9/9/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 4 , 2024
Beesha caalamka oo ugu baaqday Soomaaaliya in la joojiyo dilka carruurta iyo dhalinyarada lagu helo dambiyada Shabaab
 

Arbaco, September, 4, 2024 (HOL) - War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Carruurta iyo Colaadaha Hubeysan iyo Guddiga Xuquuqda Carruurta ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay Soomaaliya in ay joojiso xukunka dilka ah ee lagu ridayo carruurta iyo dhallinyarada lagu helo dambiyada. da'doodu ka yar tahay 18 jir.

Baaqaan ayaa daba socda xukun dil ah oo afar dhalinyaro ah oo qeyb ka ahaa toban xubnood oo katirsanaa kooxda Alshabaab, kuwaas oo August 17, 2024 lagu qisaasay magaalada Gaalkacyo.

Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa walaac xooggan ka muujiyay xukunka dilka ah, iyagoo ku nuux-nuux saday inay ka hor imaanayaan dhowr xeerar oo caalami ah iyo kuwa heer qaran ah.

Axdiga Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Carruurta (CRC), oo ay Soomaaliya ansixisay 2015, waxay sheegtay Qaramada Midoobay inuu si cad u mamnuucayo ciqaabta dilka ah ee carruurta aan qaan gaarin sida uu dhigayo qodobka 37(a).

Khubarada Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in carruurta lala xiriiriyo kooxaha hubeysan, oo ay ku jiraan kuwa lagu tilmaamay ururrada argagixisada, ay tahay in marka hore loo tixgeliyo dhibanayaal halkii dambiilayaal laga dhigi lahaa. Waxay ku booriyeen Puntland iyo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya in ay joojiyaan dacwadaha ka dhanka ah carruurta aan qaan-gaarin ee maxkamadaha ciidamada iyo in la xaqiijiyo ku dhaqanka sharciga caddaaladda carruurta Puntland iyo waajibaadka ballaaran ee ilaalinta carruurta Soomaaliyeed.

Bayaanka ayaa sidoo kale ku baaqaya in si deg deg ah loo sii daayo dhammaan carruurta xabsiga lagu hayo, iyadoo lagu taliyay in loo wareejiyo Qaramada Midoobay si loo taageero dib u midoobidda.

Intaa waxaa dheer, saraakiisha Qaramada Midoobay waxay ku dhiirigeliyeen Puntland inay wax ka beddesho sharciga la dagaalanka argigixisada ee Puntland si loo waafajiyo qeexida da'da iyo sharciga cadaaladda carruurta Puntland.