9/9/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 3 , 2024
Golaha Wakiilada Somaliland oo laalay dacwada xil ka qaadista Xildhibaan Maxamed Abiib
 

Talaado, September, 3, 2024 (HOL) - Golaha Wakiilada Somaliland ayaa laalay dacwadii xil ka qaadista ee ka dhanka ahayd Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf.

Kulan aan caadi ahayn oo uu saaka goluhu yeeshay, ayuu ku diiday xil ka qaadista xildhibaanka, 51 mudane ayaa kasoo horjeedsaday dacwada, waxa ogolaaday 3 mudane, 2 mudane ayaana ka aamusay. Tirada guud ee xildhibaanada soo xaadiray ayaa ahaa 56.

Ka hor intii aan gacanta loo qaadin, waxa golaha laga hor akhriyay dacwadaha ka dhan ka ah xildhibaanka ee ay xeer ilaalintu soo qortay, waxaana ugu waynaa in uu caadaystay in uu ka hor yimaado waxkasta oo Somaliland u dan ah, iyo dad kicin.

Kulanka golaha ee saaka ayaa waxa soo dadajiyay xadhiga xildhibaanka, oo shalay laga qabtay madaarka Cigaal ee Hargaysa, kadib safar uu kaga soo laabtay Imaaraatka Carabta, isaga oo markiiba loo qaaday xabsiga Madheera ee gobolka Saaxil.

Koox hubaysan oo kasoo horjeeda xadhiga xildhibaanka ayaa saaka la sheegay in ay xidheen waddada u dhaxaysa Gabilay iyo Borama, kadibna waxa ku baxay ciidan ka yimid saldhiga galbeedka ee millateriga Somaliland ee Goroyo-cawl, sidookale qaybo kamid ah suuqyada Borama ayaa xidhnaa saaka.

Mucaaradka, shir-guddoonka golaha Wakiilada iyo xildhibaannada golaha wakiilada ayaa cambaareeyay xadhiga xildhibaanka, oo ay ku sheegeen dastuur jabin.