yiga xildhibaanada gudaha baarlamaanka.