9/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 11, 2024
Maamulka gobolka Banaadir oo mamnuucay in dhismayaal dhaadheer laga dhiso agagaarka garoonka Aadan Cadde
 

Arbaco, September, 11, 2024 (HOL) - Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar uu ku mamnuucayo in dhismooyin dhaadheer laga dhiso nawaaxiga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Degmooyinka kala ah Xamar weyne, Xamar jajab, Waaberi, Wadajir iyo Dharkeynleey qeybta Jasiira oo dhamaatood ka agdhaw garoonka diyaaradaha ayaa laga mamnuucay in laga dhiso dhismooyinka dhaadheer.

"Laga bilaabo maanta oo 11-09-2024 lagama dhisi karo xeendaabka garoonka Aadan Cade iyo Xerada Xalane guri aan dhismahiisu ka dheereen hal dabaq, waxaa la mamnuucay oo kale in dabaqyo dheer laga dhisi karin baraha kontrolada laga soo galo garoonka Aadan Cade, guri aan ka dheereyn saddex dabaq” ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Dheere.

Maamulka gobalka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in cidii ku xadgudubta amarkaan oo dhaqan gal ah maanta wixii ka dambeeya in laga qaadi doono talaabo sharci ah.

Awaamiirtaan cusub ee kasoo baxday maamulka gobolka Banaadir ayaa la sheegay in looga gol leeyahay xaqiijinta amniga iyo badqabka diyaaradaha Caalamiga ah ee isticmaala garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.