10/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 29, 2024
Somaliland: Kooxda Xidagaha Geeska oo soo saaray silsilad heeso ah oo ay ku mucaaradayaan xukuumada
 

Axad, September, 29, 2024 (HOL) - Guddaha Somaliland waxa baraha bulshada qabsaday silsilad heeso ah oo ay Kooxda Xidigaha Geeska oo kamid ah kooxaha ugu caansan fanka Soomaalidu ay ku mucaaridiyaan xukuumada xisbiga Kulmiye, xili uu sii xoogaysanayo ollolaha doorashooyinka Somaliland.

Kooxda oo aad uga dhex muuqatay ollolihii doorashooyinkii hore ee Somaliland, isla markaana qayb wayn ka qaadatay in uu xisbiga Kulmiye talada ku guulaysto 2017, ayaa u digo rogatay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, iyaga oo baahinaya heeso isdaba jooga ah oo xukuumada lagu dhaliilayo.

Heesaha mucaaradada ah ee Xidigaha Geeska, ayaa u badan qaar wax lagaga tilmaamayo guuldaradii xukuumada kasoo gaadhay dagaalkii Laascaanood, iyo dhulka ay lumisay, sidookale waxay ku eedaynayaan madaxweynaha in uu kala qaybiyay shacabka Somaliland.

"Doorkii horaan siganay oon sahan la'aan guurnay, maantana ku soconmayno, Somaliland baa leh, sawtaanu kuu dhiibnay qaran saanad iyo xoog leh, oo suga xuduudiisa, Somaliland oo dhan dadku samo ku naaloodo, nabad iyo midnimo suuban" ayay kooxdu ku tidhi mid kamid ah heesaha ugu caansan ee dhawaan soo baxay.

Fanka ayaa guud ahaan qayb muhiim ah ka ah siyaasada Somaliland iyo ollolaha doorashooyinka, isla markaana dadka siyaasada falanqeeya ayaa sheegay in dagaalka ay kooxdu kula jirto xisbiga Kulmiye uu dhabar jab wayn ku yahay ollolihiisa. Heesahan ayaa ka shidan baabuurta iyo goobaha dadku ku nastaan.

Lama oga sababta dhabta ah ee keentay in kooxdu ay  si adag u mucaarado xukuumada, lakiin waxa mar sii horaysay warbaahinta lagu baahiyay in laga jaray lacago boqollaal kun oo dollar ahaa, oo ugu jiray miisaaniyada xukuumada.

Bulshada ayaa aad ugu sheekaysanaysa saamaynta ay reebeen heesani iyada oo mucaadadkuna ay soo dhaweeyeen, muxaafadkuna ay ka xumaadeen, lakiin kooxda ayaa muujisay saamaynta uu fanku ku leeyahay arrimaha bulshada iyo siyaasada.

"Heestan hadda iyo tii hore ee Xamar ku saabsanayd markaad si shishe u eegto waxaa kuu muuqanaysa suugaanta Soomaalida saamaynteedii in ay weli joogto" Abwaan Yuusuf Shaacir oo ka falceliyay saamaynta ay yeesheen heesaha Xidigaha Geeska, ayaa qoraalkan bogiisa Facebook ku daabacay.