9/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 15, 2024
Dagaal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose
 

Axad, September, 15, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo aroornimadii hore ee saakay ka dhacay deegaanka Janaay Cabdalla ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig deegaanka Janaay Cabdalla ku leeyihiin ciidanka dowladda Fedaraalka iyo kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland.

Qoraal kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in weerarka saakay  khasaare xoogan lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab, islamarkaana looga dilay ilaa 5 xubnood.

"Meydadka shan kamida Khawaarijtii damacsaneed in ay dadka rayidka ah dhibaateeyaan ayey isaga carareen Argagixisada, waxaana wali socda baacsiga Khawaarijta oo waayadan dhibaneyaal u ah halyeeyada Xds iyo kuwa maamul goboleedka jubaland" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Fedaraalka.

Deegaanka Janaay Cabdalla ayaa ka mid ah deegaanada muhiimka ah ee laga ilaaliyo amniga magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka maamulka Jubbaland, waxaana xusid mudan in deegaankaan uu ka mid yahay deegaanadii ugu dambeeyay ee laga xureeyay Al-shabaab.