9/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 15, 2024
Itoobiya: Dowladda Soomaaliya ma awooddo inay si hufan uga shaqeyso meel ka baxsan gobolka Banaadir
 

Axad, September, 15, 2024 (HOL) - Ku-xigeenka Wakiilka Joogtada ah ee Itoobiya u fadhiya Midowga Afrika, Nebiyu Tedla, ayaa ka  hadlay hadal dhawaan ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Axmed Macalin Fiqi, oo ku aaddanaa in Soomaaliya ay taageerayso Xooggaga Mucaaradka Itoobiya.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa X, ayuu Nebiyu ku tilmaamay hadalka wasiir Fiqi mid majaajillo ah, wuxuuna ku eedeeyay inuu danaha qabiilka ka hormarinayo horumarka qaranka.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay Soomaaliya inay  inay xiriir la sameynayso jabhadaha ka soo horjeeda Itoobiya haddii Itoobiya ay sii waddo heshiiska ay la gashay Somaliland.

Nebiyu ayaa qoraalkiisa ku yiri, "Waa wax lagu qoslo in la arko xubno Al-Shabaab ah oo iska dhigaya mas'uuliyiin dowladeed, kuwaas oo aan awoodin in ay si hufan uga shaqeeyaan meel ka baxsan Banaadir.

Xurgufta diblumaasiyadeed ee u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya, ayaa saamayn ku yeelan karta dadaalada diblumaasiyeed ee loogu jiro in lagu xalliyo xiisadda labada dal.

Durba, hadalada xanafta leh ee labada dal isku marinayaan saxaafadda ayaa loo maleynayaa inay sabab u yihiin baaqashada wada xaajoodkii saddexaad oo la filayay in magaalada Ankara lagu qabto 17ka bishaan September. Dowladda Turkiga oo dhexdhexaadiye ka ah wada hadalkan weli wax war ah kamasoo saarin baaqashada shirka.