9/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 12, 2024
Booliiska gobolka Banaadir oo gacanta kusoo dhigay koox ku eedeysan dil iyo dhac dadweyne
 

Khamiis, September, 12, 2024 (HOL) - Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir ayaa howlgalo ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho kusoo qabqatay kooxaha Muqdisho ka dhex geysta dilka, dhaca iyo falalka amaan daro.

Booliiska gobolka Banaadir ayaa war qoraal ah oo kasoo baxay waxaa lagu xaqiijiyay iney gacanta lagu soo dhigay ilaa 10 ruux oo ku eedeysan in qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho ka geysteen dil iyo dhac dadweyne.

“Howlgal ay sameeyeen Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir oo kaashanayea Hay,adaha amaanka Caasimadda ayaa lagu soo xiray eedeysanayaal gaaraya 10 xubnood. kuwaas oo geestay falal iskujira dil, dhaawac iyo dhac dadweyne ka geestay, Dagmooyin kala duwan ee Caasimadda” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir.

Warka kasoo baxay Booliiska Banaadir ayaa sidoo kale lagu sheegay in 10-ka ruux ee la soo qabtay oo dhamaantood ah rag iney ku socoto baaris, islamarkaana la horkeeni doono Maxkamaddaha ku shaqada leh.

Ugu dambeyntii taliska Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa ka codsaday dadka ku nool Muqdisho iney soo wargeliyaan talisyada ciidanka ee u dhaw dadka ku howlan falalka la xariira amni darada Muqdisho.