9/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 27, 2024
Puntland oo qabatay mid kamid ah raggii qafaashay markabkii MV Cabdalla
 

Jimco, September, 27, 2024 (HOL) - Ciidanka Booliiska Puntland ee degmada Eyl ayaa qabtay Cabdiqani Dayib Awnuur (Soolle), oo la sheegay inuu kamid ahaa burcad badeedii qabsaday markabkii MV Abdalla ee laga lahaa dalka Bangaladesh.

Qabashada eedeysnaha ayaa ka dhacday xeebaha degmada Eyl iyo deegaanada ku xeeran, halkaas oo uu ku dhuumaalaysanayay sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay ciidanka booliiska.

Ciidanku waxay sheegeen inay la socdeen xogta eedaysane Cabdiqani, taasoo fududaysay hawlgalka qabashadiisa. Si kastaba ha ahaatee, waa eedaysanihii saddexaad ee loo qabto kamid ahaanshaha burcad badeedii markabkaas qafaalatay.

Markabka MV Abdalla oo la afduubay 12-kii March 2024, ayaa la sii daayay 13-kii April, kadib markii laga qaatay madax furasho gaaraysa 5 million oo doolar.

Puntland ayaa sheegtay inay ku howlan tahay dagaal adag oo ay kula jirto kooxaha burcad badeedka ah, kuwaas oo ay sheegtay inay dhibaato ku hayaan dadka iyo badwabka deegaanka.