9/9/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 5 , 2024
Jabuuti oo Itoobiya ka sugaysa inay aqbasho hannaan lagu xallin karo xiisadda Soomaaliya
 

Khamiis, September, 5, 2024 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti Mahamoud Ali Youssouf ayaa shaaca ka qaaday mar uu ka hadlayay shir madaxeedka Shiinaha iyo Afrika  in madaxda Itoobiya, ay ka filayaan jawaab wanaagsan oo ku aaddan in ay aqbalaan dalab lagu xallin karo xiisadda kala dhaxaysa Soomaaliya.

Toddobaadkii hore, wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti  ayaa caddeeyey in Djibouti ay doonayso inay Itoobiya 100% maamusho dekedda Tadjoura ee xeebta Jabuuti.

Sida ay ku warrantay Bloomberg, dalabka Jabuuti waa qayb ka mid ah dadaalka ay ugu jirto inay wax ka qabato caqabado dhowr ah oo ka jira gobolka Bariga Afrika.

"Waxaan ku jirnaa duufaanta, waxaana isku dayeynaa inaan ku dadaalno sidii aan u caawin lahayn dalalka sida Suudaan oo kale ah iyo sidoo kale inaan isku dayno inaan dhimno xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti.

Marka laga soo tago khilaafka u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, Jabuuti ayaa isku dayaysa in ay qaboojiso xiisadda ka taagan Suudaan, halkaasoo dagaallo sokeeye ay ka socdeen muddo sannad ka badan, iyadoo dhinaca kalana la tacaalaysa cawaaqib xumada ka dhalan karta weerarrada ay Iiraan ku qaaddo maraakiib ganacsi ee mara badda cas, iyadoo taageerta Xuutiyiinta Yemen.