9/9/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 2 , 2024
Wasiir Biixi “Soomaaliya Dayn Cafinta kadib waxay sameysay horumar dhanka dhaqaalaha ah"
 

Isniin, September, 2, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka kulamo looga arinsanaayay arrimaha dhaqaalaha kula qaatay madaxda Bangiga Aduunka iyo hay'adda Lacagta Aduunka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo si kooban uga hadlay safar shaqo uu ku joogo Washington ayaa sheegay in dayn cafintii kadib dalka uu gaaray horumar dhanka dhaqaalaha ah, taasina ay ku timid dadaalada sida wadajirka ah loogu bixiyay dhankaas.

“Soomaaliya, Dayn cafinta kaddib waxay sameysay horumar dhanka dhaqaalaha ah, runtii waa arrin lagu farxo, waxaan ku howlanahay sidii aan usii xaqiijin lahayn guulahaas la gaaray, dalkam Mareykanka waxaan u imid safar shaqo oo waxaan kulamo la qaatay madaxda Bangiga Aduunka iyo Hay'adda Lacagta Aduunka, kulamadeenana waxay kuso dhamaadeen si guul ah ” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige.

Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiirka iney jiraan dad badan oo Soomaali ah oo ku nool dalka Maraykanka oo guulo waa weyn ka gaaray dhanka Ganacsiga, isagoona ku bogaadiyay dadaalada hormarka leh oo ay sameeyeen dadkaas Soomaaliyeed iney sii laba laabaan.

Ugu dambeyntii dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa wali ku howlan dadaalada ay ku bixineyso sidii ay horumaro la taaban karo uga gaari laheyd dhinaca kobaca dhaqaalaha dalka.