9/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 16, 2024
Booliiska gobolka Banaadir oo gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan inuu Ceeji ku dilay gabar yar
 

Isniin, September, 16, 2024 (HOL) - Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwa ka howlgala Saldhiga degmada Warta nabadda ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan inuu Ceeji ku dilay gabar 17 sano jir aheyd.

Ninkaan oo magaciisa lagu sheegay Cabdicasiis Cismaan Maxamed Sadaam ayaa ahaa Macalin Dugsi Quraan oo si weyn looga yaqiinay xaafada lagu dilay gabadha yar oo lagu magacaabi jiray Maa’ido Maxamed Axmed.

“Ciidanka Boliiska gobalka Banaadir, gaar ahaan Saladhigga Boliiska degmada Warta-Nabadda ayaa gacanta ku soo dhigay, eedeysane Cabdicasiis Cismaan Maxamed (Sadaam) oo ku eedeysan in uu ceego ku dilay Marxuum Maa'ido Maxamed Axmed oo 17 jir aheyd, dilkaas gabadhaas ayaa gelinkii dambe ee shalay ka dhacay degmada Warta-Nabadda.Waxaa socota baarista Boliiska, waxaana la horgey doonaa Maxkammada awooda u leh" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska gobolka Banaadir.

Dhinaca kale gabar la dhalatay marxuumada la dilay oo la hadashay warbaahinta ka hor inta aan gacanta lagu soo dhigin ninkaan ku eedeysan dilka ayaa sheegtay in dilka Walaasheed uu ahaa mid aan loo adeegsan wax hub ah, islamarkaana jirkeeda uu ahaa mid ka muuqday jirdil iyo Ceeji.

“Gabadha madaxa jug looga gaystay kadib waa dhiig baxday, sidoo kale ceeji loo gaystay ayay u dhimatay, iyada dhan wada dhiig ayay ahayd qof ayaa kas cad u dilay” ayay tiri.

Ugu dambeyntii ninka loo soo qabtay dilka gabadha yar ayaa la sheegay inuu Jeclaa gabadha, islamarkaana uu tagi jiray xaafada gabdhada la dilay, waxaana dilkaan uu qeyb ka noqonaya dilalka naxdinta badan oo sanadkaan gudahiisa ka dhacaayay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.