9/9/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 4 , 2024
Minnesota : Shir Sannadeedka 21aad ee IANA oo Dhiirigelinaya Midnimada, xasilinta qoyska, iyo ilaanta diinta iyo dhaqanka

Arbaco, September, 4, 2024 (HOL) - Kulankii 21aad ee Jamciyada Islamka ee Waqooyiga Ameerika (Islamic Association of North America IANA) ayaa lagu qabtay magaalada Minnespolis Sebteembar 1deedii 2024. Kulankaan waxaa lagu soo bandhigay barnaamijyo loogu talo galay da’yarta iyo dadka waawayn, tababaro loo sameeyay hogaanka dhallinyarada, imaamyada, iyo maamulayaasha masaajida, oo ay  soo jeediyeen khubaro aqoon u leh mawaadiicda loo igmaday iyo culumo waawayn oo dunida aad looga yaqaano.  Sidoo kale, waxaa shahaadooyiin la gudoonsiiyay arday ka qalin jabisay quraanka iyo machaahida ka tirsan IANA are ku yaala gobalka Minnesota.

Jamciyada Muslimiinta ee Waqooyiga Ameerika waxaa ku midoobay ku dhawaad Afartan Masjid iyo markaz oo ku yaala dhamaan dalka Maraykanka.

Sh. Maxamed Mursal oo ah Gudoomiyaha golaha shuurada oo furay mu’tamarka ayaa ku nuuxnuuxsaday muhimada ay leedahay in Muslimiinta, gaar ahaan Soomaalida ay ilaashadaan diintooda, iyo dhaqankooda iyaga oo xooga saaraya barasahda diinta Islaamka. Sh Maxamed Mursal ayaa goobta ka sheegay “Waa in aan ilmaheena barnaa diintooda, ilaalinaa dhaqankooda iyo luqadooda si aan u badbaadino mustaqbalkooda.” Sheilka ayaa intaa ku daray in IANA ay mar walbo garab taagan tahay qoysaska Soomaalida ah ee la daalaadhacaya dhibaatooyinka faraha badan ee ay wajahayaan caruurtooda sida daroogada, aqoon yarida, xanuunada maskaxda, guryo la’aanta IWM.

Halkudhaga kulan-diimeedka ayaa ahaa “wax cadaynta xilliga jahwareerka” oo looga gol lahaa in Muslimiinta loo cadeeyo waxa ay samayn lahaayeen xili ay jiraan jahwareer badan. Waaka Sh. Yussuf Abdulle oo ah agaasimaha guud ee IANA oo ka hadlaya sababta ay u doorteen halkudhagaan. “Maadaama wareer badan uu ka jiro dhinacya badan oo khuseeya jaaliyada sida burburka qoysaska oo sii badanaya, dayaca caruurta, waxbarashada oo culays badan uu ka jiro, xilliga doorashooyinka oo wareer badan uu ka jiro, iyo arrimo kale oo falanqayn u baahan waxaa muhiim noqotay in arrimahaas si fiican loo iftiimiyo si wareerkaas looga boxo ama loo yareeyo.”

Kulankaan waxaa lagu soo gudbiyay muxaadarooyiin ku baxay luqadaha ingisriiska iyo Soomaaliga kuwaas oo loogu talo galay da’yarta iyo dadka waayayn. Mawaadiicdaan waxaa ka mid ahaa, doorashooyinka dalka maraykanka ka socda iyo sida ay muslimiintu danohooda ugu istaagi lahaayeen, dhibaatada waxbarashada ka haysata qoysaska Soomaaliyeed, xaqiiqda maalinta Qiyaamo, Xanuunka iyo caafimaadka dhimirka, ilaanta shakhsiyada qofka, guurka iyo badbaadinta wadajirka qoyska,ka feejignaanta dhaqamada xunxun iyo ilaalinta qiyamka akhlaaqeed ee qoyska iyo qofka muslimka ah, iyo canaawiin kale oo muhiim ah.

Dadkii ka soo qayb galay mu’tamarka ayaa ku amaanay kulan-diimeedka sida loo soo agaasimay iyo kala duwanaashaha mawaadiicda laga hadlay. Fadumo Hassan oo 25 jir ayaa cabirtay dareenkeeda. “Waxaan aad ooga helay hanaanka barnaamijyada loo sameeyay, run ahaantii aad ayaan ooga faa’idaystay”. Faadumo ayaa intaa ku dartay in ay aad u jeclaysatay in caruurta loo sameeyay meel lagu hayo oo amaan ah inta ay dadka waawayn muxaadarooyiinka dhagaysanayaan.

Sidaa si la mid ah waxaan la hadalnay Mahad Faarax oo yimi dalka Maraykanka 2004, waxaa uu inoo sheegay in sadex ciyaal ah oo uu dhalay maanta shahaadada qalin jabinta la gudoonsiiyay. Waxaa uu intaa raaciyay “Waxaan aad oogu mahad celinayaa cumulada Soomaaliyeed oo marwalbo u taagan ilaalinta diinta iyo jiritaanka umada Soomaaliyeed.”

Culamadii meesha ka khudbaystay ee luqada Ingiriiska waxaa ka ka mid ahaa Amir Muhadith, Sh. Okasha Kameny, Sh. Mufti Muneer, Sh. Abdulbary Yahya, Ustada Kaltun Karani, iyo kuwo kale oo badan. Dhanka Soomaaliga culumadii ka hadashay waxaa ka mid ahaa Sh. Abdirahman Sh. Omar, Sh. Abdirahman Bashir, Sh Abdirizak Hashi, Sh. Abdullahi Nur (Abul Fadli),  sh Cabdullahi Ibrahim, iyo culumaa’udiin kale oo fara badan oo mug iyo miizaanba ku leh dacwada.

Sh. Yussuf ayaa kulanka ku tilmaamay in uu guulaystay dadkii ka soo qayb galayna ay aad ooga faa’idaysteen. “Si fiican ayuu u guulaaystay sida aan ku helayno falcelinta ka qayb galayaasha. Si mug leh ayaa looga soo qayb galay, mawaadiic xiiso leh oo laga jeediyay, iyo sida looga qayb qaatay.”

By Abdirizak M. Diis

Minneapolis MN