9/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 15, 2024
Jubbaland oo guul ka sheegatay dagaal maanta ka dhacay gobolka Jubbada Hoose
 

Axad, September, 15, 2024 (HOL) - Taliyaha guutada labaad ee ciidanka Daraawiishta maamulka Jubbaland Maxamuud Cabdi Fanax ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay dagaal xoogan oo saakay ka dhacay deegaanka Janaay Cabdalla ee gobolka Jubbada Hoose.

Taliye Fanax ayaa sheegay in dagaalka saakay ka dhacay Janaay Cabdalla iney ku jabiyeen xubnahii Al-shabaab ee weerarka kusoo qaaday deegaanka, islamarkaana meydadkooda ay yaalaan gudaha Janaay Cabdalla.

"Meydadka Khawaariijta wuxuu yaala gudaha magaalada Janaay Cabdalla, dhaawacayadii ay jiiteen ayaan baacsi kusii hayna, waxaa sidoo kale ka furanay hub farabadan, cadawga jab uusan fileyn ayuu la kulmay saakay, aniga waxaan idhaheyga saaray meydadka ilaa afar ka mid ah Khawaarijta oo wadooyinka yaala" ayuu yiri Taliye Maxamuud Cabdi Fanax.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Taliyaha guutada labaad ee ciidanka Daraawiishta Jubbaland in markale aysan dhici doonin in Al-shabaab soo weeraraan Saldhigyada ciidanka Daraawiishta Jubbaland.

"Hada kadib ma dhici doonto in Saldhigyadeena nagu soo weeraraan Khawaarijta, waxaan ku beegsan doona meelaha ay ku dhuumaleystaan, hada waxaan baadi goobi hayna dhaawacyo geedaha hoostooda ay la galaan Khawaariijtii saakay soo weerartay Janaay cabdalla" ayuu yiri Taliye guutada Labaad ee Daraawiishta Jubbaland Maxamuud Cabdi Fanax.

Ugu dambeyntii ciidanka Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Kumaandooska Danab ayaa bilihii lasoo dhaafay howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka waday deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.