9/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 12, 2024
Dagaal beeleed khasaare badan geystay oo maanta ka dhacay gobolka Mudug
 

Khamiis, September, 12, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed galinkii hore ee maanta ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

Dagaalka oo qarxay waabarigii hore ee saakay ayaa qaatay saacado badan, kaaso ka dhacay tuulo lagu magacaabo Buq oo u dhaw deegaanka Towfiiq ee gobolka Mudug.

Inta la xaqiijiyay ilaa 15 ruux oo isugu jira labada dhinactada dagaalamay ayaa ku geeriyooday dagaalka, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay in ka badan 20 ruux oo kale.

Dagaal beeleedkaan maanta dib uga qarxay gobolka Mudug ayaa kusoo aadaya, iyadoo marar badan labadaan beelood la dhex dhigay heshiisyo nabadeed, hayeshee heshiisyadaasi maysan noqon kuwa guuleysta maadama colaadoodu u dib u qarxay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan ah laga dareemayo goobahii saakay lagu dagaalamay, islamarkaana maleeshiyaadka labada dhinac ay wali isku hor fadhiyaan meelahii ay ku dagaalameen.

Waxgaradka labada beelood ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan iney ku kala qaadaan labada ciidan ee is horfadhiya, waxaana sidoo kale ay ugu baaqeen maamulka Galmudug iney qaadaan talaabooyin lagu joojinaayo dagaalka khasaaraha badan geystay.

Gobolada Mudug iyo Galgaduud waxaa bilihii lasoo dhaafay aad ugu badnaa dagaal  beeleedyada dhex mara qaar ka mid ah beelaha wada dega labadaas gobol.