9/9/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 6 , 2024
Madaxweyne Biixi oo sheegay in uu hirgalayo heshiiska Somaliland iyo Itoobiya
 

Jimco, September, 6, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in cadaadis kasta oo jira uu hirgalayo heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.

Madaxweynaha oo boqollaal qof kula hadlayay magaalada Tog-wajaale, ayaa sheegay in heshiisku uu hirgalayo inkasta oo ay jiraan cadaadisyo.

"MoU-gu wuu hirgalayaa, waa hubaal, wixii xag xaganayaana ha xag xagtaan, qolada Xamar maanta ee ciidanka Masaarida keentay waxan leeyahay laba hal isma qabtaan, Soomaali ayaanu midaynaynaa oo Xabashi ayaanu la dagaalamayna iyo Masar ayaan keenayaa oo Somaliland ayaan burburinayaa" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Waxa uu sheegay in uu ka shaqaynayo danta Somaliland, oo anay noqon doonin meel ay Masar danaheeda ku fushato, isaga oo sheegay in Itoobiya anay colaysan karin Somaliland oo jaarkeeda ah oo anay la heshiin karin Masar.

Waxa uu sheegay in dad Soomaali ah oo kasoo jeeda Kenya iyo Itoobiya ay kasoo horjeedaan heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, waxa uu sheegay in loo baahanyahay in ay ku imaan qabaan waddamada ay ka tirsanyihiin.

Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ayaa colaad ka dhex abuuray Soomaaliya iyo Itoobiya, iyada oo Itoobiya ay markale ka cadhootay ciidamada Masaarida ee la rajaynayo in ay Soomaaliya yimaadaan.