9/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 14, 2024
Maraykanka: Ma aqoonsanin isfahanka Itoobiya iyo Somaliland, waa in xal diblumasiyadeed lagu dhameeyo xiisadda labada dal
 

Sabti, September, 14, 2024 (HOL) - Maraykanka ayaa mar kale ku celiyay in uusan aqoonsanayn heshiiska isfahamka ah ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, wuxuuse sheegay inay ka go’an tahay in xal nabadeed oo diblumaasiyadeed lagu dhameeyo khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Hadalkaan waxaa sheegay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Richard Riley, kaasoo tilmaamay in  Mareykanka uu ku kalsoon yahay in xal nabadeed lagu dhameyndoono xiisadda labada dal. Sidoo kale wuxuu sheegay inay dowladda Soomaaliya ka taageeraan la dagaalanka argagixisada.

"Aad ayaan uga warqabnaa oo si wada jir ah ayaan uga shaqeyneynaa si aan u hubino in xal diblumaasiyadeed laga gaaro xaaladdan hadda jirta. Waa xaalad nasiib-darro ah, qas badan, oo ka bilaabmatay Is-fahamka Somaliland iyo Itoobiya. Dabcan ma aqoonsanin, waxaanan isku dayeynaa in aan ku xalino dariiq diblomaasiyadeed” ayuu yiri Riley.

Geesta kale, Danjiraha Maraykanka u qaabilsan geeska Afrika Mike Hammer ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Washington ee madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, intii uu ku guda jiray booqashadiisa magaalada Addis Ababa.

Hammer wuxuu ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la kobciyo xiriirka nabadeed ee u dhexeeya dalalka dariska ah ee gobolka, gaar ahaan Itoobiya iyo Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya ayaa doonaysa inay ku adkaysato heshiiska ay la gashay Somaliland, si ay deked iyo saldhig milatari uga sameysato Badda Cas, inkastoo Soomaaliya ay si adag uga hortimid.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku hanjabtay haddii aysan Itoobiya ka laaban heshiiskaan inay Soomaaliya wada shaqayn la yeelanayso jabhadaha gooni-goosadka ah ee dalka Itoobiya.