9/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 9 , 2024
Wasiirrada caafimaadka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo muujiyay cabasho ka dhan ah wasaaradda caafimaadka DFS
 

Isniin, September, 9, 2024 (HOL) - Wasiirada Caafimaadka Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya inay meesha ka saartay wadashaqayntii ay la lahayd dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir

Warqad ay si wada jir ah u soo saareen ayay ku sheegeen inay walaac ka qabaan fashilinta Wasaaraddu ee fulinta mashaariicda horumarinta caafimaadka, gaar ahaan kuwa ku lug leh maalgelinta muhiimka ah iyo wada-shaqeynta hay’adaha caalamiga ah.

Waxay ku eedeeyeen wasaaradda caafimaadka Soomaaliya qodobadan soo socda.

Joojinta wada shaqaynta hay'adaha iskaashiga ee mashaariicda caafimaadka ee gobolada oo dhan.

Luminta helitaanka $25 milyan ee mashruuca Damal caafimaadka ee Bangiga Adduunka.

Fadhiidnimada $48 milyan ee mashruuca COVID-19 ee la qorsheeyay inuu dhaco Oktoobar 2025.

Dib u dhaca ku yimid fulinta mashruuca sanduuqa caalamiga ah iyo adeegyada caafimaadka bulshada.

Ka saarida Dawladaha xubinta ka ah Federaalka hababka go'aan gaarista muhiimka ah ee siyaasadda caafimaadka.

Agabkii iyo Daawadii tooska ugaari jiray Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir ayaa amar lagu hor istaagay laguna qasbay hay'adaha in ay ku wareejiyaan Wasaaradda Federaalka aysana toos ugu gudbi Karin dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Wasaaradda Caafimaadka oo bilaawday nidaam cusub oo ah inay fuliyaan adeeg bixinta laga bilaabo degmo ilaa tuulo.

Mashruuca GAVI ee Talaalka Caruurta iyo Hooyooyinka soomaaliyeed oo la daahiyey.

Wasiirada caafimaadka ayaa ku baaqay in arrimahan laga gaaro xal degdeg ah si looga fogaado in ay sii xumaato adeeg bixinta.

Ugu dambayn wasiirrada caafimaadka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaaadir waxay madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir u sheegeen  in cabashadaani tahay mid kusalaysan xaqiiq dhab ah ayna yeelatay saameyn lasoo dhaafay, mid taagan iyo mid soo socota intaba, dhowr jeerna ay si rasmi ah ugu gudbiyeen madaxda iyo maamulka Wasaaradda Caafimaadka Federaalka, ayna u baahantahay xal deg deg ah oo waara.