9/9/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 2 , 2024
Mucaaradka Somaliland oo cambaareeyay xadhiga Xildhibaan Maxamed Abiib
 

Isniin, September, 2, 2024 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo ururka Kaah, ayaa si adag u cambaareeyay xadhiga ay xukuumadu u gaysatay Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf.

Musharaha Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa xadhiga Xildhibaan Maxamed Abiib ku tilmaamay dastuur jabin iyo ku tumasho sharci, isaga oo ku baaqay in si dhakhso ah loo sii daayo.

"Maxamed Abiib waa xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada, dastuurka ayaa siiyay xasaanad, Muuse kama qaadi karo xil, xeer ilaaliyaha guud kama qaadi karo, guddoomiyaha maxkamada sare-na kama qaadi karo, si shuruud la'aan ah ha lagu sii daayo" ayuu yidhi Cirro.

Waxa uu sheegay in Maxamed Abiib aanu ahayn xildhibaan matala gobolka Awdal kali ah lakiin uu matalo reer Somaliland oo dhan, lana soo dayn doono.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Ururka Kaah, Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sharci daro ku tilmaamay xadhiga xildhibaanka, isaga oo bulshada reer Awdal ugu baaqay in ay isdajiyaan.

Wali si rasmi ah looma shaacin meesha uu xildhibaanku ku xidhanyahay, xukuumaduna kama hadal danbiga uu gaystay, ee sababay in xildhibaan xasaanad leh sida loo qabto.