9/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 28, 2024
Hoggaamiyaha ururka Xisbullah Xasan Nasrallah oo lagu dilay duqeyn ka dhacday dalka Lubnaan


Israel said it killed Hezbollah leader Hassan Nasrallah in an airstrike on Beirut

Sabti, September, 28, 2024 (HOL) - Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa xaqiijiyay in hogaamiyahooda Xasan Nasrallah lagu dilay duqeyn Israa’iil ay habeenkii Jimacaha ka fulisay dalka Lubnaan.

Ciidamada ayaa sheegay in ay "bartilmaameedsadeen" xarumaha ururka Xisbullah, ee ku yaalla "meel dhulka hoostiisa oo laga hoos dhisay dhismo deegaan ah oo ku yaalla aagga Dahieh ee magaalada Beirut.

"Sayid Xasan Nasrallah, Xoghayaha Guud ee Ururka Xisbullah, wuxuu ku biiray saaxiibadiisa weynaa ee shahiiday, ee uu hoggaaminayay muddo ku dhow 30 sano," ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen kooxda ay taageerto Iran.

"Waxaan rajeyneynaa in tani ay wax ka beddesho ficillada Xisbullah," Gaashaanle Dhexe Nadav Shoshani ayaa u sheegay suxufiyiinta ka dib markii IDF ay sheegtay inay dishay Nasrallah.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Xisbullah ay wacad ku martay inay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah Israa’iil iyo taageerada ay siiso Falastiin.

Dowladda Israa’iil ayaa dhanka kale sheegtay in ay heegan sare ku jirto kadib dilka Nasrallah.