9/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 12, 2024
Maleeshiyaad hubeysan oo gobolka Galgaduud ku dilay Nin iyo Xaaskiisa
 

Khamiis, September, 12, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in inta u dhaxeysa magaaloyinka Cadaado iyo Godinlabe Xalay Maleeshiyaad hubeysan ay ku dileen nin iyo Xaaskiisa.

Marxuumka la dilay isaga iyo Xaaskiisa oo ku wada sugnaa hoygooda ayaa magaciisa lagu sheegay Cilmi Cumar, kaasoo deegaan ahaan kasoo jeeday degmada Cadaado.

Maleeshiyaadka hubeysnaa ee geystay dilkaan argagaxa leh ayaa si deg deg ah uga baxsaday goobta ay ku dileen ninka iyo xaakiisa, waxaana la tilmaamay in maleeshiyaadka dilka geystay u baxsadeen dhanka magaalada Dhuusanareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.

Dilkaan Xalay loo geystay ninka iyo xaaskiisa ayaa ah mid la xariira aargoosi aano qabiil ah, waxaana wararku intaasi ku darayaan in dableyda dilka geysatay ay sidoo kale dab qabad siiyeen guriga ay ku dileen marxuumka iyo marwadiisa.

Deegaanka lagu dilay ninka iyo xaaskiisa ayaa saakay si weyn looga hadal haaya dilka Xalay dhacay, waxaana gobolada Galgaduud iyo Mudug ee maamulka Galmudug kusoo kordhaayay bilahii lasoo dhaafay dilalka naxdinta leh ee ku saleysan aanooyinka qabiiil.

Ugu dambeyntii maamulka Galmudug ayaa u maaro la' dagaal beeleedyada dhiiga badan ku daataan ee kuso laablaabtay deegaanada maamulkaas.