9/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 14, 2024
Ciidanka Macawiisleeyda oo howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyay gobolka Hiiraan
 

Sabti, September, 14, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo barqanimadii maanta ciidanka Macawiisleyda ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada Macawiisleeyda ayaa weerar ku qaaday goobo ku yaala jiinka wabiga Shabelle oo la tilmaamay iney isku aruursanayeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo wabiga uga soo talaabay dhinaca Galbeed.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Macawiisleeyda ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in howlgalka ay ku burburiyeen fariisimo kooxdu isku aruursaneysay, islamarkaana ay halkaas ku gaarsiiyeen khasaare xoogan.

“Khawaarijta wan ka burburinay goobahii ay dhuumaaleysanayeen, meel kasta oo ay joogaan kama daba hari doono jinka wabiga iyo dhagaxyada inta u dhexeysa midkii joogo waxaan u sheegayaa inuu si deg deg ah ga baxo" ayuu yiri sarkaal u hadlay ciidanka Macawiisleeyda.

Si kastaba ha ahaatee Sarkaalka ma uusan sheegin tiro rasmi ah oo ay ka dileen kooxda Al-shabaab, marka laga reebo iney burburiyeen Saldhigyadoodii, waxaana xusid mudan in gobolka Hiiraan uu ahaa gobolkii ugu horeeyay oo uu ka bilawday kacdoonka ka dhanka ah Al-shabaab ee haatan sida weyn ugu faafay guud ahaan gobolada dalka.