9/9/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 4 , 2024
Puntland: Masar waxay doonaysaa inay Soomaaliya ka dhigato meel ay ku difaacato danaheeda Niilka
 

Arbaco, September, 4, 2024 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa sheegay, dowladda Masar inay danaheeda gaar ah ka leedahay faragelinta arrimaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay fursad weyn u aragto in ay danaheeda ku difaacdo Wabiga Niil.

“Masar way na dhex martay, dabcan danteeda ayay leedahay, wabiga Niilkeeda ayay u dagaalamaysaa, Itoobiyana biyaha hoostooda ayay iska dhex arkeen, laakiin waxay rabtaa inay xaabo naga dhigato” ayuu yiri Wasiir Juxa.

Wasiir Juxa ayaa sheegay in Masar aysan taariikh wanaagsan ku lahayn dhismaha dowladnimada Soomaaliya. Waxa uu sheegay in xiligii ay baadi goobka ugu jireen dowladda Soomaaliya in Masar ay ka mid aheyd dalalkii xagal daacin jiray wada hadallada nabadeed ee Soomaaliya. Wuxuu sheegay inay la safan jirtay qabqablayaasha dagaalka.

Wuxuu sheegay qorshaheeda gaarka ah ee Masar inuu ku weyn yahay ujeeddada ay doonayso inay ku caawiso Soomaaliya. Wuxuu sheegay imaanshaheeda Soomaaliya inuu keeni karo khatar aad u wayn.

Si kastaba ha ahaatee, Masar ayaa ka mid ah dalalkii ballanqaaday inay ciidammo u soo dirayaan Soomaaliya, si ay qayb uga noqdaan howlgalka cusub ee nabad ilaalinta ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa heshiis iskaashi dhanka difaaca ah la saxiixday Masar, iyadoo Itoobiya ay walaac weyn ka muujisay arrintan. Itoobiya ayaa imaanshaha Masar ee Soomaaliya ku tilmaantay mid khatar weyn ku ah xasilloonida Geeska Afrika.