9/9/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 8 , 2024
Golaha Wakiilada Somaliland oo markale diiday dacwada Xildhibaan Maxamed Abiib, iyo cambaaraynta xadhigiisa oo sii kordhaysa
 

Axad, September, 8, 2024 (HOL) - Golaha Wakiilada Somaliland ayaa markale cod aqlabiyad ah ku diiday eedaha loo haysto Xildhibaan Maxamed Abiib, sidookale, cambaaraynta ka dhan ka ah xadhigiisa ayaa sii kordhaysa.

Golaha Wakiillada ayaa fadhi ay maanta yeesheen markii labaad diiday, dacwado ka dhan ah xildhibaanka, iyaga oo diiday waraaq xeer ilaalinta uga timid oo golaha lagaga codsanayay in uu ansxiyo sheegashada xeer ilaalinta ee ah in la qabtay isaga oo danbi faraha kula jira, 43 kamid ah 47 xildhibaan oo golaha fadhiyay ayaa diiday.

Badiba xildhibaanada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa xadhiga Xildhibaan Abiib ku tilmaamay mid sharci daro ah, iyada oo Guddoomiyaha Ururka Kaah Maxamuud Xaashi Cabdi, iyo siyaasiyiin kale loo diiday in ay arkaan xildhibaanka oo ku xidhan jeelka Madheera.

"In aanu sharci jirin uunbaa caddaatay, Maxamed-na uu ku xidhanyahay afduub iyo qafaalasho, golaha wakiilada waanu ku boggaadinaynaa, Maxamed waxa la buriyay dhamaan eedihii loo haystay, Maxamed waa bari" Guddoomiye Xaashi, ayaa sida yidhi kadib markii loo diiday in uu arko xildhibaanka.

Dhinaca kale, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland Cabdiraxmaan Hayaan, ayaa diiday waraaq uu golaha wakiiladu kaga dalbaday in uu golaha hor yimaado si wax looga waydiiyo xadhiga xildhibaanka, taasi oo uu shir-guddoonka goluhu sharci daro ku tilmaamay.