9/9/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 4 , 2024
Xukuumada Somaliland oo sheegtay in maxkamad la saarayo Xildhibaan Maxamed Abiib
 

Arbaco, September, 4, 2024 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf uu ku kacay falal qaran-dumisnimo ah, maxkamadna la horgayn doono.

Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Guddaha Cabdillaahi Xuseen Maxamed ayaa sheegay dacwada Maxamed Abiib ay Golaha Wakiilada dhex taalay muddo badan, isla markaana golaha laga waayay jawaab celin, taasina ay keentay in talaabo la qaado.

"Dibada ayuu u dhoofay waxa uu la kulmay masuuliyiin Somalilland duminteeda ka shaqaynaya, laamaha amniga waxaa qasab ku noqotay mar hadii baarlamaanku isagu shaqadiisii qabsanwaayay, in ay talaabo sharciya ka qaadaan" ayuu yidhi Wasiir Maxamed.

Waxa uu sheegay in xildhibaanka aan lagu xidhin in uu yahay mucaarad, in uu SNM duray, qabiilnimo iyo wixii la mid ah, ee loo haysto eedo qaran-dumisnimo ah, eedahaas oo caddaymo buuxda loo hayo, maxkamadana loo gudbin doono.

Waxa uu eedeeyay xildhibaano kale oo aanu magac dhabin kuwaasi oo uu sheegay in ay Abiib kala shaqaynayeen falal lagu duminayo Somaliland, kuwaasi oo caddayn loo hayo  oo dhawaan maxkamad la horgayn doono.

Xildhibaanka ayaa ku xidhan xabsiga Madheera ee gobolka Saaxil, iyada oo la filayo in maxkamad la horgeeyo, siyaasiyiinta mucaaradka ayaa aad uga soo horjeedsaday xadhigiisa.