9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 23, 2024
Dowladda Soomaaliya oo xaqiijiysay inay Masar ka heshay shixnadaha hubka casriga ah
 

Isniin, September, 23, 2024 (HOL) - Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ku nuux nuuxsaday in Soomaaliya ay si madax banaan u go’aamin doonto xulafadeeda gudaha iyo dibadda, maaddaama ay si fiican u garaneyso danaheeda gaarka ah.

Hadalkan ayuu wasiirku ka sheegay mar uu dalka soo gaaray markab xamuul ah oo siday gargaar milateri oo aad u badan oo ka yimid dowladda Masar.

“Waan garanaynaa dantayada, waxaanan kala dooran doonnaa xulafadayada iyo cadawgeenna. Mahadsanid Masar,” ayuu yiri Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada ciidanku ay hoosta ka xariiqayso xoojinta xiriirka difaaca ee Soomaaliya iyo Masar. 

Waxa uu sheegay in ay Masar ka heleen shixnadaha hubka casriga ah ee ugu ballaaran ee ay Soomaaliya ka hesho xulafadeeda caalamiga ah, wuxuuna sheegay inay  calaamad u tahay tallaabo dheeraad ah oo lagu xoojinayo saameynta sii kordheysa ee Soomaaliya ay ku leedahay masraxa caalamka.

Bishii Agoosto, Masar iyo Soomaaliya waxay kala saxiixdeen heshiiska difaaca iyo hab-maamuuska iskaashiga milateriga, xilli uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud booqasho ku tagay Qaahira. 

Heshiisku wuxuu dib u xaqiijinayaa sida ay uga go'an tahay labada dal xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo xoojinta amniga gobolka.

Sida uu sheegay Axmed Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, heshiiskan gaashaandhigga ayaa qaabeyn doona istaraatiijiyadda dalka ee dagaalka lagula jiro argagixisada.