9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 23, 2024
Puntland oo sheegtay inay xaq uleedahay inay hub soo iibsato
 

Isniin, September, 23, 2024 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay, in Puntland ay xaq u leedahay inay keensato hub si ay isugu difaacdo cadowgeeda. Si kastaba ha ahaatee, wasiirku ma caddayn in Puntland ay ka heshay hub ka yimid Itoobiya.

Wasiir Dirir ayaa tilmaamay Puntland in aysan helin taageero milatari oo kaga timaadda dowladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Puntland keligood ay la dagaalameyso kooxo cadow ah oo ku xeeran.

Dhinaca kale, wasiirka warfaafinta ayaa ka hadlay hubka dowladda Soomaaliya ugasoo dagay Muqdisho. Waxa uu sheegay in aysan kasoo horjeedin in Soomaaliya  ay hesho hubso, balse wuxuu sheegay inay ka digayaan in hubkaas uu gacanta u galo qabaa’ilada Soomaaliyeed oo isku layn kara.

Maalmo kahor ayay ahayd markii labo waaraad oo siday hub ay si nabad ku yimaadeen magaalada Gaalkacyo, sida ay HOL u xaqoojiyeen llo wareed dhinaca amniga ah oo diiday in magacooda la xuso.

Hubkaan ayaa Puntland uga yimid dhinaca Ethiopia, wuxuuna ka badbaaday markii ciidamo maleshiyo beeleed ah ay isku dayeen inay jidka u galaan hubkaas. Ciidamo Puntland ah oo ka tagay gobolka Mudug ayaa si ammaan ah kusoo galbiyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa cambaaraysay hubkan, waxayna Ethiopia ku eedeysay inay ka shaqeynayso xasilooni darrada Soomaaliya, islamarkaasna ay hub isugu dhiibayso dadka Soomaaliyeed.