9/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 4 , 2024
Serbia oo Soomaaliya u tababari doonta duuliyayaal cusub oo dalku yeesho
 

Arbaco, September, 4, 2024 (HOL) - Safiirka Soomaaliya ee Seerbiya, Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa booqday Dugsiga Tijaabada Duulimaadka ee Linx ee magaalada Belgrade, isagoo kala hadlay sidii dhalinyarada Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen tababaro.

Kulan uu la qaatay Captain Mladen Petković, oo ah milkiilaha iyo madaxa Dugsiga Duulimaadka ee Linx ATO, ayay ku gaaren heshiis ku saabsan sidii ardayda Soomaaliyeed loo siin lahaa tabobar tijaabo ah oo aragti iyo mid dhab ah.

Sida ay sheegtay safaaraddda. Tababarka ayaa ka dhici doona garoomada diyaaradaha ee Lisičji Jarak iyo Nikola Tesla, iyadoo la adeegsan doono 10 diyaaradood.

Sida la sheegay, tababarada la bixindoono ayaa  si buuxda ula jaanqaadidoona heerarka Hay'adda Badbaadada Duulimaadyada Yurub, si ardayda Soomaaliyeed ee kasoo baxda dugsigan ay u helaan shahaadooyin caalami ah oo la aqoonsan yahay.

Captain Petković waxa uu carrabka ku adkeeyay heerarka sare ee tababarka, isaga oo intaa ku daray in fasallada shatiga duulista ee duulista hawada (ATPL) lagu dhammayn karo lix bilood gudahood xaaladaha caadiga ah.

“Serbia waxay siin doontaa fursad gaar ah dhalinyarada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Danjire Axmed. "Iskaashigan wuxuu sugi doonaa mustaqbal ifaya oo dhalinyaro badan, wuxuuna wax badan ka tari doonaa horumarinta waaxda duulista hawada Soomaaliya."

Waaxda duulista ee Soomaaliya, ayaa halgan ugu jirta sidii loo heli lahaa xirfadlayaal tababaran oo joogto ah tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 30 sano ka hor.