9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 24, 2024
Masar oo ka hadashay ujeeddada hubka ay kasoo dajisay magaalada Muqdisho
 

Talaado, September, 24, 2024 (HOL) - Dowladda Masar ayaa ka hadashay hub ay kasoo dajisay magaalada Muqdisho oo ay ugu talo gashay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda Masar ayaa lagu sheegay in shixnadan hubka ah ay Masar ugu talo gashay si ay u taageerto una dhisto awoodda ciidamada Soomaaliya.

"Shixnaddu waxay dib u xaqiijinaysaa doorka dhexe ee Masar ee joogtada ah ee taageerada dadaallada Soomaaliya si loo horumariyo awoodaha qaran ee lagama maarmaanka u ah si loo fuliyo rabitaanka dadka Soomaaliyeed ee amniga, xasilloonida, iyo horumarka," ayay wasaaraddu ku tiri qoraalkeeda.

Xiriirka Masar iyo Soomaaliya ayaa sanadkan sare u kacay ka dib markii ay is-aamin waayeen Itoobiya, taas oo keentay in Qaahira ay diyaarado badan oo hub ah u soo dirto magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ka dib markii ay wadamadu saxeexeen heshiis amni oo wadajir ah bishii August.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay taageerada militari ee Masar in ay hoosta ka xariiqayso xoojinta xiriirka difaaca ee Soomaaliya iyo Masar. Wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in ay Masar ka heleen shixnadaha hubka casriga ah ee ugu ballaaran ee ay Soomaaliya ka hesho xulafadeeda caalamiga ah, wuxuuna sheegay inay calaamad u tahay tallaabo dheeraad ah oo lagu xoojinayo saameynta Soomaaliya ee  caalamka.

Bishii Agoosto, Masar iyo Soomaaliya waxay kala saxiixdeen heshiiska difaaca iyo hab-maamuuska iskaashiga milateriga, xilli uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud booqasho ku tagay Qaahira. Heshiisku wuxuu dib u xaqiijinayaa sida ay uga go'an tahay labada dal xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo xoojinta amniga gobolka.