10/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 27, 2024
Quburada ammaanka oo ka digaya xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya inay fursad siiso Alshabaab
 

Jimco, September, 27, 2024 (HOL) - Khubarada ammaanka  ayaa ka digaya in xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya ay halis ku tahay xasiloonida gobolka Geeska Afrika, islamarkaasna ay fursad u abuurayso  Al Shabaab.

“Soomaaliya, oo ah dal markii horeba hubku ku badnaa, waxaa hadda laga dareemayaa in hub badan la soo dejinayo iyada oo ay taagan tahay xiisado. "Marka la eego kalsooni-darrada baahsan iyo xakamaynta daciifka ah, tani waa arrin welwel leh," ayuu yiri Omar Mahmood, oo ka socda Kooxda Xasaradaha Caalamiga ah.

Soomaaliya ayaa sidoo kale ku hanjabtay inay dalka ka saari doonto ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ka dhanka ah Al Shabaab tan iyo sanadkii 2012-dii.

Si kastaba ha ahaatee, saamaynta amni ee ka dhalan karta bixitaanka ciidamada Itoobiya ayaa walaac ku abuurtay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ah gobolka ugu daran ee ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.