9/9/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 3 , 2024
Dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo khuseeya labada dalka
 

Talaado, September, 3, 2024 (HOL) - Wasiiradda Gaashaandhiga dalalka Turkiga iyo Soomaaliya ayaa kulan la xariiray xoojinta iskaashiga iyo difaaca amniga labada ku wada yeeshay magaalada Ankara ee dalkaasi Turkiga.

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa dhiggiisa dalka Turkiga Yaşar Güler la wadaagay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan dhinaca amniga iyo howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

"Waxaan maanta xrunta Wasaaradda Gaashaandhiga Türkiye kulan miro dhal ah kula yeeshay dhiggeyga Mudane Yasar Güler iyo Wasiirka Tamarta & Kheyraadka Dabiiciga, Mudane Alparslan Bayraktar. Waxaan ka wada hadalney horumarinta arimaha Difaaca iyo horumarinta dhaqaalaha ee labada dal ee walaalaha ah ee Türkiye iyo Soomaaliya" ayu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga Yaşar Güler ayaa sheegay dhankiisa in dowladda Turikiga diyaar u tahay dardargelinta heshiiska labada dal ay horay u wada galeen, islamarkaana  Xukuumadda Ankara ay fulineyso balan qaadayadii waxyaabihii ay ku heshiiyeen Soomaaliya.

Ugu dambeyntii dalka Turkiga ayaa Soomaaliya ka garabsiiya dhinacyada amniga, dhaqaalaha, tababarka iyo qalabaynta ciidanka, Caafmaadka, Waxbarashada iyo waxyaabo kale tan iyo wixii ka dambeeyay sanadkii 2011-kii oo uu si rasmi ah u soo bilawday xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dowladooda.